
Mugabe ayaa wakhtigiisa xilka uu ku egyahay sanadka 2018, balse waxaa si weyn loo hadal hayaa in shirweynaha xisbigiisa ZANU PF oo dhici doona bisha December 2014 uu shaacin doono inuu xilka isaga degayo.
Xaaska Madaxweyne Mugabe oo iyadu ah 49 sano jir ayaa dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha Haweenka ee Xisbiga talada haya ee ZANU PF, Grace Mugabe ayaa bilihii lasoo dhaafay waday safar ay ku tageysay gobalada dalka Zimbabwe taasi oo ay taageero ku raadineysay.
Grace Mugabe ayaa sidoo kale ugu baaqday Madaxweyne kuxigeenka Zimbabwe oo iyaduna ah qof haween ah inay xilka isaga degto.
Madaxweyne kuxigeenka Zimbabwe Joice Mujuru oo ah qofka bedalaya Madaxweynaha sida sharciga yahay ayaa dhankeeda sheegtay inaanay taageeri doonin ololaha xukun doonka ah oo ay ku jirto xaaska Mugabe.
Madaxweyne kuxigeenka Zimbabwe, Joice Mujuru oo diiday inay xilka sii baneyso!
Mrs.Grace Mugabe ayaa hada safar ku tagi karin dalalka Midowga Yurub oo 12 sano kahor cunaqabateyn saaray dowlada Zimbabwe kadib markii xukuumadaasi ay dalkeeda ka saartay dadka Cadaanka ahaa ee heystay inta badan dhulka qaniga ah ee dalka Zimbabwe.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment