Hargeysa, 25 Oct, 2014 (Himilo)- Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo horumarinta Somaliland, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo ay dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey ku joogeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyo sidoo kale Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo ay maalintii iyo habeenkii ugu dambeeyey ku sugnaayeen.

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo sidoo kale Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, ayaa Qolka Nasashada ee Madaarka Hargeysa Warbaahinta kula hadlay, waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo sidoo kale sharraxay kulan ay gelinkii dambe ee Khamiista Addis Ababa kula yeesheen Safiirka Britain u fadhiya Itoobiya oo uu xusay inay arrimo fara badan oo aanay Saxaafadda ka sheegaynin ka wadahadleen.
Muuse Biixi waxa uu u mahad-celiyey Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland oo uu sheegay inay fududaysay wax badan oo aan la’aantood hirgeleen hadday tahay isku-xidhka iyo hirgelinta Safarkooda iyo Masuuliyiinta ay la kulmeen oo uu Muuse Biixi xusay inay door wayn ka qaatay Guddoomiyaha Akaademiga oo Safarkooda ku weheliyey.
“Nimankaas waxaannu ku soo heshiinnay oo ay na waydiiyeen inta yare ee xaalxaalka ah inaannu dhammayno oo ah Sharciga oo Baarlamanku baas-gareeyo iyo Guddiga doorashooyinka oo hawlgala, labadaba hawshoodu inta badan way dhammaatay, Insha Allaahu labada Aqal ee Baarlamaanka oo fasax ku jiraa intaa way dhammayn doonaan. Markaa ka bacdi baa la samayn doonaa qorshihii iyo hawlgalkii, iyagu waxay noo sheegeen inay intaas uun sugayaan oo ay diyaar yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Markii aannu ka soo noqonnay waxaannu aragnay Safiirrada Safaaradaha qaar ka mid ah oo uu ku jiro Midawga Yurub (EU-da) Safiirkooda, Ninkaas oo aad mararka qaarkood mooddo inuu ku soo taagtaagan yahay Somaliland, waxaan doonayaa halkan inaan ka qaro in si Qarannimo ah loola hadlay oo weliba ay naga fadallo cadcaddaayeen qolada Mucaaradku oo intii Xukuumadda iyo dawladdu odhan lahayd-ba ay iyagu yidhaahdeen oo hadallo ad-adag ay yidhaahdeen si loo daafaco danta Qaranka.”
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay caalamka u soo caddeeyeen inay Xisbiyada Siyaasadda Somaliland diyaar u yihiin inay doorashadu qabsoonto, sidoo kalena ay u caddeeyeen inay Somaliland gaadhi doonto guud ahaan xuduudaha dalkeeda oo aanay cidna uga habran doonin.
“Muhiimadda Socdaalkayagani waxa uu ahaa uun in Saddexda Xisbigaba ay ka go’an tahay inay doorashooyinku innoo dhacaan, waxa kele oo meesha ku jiraa waxa weeye ee aannu u soo caddaynay adduunka Somaliland inay dhulkeeda horena dhiig ugu hortay, immikana diyaar u tahay inay gooni-isu-taaggeeda iyo Qarannimadeeda ilaaliso.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Waxaanu Guddoomiye Faysal oo la weydiiyey inuu doonayo Faysal ahaan in doorashooyinka Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiillada la kala horreysaysiiyo ta Golaha Wakiillada halka ay Mudayaasha Wakiilladu ansixiyeen Mooshin ah in hal mar la wada qabto labada doorasho, waxaanu yidhi; “Horta aniga mar keliya afkayga lagama maqal haddaan la igu xaman. Waxaan idiin sheegayaa anigu Faysal ahaan waxaan ku abtirsadaa danta Qaranka, haddii markaannu Guddiga doorashooyinka, Xisbiyada iyo dhinacyada kale iska arkaan ee ay ka arrinsadaan ay noogu muuqato inaanay danta Qaranka waxba yeelaynin oo aanay nabadgelyada waxba yeelaynin la qabto, hadday wax yeelaysana aannu Danta Qaranka iyo nabadgelyada wax walba ka horraysiinno, anigu weligay Xisbina uma danayn, aniguna isuma danayn ee danta shaqsiga ah waxa mudan in laga horreysiiyo danta Qaranka, sida ay danta Qaranka iyo nabadgelyadu ku jirto ayuun baana la yeelayaa.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna sheegay inay jecel yihiin Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo nidaamka dimuquraadiyaddu in doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtiga ku habboon ee dhammaadka muddo-xileedka Madaxtooyada iyo Wakiillada oo ku beegan badhtamaha sannadka soo socda ee 2015-ka.
Cabdiraxmaan-Cirro oo ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi; “Waxaannu ka wadahadalnay inay Somaliland ka taakuleeyaan arrimaha doorashada iyo arrimaha kale-ba, wixii looga baahnaa arrintaa doorashadana ay xaggooda diyaar ka yihiin, waxaanay jecel yihiin in doorashooyinka aynu qabanno wakhtigii loogu talo-galay, dhammaystirnana qabyooyinka wixii innagu hadhsan oo ay ugu horreyso Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ay ku xidhan tahay hawshii diiwaangelintu (ta Cod-bixiyeyaasha) inay bilaabaan sida ugu dhaqsaha badan.”
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sheegay in Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka loo soo xulay in la ansixin doono Axadda Berri, inkasta oo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Muxaafidka iyo Mucaaradka Khilaaf culus oo uu qayb ka yahay ka dhexeeyo, haddana waxa uu yidhi; “Sidaad ka war-qabtaanna Goluhu wuxu iclaamiyey fadhi aan caadi ahayn in lagu ansixin doono, Berri (maanta) waa fasax sida la ii sheegay, laakiin Axadda waxay noqon doontaa in la ansixiyo Xubnaha Guddiga doorashooyinka haddii Illaahay yidhaahdo Insha ALLAAH.”
Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Prof: Maxamed Faarax Xirsi, ayaa isaguna halkaa kula hadlay Warbaahinta qaarkeed, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay si fiican isugu soo afgarteen dhammaan Kulamada ay Nairobi ku wada-yeesheen Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo Wakiillada Qaadhaan-bixiyeyaasha, Safiirrada Safaaradaha dalalka qaarkood ee Nairobi iyo Masuuliyiinta Safaaradda dawladda Ingiriisku ku leedahay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo ay Khamiistii soo gaadheen, kulanna saacado qaatayna ku wada-yeesheen Safiirka Addis ee Britain iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyadu, si fiicanna isugu afgarteen arrimo badan oo ay ka wadahadleen.
No comments:
Post a Comment