Nimankan oo lagu soo eedeeyey inay Khamrigaas faraha badan ay doonayeen inay geliyaan magaalada Burco, ayaa laba ka mid ahi joogeen maxkamadda, halka labada kalena aan wali gacanta lagu dhigin, xukunkana lagu riday iyaga oo maqan.

Xaakinka Maxkamadda gobolka Togdheer ee Kiiskan xukumay, ayaa sheegay in afarta nin ee Khamriga ku eedaysan laba ka mid ah Ciidanku gacanta ku soo dhigay, midkood ka baxsaday, ka afraadna yahay Ninka Lacagta Khamrigaas lagu soo iibiyey iska lahaa, sida uu caddeeyey mid ka mid ah labada nine e ciidanku gacanta ku dhigeen
“Maxkamaddu iyadoo dabbaqaysa qodobka 110, 116, 119, 114 iyo Qodobbada 3-4 ee Xeerka la-dagaallanka Mukhadaraadka (Maandooriyaha), waxay soo saartay Xukunkan, Afarta eedaysane ee labana joogaan labana maqan yihiin midkiiba saddex sano iyo saddex Milyan oo ganaax ah. Maxkamaddu waxay xukuntay Gaadhiga lagu soo qabtay Khamriga ee Seerafta ah boqolkiiba shan qiimaha Gaadhiga. Sidoo kale, Maxkamaddu waxay xukuntay in Khamriga la soo qabtay lagu gubo Maxkamadda horteeda, dhinicii ku qanci waaya xukunkan waxa uga furan Racfaan muddo soddon maalmood ah,” Sidaa ayuu yidhi Garsooraha Maxkamadda ee Xukunkaas riday.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo Taliyaha qaybta Booliska Togdheer Gaashaanle Cabdi Muuse Cabdi, ayaa Ciidanka Ammaanka ee soo qabtay Maandooriyahan Ganacsiga loo waday sida ay uga hor-tageen in Magaalada la soo geliyo, isla markaana lagu mushkiladeeyo Shacabka reer Togdheer, iyagoo Ciidammada ku ammaanay hawlgalkaas.
Waxa ay labada Masuul sheegeen in cid kasta oo lagu qabto Maandooriyaha Khamriga ay mudanayso ciqaabta sharciyan xukunkooduna aanu iibsi lahayn, isla markaana ay Xabsiga ku dhammaysan doonaan wakhtiga xukunkooda. Waxaanay Masuuliyiinta Maamulka heer gobol, Booliska, Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda gobolka Togdheer si wada-jir ah Maxkamadda horteeda ugu gubeen dhammaan khamrigii lagu qabtay nimankaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment