“Xildhibaannada Guurtida tegay way garan-waayeen Golaha ay ka tirsanaayeene halloogu dhaarto....Haddii ay keenaan Xil-ka-xayuub Guddoomiye, waxaannu keenaynaa Xilka-xayuubin Madaxweyne oo aannu qiil u hayno..”Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog
Hargeysa, 23 Oct, 2014 (Himilo)- Xildhibaannada Xisbiga talada haya ee KULMIYE ee xukuumadda taageera iyo Xildhibaannada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI taageera ee Golaha Wakiillada Somaliland ka wada tirsan, ayaa khilaaf soo laba-kacleeyey ka dhex-curtay, isla markaana waxay Muxaafidku ku hanjabeen inay Mooshin Maamuus-ka-xayuubinta Guddoomiyaha Wakiillada ah soo dhigi doonaan haddii la furo Golaha, halka ay Mudanayaasha Mucaaradkuna ku hanjabeen Mooshinkaas oo kale oo ka dhan ah Madaxweynaha inay keeni doonaan.

Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay toddobaadkii hore inay hakiyeen in Mudanayaasha Aqalka Odayaashu guda-galaan Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo Golaha Wakiilladu u gudbiyey markay ansixiyeen 30-kii bishii hore ka dib, waxaanay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtidu sheegeen in sababta ay u hakiyeen tahay Dacwad iyo Cabasho ay Xildhibaanno Wakiillada ka tirsani ka soo gudbiyeen.
Waxaanay Guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiilladu is-waydaarsadeen Waraaqo ay Xeerkaas kaga wadahadleen oo iska soo horjeeday, kaas oo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan Warqadda uu u soo qoray Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ugu sheegay inuu dib u soo celiyey Xeerkaas ay hore ugu gudbiyeen, si ay Wakiilladu isu soo waafajiyaan qodobbada is-dhaafsan ee ku jira, halka Cirrana ugu jawaabay inuu Xeerku sax yahay.
Hase-yeeshee Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere) oo Sharci-yaqaan ah, ayaa ka mid ahaa Mudanayaasha Muxaafidka ama Xukuumadda taageersan ee shalay Shirka Jaraa’id arrintaas kaga hadlay, waxaanu yidhi; “Xeerkii aannu gudbinay ee Goluhu Ansixiyay ee uu 64 Mudane ugu codeeyay maaha Xeerka la gudbiyay ee waa mid ka geddisan. Waxaannu soo qaadnay Xeerka Asalkii ka yimi Xukuumadda iyo Xeerka Guddoomiyuhu (Cirro) gudbiyay, waxaannu ka soo min-guurinnay qodobbo 9 Bog ka kooban oo kala ah sidii Xukuumaddu ku soo gudbisay iyo sidii Guddoomiyuhu ku sii gudbiyay ee Guurtida ugu gudbiyay.”
“Markaannu Ogaannay in Xeerka Guurtida loo gudbiyay ahayn kii Golaha laga gudbiyay ee loo codeeyay waxaannu qaadnay fajac iyo jaho-wareer, waayo? Waxaannu garan waynay waxa kellifay in khiyaamadani dhacdo.” ayuu yidhi XIldhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin.
Sidoo kalena Xildhibaan Ibraahin Carraale Ruush oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku hanjabay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mooshin ay xilka kaga qaadayaan soo hordhigi doonaan Wakiillada haddii Goluhu fadhi yeesho iyoadoo khilaafkani taagan yahay, waxaanu yidhi; “Waxa wax lagu daray Farqado jiray, waxa la lagu daray Farqado cusub, waxa la tirtiray Farqado jiray, yaa filayey Guddoomiyihii Golaha Wakiillada, Musharrax Madaxweyne, Guddoomiyaha WADDANI Qaran inuu ku kaco.”
“Khiyaamadan Qaran ee dhacday oo laga wada hadlo mooyaane Golaha haddii la furo waxa ugu horreeya ee imanayaa waa xil-ka-xayuubin, waa xilka-qaadistaada waayo? Wixii xilka lagaaga xayuubin lahaa ayaad ku kacday, adigoo iska maydha oo bannaanka soo dhiga mooyaane haddaad isku daydo inaad Gole hoggaamiso ku talo-gal in Xilka lagaa qaadayo.” ayuu yidhi Xildhibaan Ruush oo Guddoomiyaha Guurtida farriintan u dirayay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Carraale Ruush.
Xildhibaan Cali Maxamed (Cali-Barre) oo ka mid ah Xildhibaannada Muxaafidka ah ee Shirkaa Jaraa’id ee shalay ka hadlay, waxa uu yidhi; “Wax ka beddelkaa lagu sameeyey Xeerka diiwaangelinta, wax ka beddelkaa go’aan Gole ayaa lagu ansixiyey 64 Mudane oo ah laba meelood iyo in ka badan baa lagu ansixiyey, waxa weeye go’aan aan Madaxweynaha ugu awoodda badan dalku soo celin karin, Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah oo uu u gudbiyo mooyaane ma soo celin karo ama si kale u taaban karin. Qodobbada Xeerka 8 qodob oo keliya ayaa Xeerkaa hore lagu daray, waa wax-ka-beddelka ay Xukuumaddu noo soo jeedisay iyo wax-ka-beddelka Goluhu ku sameeyey, in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada mar la wada qabto Mooshin gaar ah bay ahayd.”
Waxaanu Xildhibaan Cali-Barre intaas ku daray oo yidhi; “Golaha Guurtida waxa loo gudbiyaa Mashruuc Sharci oo Golaha Wakiilladu oggolaaday oo Aqlabiyad ku ansaxay. Go’aankii Golaha Wakiilladu gaadhay ee 64-ka Mudane oo ah saddex meeloodoow laba meelood in ka badani ansixiyeen in loo gudbiyo Guurtida ayay ahayd, kaas Guurtida looma gudbin ee waxa loo gudbiyey Rayi shaqsi, Guddoomiyaha taladiisii iyo cidda ku wehelisa annagu garan maynee ayaa loo gudbiyey Guurtida. Warqadda Guddoomiyuhu saxeexay ee uu u gudbiyey Guurtida maaha go’aan Gole, markuu ku celinayey-na wuxu u tix-raacay qodobka Lambar 78 ee Dastuurka, qodobkaasi wuxu caddaynayaa qodob Dastuuri ah in la jebiyey.”
“Madaxweynaha Maamuuska lagaga xayuubiyaa Khiyaamo Qaran iyo Dastuur-jebin, Guddoomiyaha Wakiilladu wuxu jebiyey Qodob Dastuurka Qaranka ka mid ah oo ah Qodobka uu isagu tix-raacay ee 78-aad, Guddoomiyuhu wuxu gudbin karaa oo saxeexi karaa go’aan Gole, waayo? Waa Xildhibaan 82-ka Mudane ee Golaha ka tirsan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cali-Barre, waxaanu sheegay in badan la isku eedeeyey doorashada ciddaas ayaa dib-u-dhaceeda rabta iyo ciddaa kale ayaa muddo-kordhin rabta, hase-ahaatee, waxa uu ku dooday in cidda doorashada dib-u-dhaceeda ka shaqaynaysaa yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xisbigiisa WADDANI.
Geesta kale, Xildhibaannada Mucaaradka ah ee Golaha Wakiillada, gaar ahaan Mudanayaasha ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa iyaguna Shir Jaraa’id oo ay isla Xarunta Baarlamaanka ku qabteen, waxay kaga jawaabeen hadallada Mudanayaasha Muxaafidka ah, waxaanay Guddoomiye Cirro ka difaaceen eedaha loo jeediyey, waxaanay ku doodeen in Qodobbada Xildhibaannadu ku doodayaan in lagu daray Xeerkani yihiin kuwo Xeerka oo 2007-dii la ansixiyay ee diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ku jiray, balse Xukuumaddu ka reebtay markii ay wax-ka-beddelka ku samaynaysay Xeerka diwaangalinta Cod-bixinta. Waxay sheegeen in Xeerkaas hore looga ansixiyay labada Gole iyadoo qodobbadani ku jiraan sannadkii 2007-dii.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog), ayaa ka mid ahaa Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ka tirsan xilligan ee shirkaas Jaraa’id ka hadlay, waxaanu sheegay haddii Mudanayaasha Muxaafidku soo dhigaan Golaha Mooshin xilka lagaga qaadayo Guddoomiye Cirro, inay iyaguna keeni doonaan Mooshin xilka lagaga xayuubinayo Madaxweynaha.
“12-ka Xilldhibaan ee iyaga oo Golaha Wakiillada ka tirsan Guurtida Dacwadda u gudbiyey Sharci-jebin bay ku kaceen, waxay kala garan-waayeen inay Golihii ay ka tirsanaayeen ee halloo sheego inay Wakiillada ka tirsan yihiin oo halloogu dhaarto. Waxay yidhaadheen haddii uu Guddoomiyuhu Golaha ugu yeedho Kal-fadhi aan caadi ahayn waxaannu keenaynaa Mooshin Xil-ka-xayuubin ah oo lagu ridaayo Guddomiyaha Golaha Wakiillada oo aanay wehelin labada Guddoomiye Ku-xigeen. Hadda Xurguftii bay dib u is-taadheen haddii ay dib u is-taadheenna annaguna diyaar baannu u nahay inaannu dhankayaga ka istaadhno, waayo? Qaniinyo Qaniinyo ayaa kaa fujisa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog.
Waxaanu Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog oo hadalkiisa sii wataa intaas ku ladhay oo yidhi; “Maxaannu samaynaynaa? Nimankani iyagaa haysta Xukuumadda, iyagaa Lacagtii haysta, iyagaa Ciidankii haysta, iyagaa Golihii Guurtida haysta, haddii ay keenaan Xil-ka-xayuub Guddoomiye, waxaannu keenaynaa Xilka-xayuubin Madaxweyne oo aannu qiil u hayno, Madaxweyne daallan oo aan doorasho geli karin, Madaxweyne muddo-kordhin doonaya, Madaxweyne kolna odhanaya ma sharraxni kolna odhanaya waan sharraxanay.”
Sidoo kale, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa; “Saleebaan wuu iska hor-taagay Golaha in Xeerka loo qaybiyo, Xeerkii loo gudbiyey ee weliba deg-degga loo doonayey ee aad ogeydeen in doorashada foodda innagu soo haysaa xeerkaa u xannib-nayd, wuu is hor-taagay Saleebaan, Golihiisii umuu qaybin uu Odayga ka ahaa intuu soo hor-fadhiistay ayuu yidhi; ‘Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan oo cabanaya ayaa noo yimi, Xildhibaannadaasi waxay ka cabanayaan oo ay leeyihiin Xeerkaa wax-baa ka qaldan ee noo soo celiya. Sidaas darteed, geli mayno Xeerkiiye waxaynu isaga celinaynaa Golaha Wakiillada’.”
“Guddoomiyaha Guurtidu inuu sidaa yidhaahdaa, Waa Sharci-darro, Odayaashii wuu foof-daran habaabiyey, Aqalkii Guurtidana wuu foof-daran habaabiyey, qalad-na wuu ku sameeyey Sharci, xaqna uma lahayn inuu yidhaahdo cabashaa nooga timi xubno Golaha Wakiillada ka mid ah, isagu ma Maxkamad baa? Siday Cabashadu ugu tagtaa, ma Guddigii joogtada ee Wakiilladaa? Cabashada cidda loo keenayaa waa annaga waa Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada, taasna wuu ku qaldamay nidaamkii sharci ee labada Aqal ee Baarlamaanku wax isugu gudbin jireen.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahadi Buubaa oo sidoo kale ah Afhayeenka Xisbiga WADDANI oo isaguna shir-saxaafadeedka ay qabteen shalay ka hadlay.
Xildhibaanno kale oo ka tirsan Mucaaradka iyo Muxaafidka, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay oo labada dhinac la kala socday, kuwaasoo sidoo kale hadallo weerarka iyo weerar-celin ah oo la macno ah hadallada Xildhibaannada aynu labada dhinac ka soo qaadannay hadalladooda. Waxaana muuqda inuu soo laba-kacleeyey Khilaaf xooggan oo hore u kala qaybiyey Xildhibaannada Mucaaradka iyo Kuwa Muxaafidka ee Golaha Wakiillada Somaliland oo horraantii sannadkan ka dhex-qarxay Golaha, balse Guurtidu xallisay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment