Thursday, October 30, 2014

Guddi Dhalinyaro oo ku guulaysatay in Dib loo Furo Maktabadda Gaandi oo saddex maalmood Quful ka laalaaday

Hargeysa, 30 Oct, 2014 (Himilo)- Xarunta Maktabada Gaandi ee magaalada Hargeysa oo ay wax ku akhristaan dhalinyarada iyo aqoonyahanka wax ka barata jaamacadaha dalka, ayaa shalay dib loo furay, kaddib amar madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ku bixiyey in sideedii hore lagu soo celiyo xarunta.
swXarunta Akhrista ee Gaandi oo Maktabadda ugu qadiimsan caasimadda Hargeysa oo la furay sannadkii 1999-kii, isla markaana ay ku xidhnaayeen dhalinyaro tiro badan oo wax ku akhrista, ayaa xukuumaddu goobta ay ku taalo iyo dhismaheeda ku wareejisay Ganacsade reer Somaliland oo loogu beddelay dhul ganacsadahaasi ku leeyahay goob kale oo sida la sheegay loogu talo-galay in dhismayaal looga sameeyo Maxkamadda sare ee dalka.
Hoggaanka Sare ee dalladda Dhalinyarada ee SONYO, Daladda Naadiyada Akhriska, Ururka qorayaasha iyo bahda Abwaannada da’da yar oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay barxadda hore ee Maktabadda, ayaa sheegay in dedaal badan ka dib ku guulaysteen in dib loo furo xarunta oo isla shalayba hawlaheeda bilowday, waxaanay sheegeen in lagu furay amar madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo bixiyey.
Guddoomiyaha Daladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Maanta oo bishu tahay 29 OKtobeer, wuu furan yahay, waa suura-gashay in Library-ga Gaandi shaqadii uu u hayay dhalinyarada uu ku soo laabto. Hawl badan iyo dedaal badan oo ay sameeyeen daladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Ururka qorayaasha Somaliland, Daladda Naadiga Akhriska, Aqoonyahan, abwaanno kala duwan oo Reer Somaliland ah oo ahaa Guddi farsamo oo isu xilqaamay inay dareenka dhalinyarada ee ku aaddan xidhitaanka Gaandi Library inay gaadhsiiyaan xukuumadda, ayaanu ahayn, maanta (shalay) guul-bay ku soo dhammaatay. Waxaanu u mahadcelinayaa cid kasta oo hawshaas ka qayb-qaadatay oo na dhegaysatay, hawshii aan u soconnayna guddoontay.
Ugu horeyn waxaanu u mahad-naqaynaa madaxweynaha Somaliland oo go’aan fiican ka qaatay. Waxa kale oo aanu u mahad-naqaynaa wasiirka madaxtooyada, wasiirka waxbarashada, wasiirka Arrimaha Dibadda, Taliyaha Booliska iyo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo dhammaantood xil-kastnimo wayn muujiyey,” sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Daladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO.
Saddam Xuseen Cara boo ka mid ah hoggaanka Naadiga Akhrista oo halkaas ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey dedaalkii ay guddi ahaan u galeen iyo madaxdii ay arrintan gaadhsiiyeen, waxaanu yidhi, “Ugu horeyn ciddii aanu ka abbaarnay inaanu gaadhsiino dareenka iyo cabashada ardayda iyo aqoonyahanka ku xidhnaa maxkabadda waxay ahayd wasaaradda Waxbarashada oo aanu u arkaynay meel ku munaasib ah, si wacan bay wasiirka waxbarashadu noo soo dhawaysay, arrintana ay nooga xil-qaadday oo ay tidhi anigaa idinku soo war-qaadaya oo aan u qaadayaa madaxda qaranka ee Madaxweynuhu u sarreeyo.” Waxa kale oo halkaas ka hadlay Yaasmiin Maxamed Kaahin oo ka mid ahayd Guddiga Dhalinyarada arrintan Isu-xilqaamay, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Guddigan dhalinyarada oo ka kooban 10 xubnood iyaga ayaa isu xil-qaadamay inaanay dhalinyaradu kicin, dhalinyaradu inaanay fal-celin kaga jawaabin xidhista Maktabadda, dhalinyaradu wax ay wada-xaajood ku dhamayn karayso inaanay rabshado inoo soo jeedin. Buugga maanta lainaga xidhay ee aynu cilmiga ka faa’idaynay inuu qof innagaga dhinto ama shacabkeenna lagu boobo, ayaannu annagu ka xumaannay. Taasaannu annagu u dhex-dhexaadinnay annaga oo aan qolada Library-ga ka masuulka ah dhinac ka ahayn, dawladda dhinac ka ahayn, qolada iibsatayna dhinac ka ahayn,” sidaas ayey tidhi Yaasmiin Maxamed Kaahin.
Maamulka Maktabadda Gandi iyo dhalinyarada ku xidhan akhrista buugaagta Maktabadda oo wakhtiga la furay ku sugnaa gudaha xarunta, ayaa soo dhaweeyey go’aanka dib loogu furay Maktabadda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment