Booqday iyo Waxyaabaha ay ka Wada-hadleen Madaxda Soomaaliya
Muqdisho, 30 Oct, 2014 (Himilo)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo booqasho shalay ku tegay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo dabcan khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha u dhexeeyaa ka mid yahay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo hadal ka jeediyay kulanka, ayaa u mahad-celiyey Madaxweynaha Soomaaliya sida diirran ee uu ugu soo dhaweeyay Muqdisho, isagoo sheegay in tani ay u tahay booqashadiisa labaad ee uu dalka ku yimaaddo, ka dib saddex sano oo uu dalka ka maqnaa, isla markaana ay wax badan iska beddeleen, isla markaana ay kala duwantahay sannadkii 2011-ka.
“Waxaan xambaarsanahay laba farriimood, tan koowaad waxaan ognahay Siyaasadda, dawlad-wanaagga, Amniga iyo horumarka wax badan oo la taaban karo ayaa iska beddelay, tan labaad Qaramada Midoobay, Bangiga Kooxda Adduunka iyo weliba bulshada caalamka guud ahaan waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon.
Waxaanu Ki-moon intaas ku ladhay oo uu yidhi, “Soomaaliya waxay ku taagantahay waddada saxda ah, anigana waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda hortaagan. Waxaan halkan u joognaa inaan u sheegno Soomaalida inaanay keligood ahayn iyo inaan labanlaabi doonno dedaalka aan ugu jirno inaan ku kaalmayno si ay u ilaaliyaan guulaha la gaadhay sannadihii dhawaa.”
Xoghayaha Guud ee Qaramadda Modoobay Ban Ki_moon oo booqasho ku tegay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxa uu madaxweynaha iyo Raysalwasaarada dalkaas oo khilaaf xooggani u dhexeeyo ugu baaqay inay soo afjaraan khilaafkooda isla markaana ay u midoobaan sidiii Soomaaliya uga gudbi lahayd xaaladaha qalafsan ee ka taagan.
“Waxaan u soo jeedinayaa hogaamiyeyaasha Soomaaliya inay midoobaan, kana fekeraan nabadeynta dalkooda iyo muhiimada dhismaha kaabayaasha. Soomaaliya waxay u baahan tahay xilligan adag helitaanka xasilooni,” sidaas ayuu yidhi Xoghayaha Guud oo markii uu dhammaaday kulanka madaxda Soomaaliya la hadlay warbaahinta.
Waxa kale oo uu xoghayuhu ka hadlay khatarta kooxda Alshabaab ku hayso ammaanka dalkaas, waxaanu yidhi, “Awooddii maleeshiyaadka Shabaab way sii burburaysaa, balse weli meesha kama bixin,”
Booqashada Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay iyo wefdiga la socday, ayaa ku soo beegmay xilli khilaaf xooggan oo burbur siyasadeed oo Soomaaliya ku dhaca qarka u saaran u dhexeeyo Raysalwasaaraha iyo madaxweynaha waddankaas.
Waxaanay kulammadaas ka dib isla shalayba Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo Weftigiisu ka noqdeen garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho, halkaas oo uu sidoo kale isla Maaxweyne Xasan Sheekh-na ka dhoofay, isagoo u ambabaxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Shir caalami ah oo lagaga hadlayo arrimaha Budhcad-badeedda Soomaalida oo lagu soo casuumay Madaxweynaha Soomaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:
Post a Comment