
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa inuu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda oo uu leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.
Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqayaa inay nabad-gelyada iyo Qaran-nimada Dalkeena, heegan u ahaadaan meelna uga soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaran-nimo.
SANNAD WANAAGSAN OO WACAN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment