
Wasiir Xagla-toosiye oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay khatar cudurkani leeyahay iyo heerka diyaar-garowga wasaaraddiisa caafimaadka, waxaanu yidhi, “Cudurka Ebola waa cudur aad u xun oo dilaa ah, Ilaahayna inooma keeno, dhinaca Galbeedka Afrika ayuu faro-kulul ku hayaa, in ka badan sagaalkun oo Kiis bay ku dhow dahay inta la hayo immika, boqolka qof ee cudurka laga helo siddeetan qofbuu dilaa, waad qiyaasi kartaa halistiisa.
Wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaan waanu ka diyaar-garownay, laba qorshe ayaanu leenahay oo kala ah qorshaha deg-degga ah iyo mid wakhti dheer ah. Qorshaha deg-deggga ah oo aanu immika hirgelintiisa wadno, waxaanu ku-talo-galnay; 53 meeloodbaa dalkeenna laga soo gala oo ah cirka, badda iyo xuduudaha ay la leenahay Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti.”
Wasiirku waxa uu hadalkiisa intaas ku daray oo yidhi, “Waxaanu tabobar siinnay dhammaan shaqaalaha meesha jooga, waxaanu keennay qalabkii lagu eegayey xumadda, madaarka meel u dhow waxaanu dhignay teendhooyin, waxaanu samaynay foomam qofku markuu soo dego intaanu immigration-ka (Laanta Socdaalka) arag uu arkayo shaqaalaha caafimaadka oo la baadhayo, qofkii laga shakiyo la reebayo, qofkii kalena uu hore u soconnayo. Qofkii aan muwaadin ahayn ee cudurkaas looga shakiyo, waa la celinayaa. Qofkii ka yimaadda ama bilihii u dambeeyey ku sugnaa ama tagay meelaha cudurku ka jirona, toosbaa loo celinayaa.”
“Waxa kale oo aanu tabobar siinaynaa shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Laanta Socdaalku ka mid tahay iyo shaqaalaha wasaaradda Duulista iyo Hawada, si iyaga laftigoodu ayu ogaadaan halista uu cudurku leeyahay, naftoodana u ilaaliyaan,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland.
Dhinaca kale, warbixintii u dambaysay ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka, WHO, ka diyaarisay faafista cudurka, ayaa sheegaysa in tirada kiisaska Ebola kor-u-dhaafayso 10 Kun oo qof, oo 4,922 ka mid ahi u dhinteen.
Cudurka Ebola oo si weyn ugu faafay isla markaana faro-baas ku haya waddamada Sierraleone, Libera iyo Guinea oo dadka ugu badani ugu dhinteen, kaliya 27 kiis oo Ebola ah, ayaa laga helay meel ka baxsan saddexdaas waddan ee cudurkani saamaynta ba’an ku yeeshay.
Sida ay WHO ku sheegtay warbixinteedii ugu dambaysay, waddanka Liberia ayaa noqday ka ugu liita ee cudurkani soo ritay shacabkiisa, iyada oo tirada dhimashadu gaadhay 2,705 oo qof, dalka Sierra Leone waxa ugu dhintay 1,281 qof, halka wadanka Guinea uu ka galaaftay nolosha 926 qof.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment