Monday, October 27, 2014

Gabadh Caloosheeda Laga Soo Saaray Lacag Gaadhaysa Ilaa 55,500 Oo Lacagta Yurub ah

Santo Dominco:Oct,27,2014(Himilo)-Kooxaha Ammaanka u qaabilsan dalka Jamhuuriyadda Domingo, ayaa xabsiga u taxaabay Haweenay caloosha ku sidday lacag gaadhaysa 55,500 oo lacagta Yurub ah.

uroSarkaal u hadlay ciidamada la dagaalanka Mukhaadaraadka wadanka jamhuuriyadda Domoniq ayaa u sheegay wargeyska Khaleej Times in haweeneydan oo 40 sano jir ah la qabtay markii lagu ogaaday inay caloosha ku wado lacag aan cadadkeedu yareyn.

Qalab garoonka yaala oo ay dadku dhex maraan ayaa lagu ogaaday in haweeneydan oo ku safraysay baasaboorka wadanka Spain in la qabtay markii ay ka degatay diyaarad ka tagtay magaalada Brussels ee xarunta wadanka Biljimka.

Sidoo kale haweeneydan ayaa lagu qabtay lacag kale oo dhan 54,600 oo Yuuro oo ay boorso ku wadatay .

Afhayeen u hadlay ciidamada la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya ee dalka Domoniq ayaa sheegay in haweeneydan ay aaminsan yihiin inay la shaqayso kooxaha ka ganacsada walxaha maanka dooriya oo ay lacagtan u waday.

Lacagta ay caloosha ku waday ayaa ku jirtay illaa 16 bacood oo inta caloosha la qalay la dhex dhigay sida ay ku waramayso wakaaladda wararka AFP.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment