Oomaar Group oo ka mid noqotay Shirkadihii ka qayb-galay Shirkii Maalgashiga Somaliland
London, 25 Oct, 2014 (Himilo)- Maareeyaha Guud ee Shirkadda Xawiladda Lacagaha ee Oomaar Global Xasan Maxamuud Cige, ayaa faahfaahin ka bixiyey doorka ay shirkad ahaan ka jiraan koboca dhaqaalaha dalka iyo adeegyada kala duwan ee ay u qabtaan shacabka oo xawilaadda iyo isku-beddelka lacaguhu ugu muhiimsan yihiin.

Maareeye Xasan Maxamuud Cige oo arrimo badan ka hadlay waxa makarafoonka ku soo dhaweeyey Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Neil Wigan oo hagayey khudbadaha ay halkaas ka soo jeedinayeen masuuliyiinta ka socotay shirkadaha laga leeyahay Somaliland ee shirkaas ka hadlay.
Maareeye Maxamuud Cige waxa uu ugu horeyn ka hadlay kaalintii shirkadda Oomaar ka soo qaadatay koboca dhaqaalaha dalka ka dib burburkii iyo qaxii shacabka iyo dalka ka soo gaadhay dib-u-xoreynta dalka.
“Aan dib idiinku celiyo 23 sanno horteed, waxay ahayd 1991-kii markii shacabka Somaliland bilaabeen inay ku soo laabtaan dalkooda si ay u soo arkaan wixii hantidooda uga hadhay, iyaga oo ka soo laabanayey xeryahah qaxoontiga oo ay u qaxeen markii dawladdii wakhtigaasi laynaysay shacabka.
Markii ay dadkani soo laabteen, ma jiro guryo ay seexdaan, cunto ay cunaan iyo biyo ay cabbaan, haba yaraatee waxba may jirin, xataa may jirin shuruuc dadka kala hagta wakhtigaas. Laakiin, waxay ahaayeen dadka ganacsatada ah ee Oommaar Group ka mid tahay, kuwaas oo buuxiyey kaalintaas bannaanayd, iyaga oo u keenayey waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha,” sidaas ayuu yidhi Maareeye Xasan Maxamuud oo ku khudbadaynayey luqadda Ingiriisiga.
Xasan Maxamuud waxa uu sheegay in wakhtigaas ay ganacsatadu qaadayeen masuuliyadda ammaanka Maraakiibta ganacsi ee raashinka iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka u ah nolosha shacabka ay saaran yihiin. “Taasi waxay muujinaysaa bisaylka shacabka Somaliland iyadoo aanay jirin shuruuc iyo qawaaniin dadka kala hagaysay. Maanta oo ay ka sii nabdoon tahay, waxa aan ugu baaqayaa maalgashatada inay hantidooda u huraan Somaliland oo aanay seegin fursadda ka bannaan kheyraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Xasan Maxamuud.
Maareeyaha Oomaar Global, waxa uu tafaasiil ka bixiyey adeegyada ay shirkadaha Oomaar Group u qabtaan bulshada iyo doorka ay ka qaataan koboca iyo horumarka dalka.
“Oomar Group waxay ka shaqaysaa kana soo qayb-qaatay dhismaha qaranimo ee JSL waxaananu diyaar u nahay inaanu gacmaha is-qabsanno maalgashatada danaynaysa inay maalgashadaan kheyraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Xasan Maxamuud Cige, waxaanu intaas ku daray, “Halkan (Ingiriiska) waxaanu ka haynaa ganacsi udub dhexaad u ah nolosha shacabka Somaliland oo ah qayb xawaaladda. Waxaanu aaminsannahay in xawaaladdu tahay isha kaliya ee Dibadeed ee furaha u ah Dhaqaalaha waddamada soo koraya, Somaliland-na kuwaas ayay ka mid tahay,” sidaas ayuu yidhi Xasan Maxamuud.
Himilomedia.com
Hargeysa/Somaliland
No comments:
Post a Comment