
“Golaha Guurtidda iyo Golaha Wakiiladda waxay u shaqaynayeen si wacan, Golaha Xukuumadd-na waxa uu u shaqaynaynaa si wacan waxay talladeeddu noqon-doontaa sidii aynu wax ku dhamaysan-jirnay . Golaha Wakiiladd-na waxaan ugu yeedhayaa sidii aad u shaqayn-jirteen iyo Aqlabiyaddii aad isku Ixtiraami-jirteen iyo Sidii aad isku Ixtiraami-jirteen isku Ixtiraama oo kuwii-na tirada badan xoog ha sheegani-na, kuwii-na laga badan yahayna Gal-galashadda iska daaya,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Ma Jirto wax faro-gelin ah oo ay Xukuumaddu Golaha Wakiiladda ku hayso waxay haysaa dhamaymahoodda, waanay dawaynaysaa, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waa Hogaamiyayaasha qaranka ma jirto wax faro-gelin ah oo aanu ku haynaa Golaha Wakiiladda, Guddoomiye ku xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE waa Madaxweyne ku xigeenka, markaa Xisbiga WADDANI haddii uu Xisbiga KULMIYE eedeeyo yaanu Xukuumadda ku gal-galan. Axsaabta oo dhan waxaanu ugu yeedhaynaa Dimuquraadiyadda ilaaliya Golaha Wakiiladda-na waxaanu leenanay Dimuquraadiyadii-na ilaaliya Aqlabiyadana Ixtiraama.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inaanay jirin baahi ay qabto muddo kordhin, isaga oo ku dooday inaanay inay yar tahay in axsaabta tartamaysa laga helo murashax la loomi karo madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi, “Muddo Kordhin ILAAHAY nama badani, Musharaxayagu waa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo, musharax isla Sharixi-karaa maanta wuu yar yahay,” ayuu yidhi Cukuse.
Isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi,“Cabdiraxmaan Cirro waa nin Mucaarid ah waa Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, wixii Hoggaamiye Xisbi Mucaarid ahi ku hadli-jiray ayuu ku hadlay, laakiin idinku waxaad moodaysaan in Guddoomiyihii Golaha Wakiiladdu idinla hadlayo , markaaa isaga oo Guddoomiyihii Golaha Wakiiladda ah wuu garanayaa Golihiisa in cid Xukuumadda ah oo faro-gelisaa aanay jirin, wixii Mucaarid odhan-jiray ayuu odhanayaa, Xaqaana wuu leeyahay.”
“Laakiin annagu waxaanu leenahay Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI adiga oo ah markan waxaad tahay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dalka, waxaanu ugu jecel nahay oo aanu idinku yeedhaynaa Golaha Wakiiladda waar fadhiista oo sidii aad isku maali-jirteen , Xeer-hoosaaddkiinii Ixtiraama Annaguna baahi weyn waxaanu u qabnaa inay Doorashaddii dhacdo, waxaanu baahi weyn u qabnaa in Miisaaniyaddii qaranka Ansixisaan waa mid idin-taalla , taas oo wax badan oo Noloshii qaranka ahi ku xidhan-tahay,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment