Qorshaha siyaasadda Qaran ee kulan lagu dejinayo oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Caafimaadka, Duulista Hawada, Qorsheynta Qaranka, Laanta Socdaalka iyo hay’adaha ka shaqeeya dhinaca caafimaadka, kaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Caafimaadka.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo kulankas, ayaa ujeeddada kulanka ku sheegay mid lagaga hortagayo in cudurku si fudud ku soo gaadho Somaliland, isaga oo sheegay in Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) marka laga yimaaddo ay sidoo kale ku soo casuumeen dhamaan daneeyaasha arrimaha caafimaadka iyo Laanta socdaalka, si ay Somaliland uga dyaar-garowdo inaan cudurka Ebola u soo gudbin dalka, maadama oo sida uu sheegay ay jiraan 53 goobood oo ah meelaha la aqoonsan yahay ee dalka laga soo galo.
Wasiir-xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan oo halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay in go’aamada kulan shalay ka soo baxa isla maanta ay wasaarad ahaan u gudbin doonaan shirka golaha wasiirada oo ay sheegtay in lagaga dhawaaqi doono guddi heer qaran ah oo qaabilsan ka hortaga cudurka Ebola.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo halkaa ka hadlay ayaa ku baaqay inaan layska eegin keliya dadka ajaanibka ah ee dibedda ka imanaya balse, dadkeena ama Soomaalida oo guud ahaan ah dad socod badan laftooda fiiro loo yeesho haddii qofku soo maray waddamada xilligan xanuunka loo tirinayo inuu ka jiro
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Duulista oo isaguna kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan amar ku siiyeen shirkadaha diyaaradaha inaanay soo qaadin qof ajaanib ah oo ka soo jeeda waddamada loo tirinayo xanuunkan ama kuwa kale oo aan sidan warqad xaqiijinaysa caafimaadkiisa aan wakhtiga la bixiyey aanu muddo usbuuc ah ka badnayn, waxaanu ballaan-qaaday inay diyaar u yihiin sidii ay ugala shaqayn lahaayeen dhinacyada ay khusayso ee wasaaradda Caafimaadku ugu horeyso.
Taliyaha waaxda Socdaalka Somaliland Gen Maxamed Cali Yuusuf oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ciidamadooda oo ku sugan dhamaan goobaha laga soo galo dalku amar ku haystaan inay baadhaan qof kasta oo dalka soo gelaya xaaladiisa guud iyo baasaboorka uu sito si loo hubiyo inuu soo maray waddamada xanuunka Ebola wakhtigan ka jiro.
Kulankan Wasaaradda Caafimaadku soo qabanqaabisay, ayaa ku soo beegmaya xilli laba maalmood laga joogo codsi xukuumada Somaliland dawladda Ingiriiska kaga dalbatay in taageero laga siiyo dedaalka loogu jiro u diyaar-garowga iyo ka-hortagga cudurka Ebola si aanu u soo gaadhin Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment