Sunday, October 26, 2014

Dawladda Iiraan oo Dil del-delaad ah ku fulisay Haweenay Caalamku ka qayliyey Kiiskeeda

Tehran, 26 Oct, 2014 (Himilo)- Dawladda Iraan, ayaa Xukun del-delaad ah ku fulisay haweenay muddo todoba sanno ah xabsiga ugu jirtay dil ay qudha kaga jartay Nin adeege ah oo gurigeeda uga shaqaynayey.
Haweenaydan oo lagu magacaabi jiray Reyhaneh Jabbari oo 26-jir ah, ayaa sannadkii 2007 loo xidhay ka dib markii sida hay’adaha ammaanku sheegeen ay qiratay dilka nin gurigeeda shaqaale ka ahaa oo ay dhabarka Mindi ka galisay, waxaanay ku doodday in falkaas dilka ahi ku yimi, ka dib markii uu isku dayay inuu kufsado.
muko-300x164Maxkamad ku taala magaalada caasimadda ee Tehraan oo gacanta ku haysay dacwadda haweenaydan, ayaa sheegtay in Mrs Jabbari ay Maxkamadda horteeda ka qiratay inay dhabarka mindi ka gelisay ninkii u shaqeynayay, haseyeeshee waxa ay ku doodday in qof kale oo guriga kula sugnaa, balse aanay ciidanku gacanta ku dhigin uu sabab u ahaa dhimashada Ninkaas. Waxaanay maxkamaddu wakhtigaas ku xukuntay dil del-delaad ah, iyada oo mudddada todobada sanno ah sugaysay in lagu fuliyo xukunkan.
Beesha Caalamka ayaa ka qaylisay xukunka lagu riday haweenaydan, waxaana si gaar ah arrintan uga hadlay hay’adaha u dooda Xuquuqda bani’daamka oo dawladda Iiraan ugu baaqay inay joojiso xukunnada dilka ah.
Qaramada Midoobey, ayaa dawladda Iiraan si gaar ah ugala hadashay xukunka haweenayda oo tiraba dhowr jeer la baajiyey fulintiisa, iyagoo qiil uga dhigay inay iska difaaceysay nin isku deyay in uu kufsado. Haseyeeshee, dawladda Iiraan ayaa iska-dhego tirtay baaqyadaas, waxaanay shalay ku fulisay xukunka ay haweenaydaasi muddada todobada sanno ahayd xabsi ugu jirtay.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment