Waxaa soo koobay taariikhdii iyo qaar kamid ah Gabayadiisa Garyaqaan Xasan Cali Xasan oo Marxuuku dhalay – Q.2aad
Sanadihii u dhaxeeyey 1977 ilaa 1979kii ayaa dadku Cali Xasan ku odhan jireen: “waar maad iska aamustid, yaan lagu dilinne”. Markasta waxa uu ku odhan jiray waxa aan ka hadlayaa ma khaladbaa mise waa wax jira. Way uga garaabi jireen. Markaasuu odhan jiray hadaba haddii aynu iska wada aamusno xoolaha iyo dhirta iyo ma yeedhaanku ma inoo hadli doonaan. Mar haddaanay taasi dhacaynin anigaa inoo hadlayee i taageera oo ugu yaraan fikirka ila qaata iyagana aamusa. Waxaana jiray gabayga la yidhaahdo Masalle ee uu tiriyey 1978-kii oo erayadiisa ay kamid ahaayeen: “lama arag dadkoo aamusa oo duunyo hadashaaye; lama arag dugaag deyo oo adhi jirtoo neylo daadihine…Intaan shinidu is doorin waan dagaalamiye; nimanyahow dumaashaydii baan dibed ka seexdaaye; Dunbuqii cabaystaye kolkaan dili lahaa yaa og; Masalaha ku duulaye halkaan degi lahaa yaa og”.
Balse markii la soo gaadhay sanadkii 1979-kii ee dagaalkii uu taliskii Siyaad Barre ku qaadey Itoobiya uu faashil ku dhamaadey, ayaa Cali Xasan aragtidiisii iyo halgankiisii uu taliskii Siyaad Barre si dhaba u dareemay, waana la xidhay. Bilowgii 1980-kii ayaa Maxkamadii Badbaadada la odhan jiray ee Hargeysa la soo taagay Cali Xasan, oo lagu haysto aragtidiisii iyo halgankii ku jirayba. Gabayga lagu soo eedeeyey inuu tiriyey waxaa la yidhaahdaa Raamaale. Waana mid caan baxay, oo wakhtigaasi bulshada oo dhan wada gaadhay isaga iyo gabayga kale ee Kudkude. Markii Cali Xasan la keenay maxkamada ee laga qorayey qiraalka waxa uu maxkamadii u sheegay in codsigiisa loo aqbalo kaas oo ah inuu tiriyo gabayga lagu haysto. Wuu tiriyey, markuu dhameeyeyna wuxuu bilaabay gabayga kale ee Kudkude. Labadaasi gabayba hortooda ayuu ka tiriyey. Maalintaasi ayaa dadku arkeen in naftu maruun baxdo oo runta uu Cali Xasan ka hadley laga garaabo.
Sidoo kale waxaa bulshada ka dhex abuurmey dareeno xambaarsan khaladaadka lagula kacay dadkii reer Waqooyiga. Iyo dawladnimadii sidii loo tuuray iyo wixii lagu bedeshay toona la haynin. Afka ayuun baanay dadku kaga hadli jireen iyagoo wax talaabo ah inay qaadaan aan oggolayn ama ka baqanaya. Hadaba, isaga oo dareemadaasi ka turjumaya kuna sugan xabsiga, kadib markii la xukumay ee maxkamada dhexdeeda gabayga ka tiriyey. Waxa uu tiriyey gabayga Duufaan sanadkii 1980-kii waxaana tuducyada gabaygaasi kamid ah:
• “Dabkan igu baxaayiyo xabsigan deyrka igu meersan;
• Hadey iga danbeeyaan rag kale ima danqaabeene;
• Mililkaa idin dareeraaya oo mana daweysaane;
• Dakanadu halkey jiifto iyo hadal ma deysaanne;
• Ragii hore wuxuu diidi jiray kama dikhootaanne;
• Dad-qalkaa ka soo hoydey bay qaar dugsanayaanne;
• Ninkeygii xumaha diidaayey ee u diriraayey;
• Dabin buu isgaliyuu tidhuu nagu daraayaaye;
• Murdidaan u daabaco ayaan cidi danayneyne;
• Warkeygaan duleedkiyo ka bixin aqalka daahiisa;
• Marka la igu duugey xabaal dib uga sheekayne;
• Digo lagu qaniiniyo kudkude geel dakaan dhabayye;
• Doqontaa Ilaahbaa i badey digigixooneyne;
• Debnihiyo afkeygaa xidhnaa toban diraacoode;
• Caawana halkay daarantahay bal aan dareensiiyo.”
Gabaygaasi oo aad u dheer arimo badanna taabanaya waxaa kale oo kamid ahaa inuu tilmaamay dawladnimadii la tuuray khaladkii ka dhashay, isagoo leh:
• “Dawladii aad tuurtaa nebsigu kugu dilaayaaye;
• Walaalkaad lahayd nagu dar eed ugu duduucaysay;
• Waakaa dameerka kaa dhigtee duudka kaa rarayye;
• Isaguba marbuu daadiyaa damaqsan maysaane;
• Dib kuun baad xoqaysaan nabrahan idin daloolaaye”.
Markale oo uu ka hadlayey in halganku ku koobnaado ‘Waqooyi’ oo dhibaatadu ka taagneyd, waxa uu yidhi Cali Xasan isla gabaygaasi Duufaan sidan:
• Waqooyoo dhan buu daaran yahay deelkan maansaduye;
• Dooxaa Hargeysaan masaal kuugu darayaaye;
• Mareexaankii waakaa ka degay labadii daamoode;
….
• Daruurihii ragbaa qaybsadey iyo Dabo-cadaadeede;
• Sheikh-Madarba waa lagu durkooy dacalo gooyeenne;
• Laga qaad Suldaan Diiriye iyo deyrkii xaajiga’e;
• Lafcambey ku darayaan sidii daadkii berigiiye;
• Ildab inay ka dumiyaanna waa la isku dayayaaye;
• Daandaansi Ina-Faahiyaa loogu darayaaye;
…
• Daarihii Jirde ayey leeyihiin waxaa leh daahuushe;
• Xasan Dalab dariiqbaa ku baxay loo dabaaqadiye;
• Dukaanadii Rakuub waa kuwaa loo dacwiyayaaye;
• Cumar-Xaashi deyn kama qabee waatan loo digayye;
…
• Cabdi-Dhuudhi waakii ka didey docadocayntiiye;
…
• Dalooldho iyo waa isgarab socdaa Daami dhagaxiiye;
• Magaaladu haddii ay durugto waa deris qalaadeede.
Gabayadaasi, aan inta kasoo qaatey iyo kuwo kale ee aan imika soo koobi karaynin, waxay muujinayaan sida halgankaasi uu Cali Xasan tusaalaha ugu ahaa dareenkii dib ula soo noqoshada qaranimada ee wakhtigaasi taagnaa. Marnaba Cali Xasan kamuu waaban jirin in dib loo xoreeyo Waqooyi oo dib loosoo celiyo dawladnimadii ka dhalatey 1960 ee hore loo baabiiyey. Taas in lagu horumarayo ayuu dadka ku boorinayey oo noloshoodii dhaqan-dhaqaale dib u soo ceshadaan. Marka loo dhugyeesho suugaantiisana waxaa kuu muuqanaysa in isaga humaagyadiisii suugaaneed iyo fikradiisii ay dhabowdey halka aragtiyihii kale oo dhami ay wada fashilmeen.
Marka aynu eegno xikmada ay xambaarsanaayeen labada gabay ee Raamaale iyo Kudkude waxay ahayd in fikradii Soomaaliweyn ay fashilantey, haddii la jabhadeynayo inaan lagu habsaamin dagaal ka dhan ah xukuumadii Siyaad Barre oo waxa uu Cabadilaahi Yuusuf oo madax ka ahaa S.S.D.F iyo Majeerteen ku baaqayeen, uu ahaa lugooyo. Waxa reer Waqooyi looga baahanyahay uu ahaa halgan iyaga u gaar ah, oo aan kaasi C/laahi Yuusuf ku dhex milmin ayuu ku baaqayey. Sidoo kale waxa uu Majeerteenka ku boorinayey in ismaamulkoodii hore u jirijirey haddi ay rabaan looga baahan yahay dagaal dhab ah oo aan degdeg ku salaysnayn. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka S.S.D.F uu yahay mid kursi ku salaysan taasina aanay xalka Reer Waqooyigu doonayeen aanuu ahayn. Waxaana kamid ahaa gabaygaasi tuducyadiisa:
• “Gobonimo la soo roorney oo waydinkii raqayye;
• Ee subagii raarnaa guryaha Roma loo dirayye;
• Rido dhiigleh waan kula jeclaa raysna dabayaalle;
• Riyo lala kacaa boodey baan raasamaal dhiginne;
• Waxad ruubateen maalintaad dad iska reebteenne;
• Majeerteen siduu rabay haday run u ahaan waydey;
• Adaa raafdilaacayye anigu kuma ragaadsiinne;
• Ruug cadaadigaa haysta iyo adigan riixaaya;
• Hadba raarta kiinii galaa waysla rugo gayne;
• Raqda aarka hore kii danbuu reenka maqashiine;
• Kuruskuu rudhaayuu hadana wax uga reebaaye;
• Raxan baad ku cunaysaan hashaan riiq walba u galaye;
• Daarood cadkuu kala ritaa waysla rugo gayne;
Sidoo kale gabayga Kudkude, waxa uu kaga hadley, in xabsiga Ina Cigaal ku sugan yahay ay tahay wax laga dhiidhiyo, loona baahan yahay dagaal ku salaysan qaranimo. Waxaana uu yidhi:
• “Kilaal buu dhex joogaa Cigaal waana kelidiiye;
• Dhaaxuu idin kabankaabiyee waydinaan kohanne;
• Kuray yari wuxuu aargutaa maalintuu kore’e;
• Kiintaaladuu jiidayee lagu kadeedaayo;
• Ee lagu kaxaynaayo ee lagu korfuulaayo;
• Dameerkuba kabaalada marbuu kabax ka siiyaaye;
• Kudkudaa ugu liitoo nin geed waaka kiciyaaye;
• Tolkeyoow maxaad u kuududaan layna kooreey.
Isla sanadkii 1980-kii, oo aan ku tilmaami karo inuu ahaa sanadkii Cali Xasan ee halganka, waxa kale oo gabayadii badnaa ee uu tiriyey kamid ahaa Mahiigaan oo dhinacyo badan taabanaya. Waxaan ugu weyn ee uu ka hadlayaa ay tahay tuuristii dawladnimadeenu inay saldhig u tahay tabashadii taagneyd, sidoo kale waxa gabaygu ka turjumayaa dareenkii shacabka ee ku dhisnaa dib ula soo noqoshada dawladnimada Somaliland, iyo inaanay ahayn mid la gartey 1991kii ee ay hore u jirtey garashada bulshadu, sida dad badani ku sheegayaana aanay ahayn wax mar danbe soo baxay.
Soo qaado tuducyadan gabaygaasi Mahiigaan:
• “Dawladaan maguujaan gamcahan madhan ka joogaaye;
• Maandeeq halkaan geeyey baa lagu miskeedaaye;
• Maraq Eebbe baa lagu xidhoo mahadin meysaane;
• Nirgahay mataaneysay baad mulul cadhayseene;
• Macaluusha waakaa afkii Meydh u jeedsadeyye;
• Xoriyooy ninkii maali jirey meesha laga saarye;
Macnaha tuducyadaasi oo aad u cad, hadana waxaa mudan in la iftiimiyo tuduca mudaakirada ah ee ku jira oo ah: “Macaluusha waakaa afkii Meydh u jeedsadaye” taas oo macnaheedu yahay in hashii gobonimada ee Maandeeq oo joogta Muqdisho, dhibkii loo geystey iyo macaluushii lagu hayey darteed uu afkeedii u soo jeedsadey xaga Meydh, oo ay ku yaalaan qudbiyadeena sharafta mudani, macnaheeduna yahay in shey kastaa ku noqonayo asalkiisii iyo meesha uu kamid.
Tuducyadan soo socda ee gabay-halgameedkaasi Mahiigaan, waxaa kale oo kamid ah kuwan soo socda oo uu kaga hadley gobonimo qaadashadii Somaliland, sidii loogu heesayey ee loogu dabaal dageyey, ujeedadii midnimadu inuu ahaa in labadaasi xoroobay maahee sadexdii kale ee maqnaa talo iyo wadahadal lagu raadiyo, hadii lagu waayana dagaal lagu keeno, balse doonistaasi ay fashiliyeen Soomaalidii kale oo u aragtey in Waqooyi yahay sidii geel ama hanti lasoo qaaday oo la iska yeeshay oo kale, sidaana ku fashilantey, dhibkuna uu halkaa salka ku hayo. Waana kuwan tuducyada gabaygaasi ee arimahaasi ka hadlayaa:
• “Mariiq buu dhashee maalintaan calanka muuneeyey;
• Miraaqoodayeey heesihii lagu madiixaayey;
• Gobonimo macaankey lahayd lagu marshaynaayey;
• Saddexdii maqnaa baan lahaa tallo ku maydhaanne;
• Halkay mirato xaajadu qor, oo uunka maqashiiye;
• Marodhaano nabadeed haddii maaro lagu waayo;
• Muruq iyo dagaal baan lahaa midig ku soo hoyye;
• Meykal iyo Maxamed Xaaji baa meel waxsoo dhigayye;
• Shantan midiba calan dooneyso ee laba mataanowdey;
• Mudadii yarayd bay qabteen inay midoobaane;
• Waar Soomaalidan maguugtaan lahaa meel isugu geeye;
• Muqdishiyo Hargeysaan lahaa ha ismitibiyeene;
• Shawa madaha lagu seemay iyo Mow-ga Kiiniyaate;
• Maarsada Jabuutiyo Berbera moodka iyo noolka;
• Masariyo Sucuudiga intaa Carab ku maageersan;
• Maariiga badahaan lahaa yaan la soo marinne;
• Miiqaan guntiyo waa jartaan meeriskaan tollo’e;
• Arinteydii maaf waxaa ka dhigay maqadinkiineeye;
• Markii Ministarkii-Ministarada la igu magacaabay;
• Waqooyi baa ina maamuli Rashiid baaska loo mariye;
• Maalintuu maroorsadey ninkaa maylinka afeystey;
• Mahdi baa inoo soo baxaad noo mashxaradeenne;
• Mijoxaabintaad nagu dhigteen mahadho weeyaanne;
• Halkii lagu muftaaxuu Cigaal murug la jiifaaye;
• Haddaan mowdku dilin wuu ka bixi maalmo dabadeede.
• War intaasood isoo mariseen baan maanka ku hayaaye;
• Hashaan maalka kuu siiyey baad igu mudeysaane;
• Waxan lagu murmaayiyo waxan la isku maandhaafey;
• Maatiduna ay garanaynsabaad macantabaysaaye….”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment