Thursday, October 23, 2014

Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka Oo Maanta Kulan La Yeeshay Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa:Oct,23,2014(Himilo)-Xubnaha cusub ee Komishanka qaranka somaliland yeelan doonto, ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyey la yeeshay Guddida arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada, waxana kulankaas uu ka qabsoomay xarunta Golaha wakiilladu ku leeyihiin Hargeysa.

kasdKulankan oo ay codsadeen Guddida Arrimaha Bulshada Golaha wakiillada, ayaa ahaa mid Albaabadu u xidhnaayeen, waxase la sheegay in xubnaha cusub ee Komishanku ay Halkaas ku Gudbiyeen Heerkooda aqooneed iyo Midda Waaya-aragnimo(cv), waxana ay ka warrameen aqoonta iyo kartida ay leeyihiin iyo Khibraddii ay ka dhaxleex waayahoodii shaqo.

Gudoomiyaha Guddida Arimaha gudaha Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankaasi “Inkasta oo Waraaqaha Guddida doorashadu aad u soo habsaantay oo anaga Shalay uun ay na soo gaadheen haddana maanta ayaanu iskugu yeedhnay.sidaad ka war qabtaana cida ay tahay inay kala reebto,baadho,dabagash,xaqiijiso oo kala shaandhayso waraaqahooda iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin waa guddida arimaha gudaha wakiilada.

Runtii waxaad moodaa Roolal la kala leeyahay in mararka qaar la kala qaato oo Madaxtooyadu imbadan isku mashquulisay inay baadho ama celiso Xubno la soo magacaabay, awoodaasina meel ale meel ay sharciga kaga taal ma jirto, awooda celinta iyo baadhistana waxaa leh Guddidan arimaha gudaha, Sharcigayagiina waanu ka gudanay waanuna Ogolaanay Guddida” ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Gudoomiyaha Guddida Arimaha Gudaha ee wakiiladu waxa uu sidoo kale ka hadlay wakhtiga la ansixinayo Komishanka “Runtii Sabtida ayaa la iskugu yeedhay Golaha si loo ansixiyo Komishanka laakiin, waxaan maqlayay Xildhibaano badan oo diidan sababtoo ah waxay diidan yihiin ba in Komishanka la ansixiyo, waxayna u diidan yihiin in Diwaangalinta iyo doorashadu dib u dhacdo, waxayna ila tahay inaanay arintaasi u suuro galayn oo Komishanka la ansixin doono” ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Xubnahan cusub ayaa la filayaa in la horgeyn doono Goleweynaha guud, waxana kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wakiillada loogu baaqay Furmi doonaa Maalinta sabtida ah, iyadoo xubnahaasna ansaxintooda lasoo dhigi doono.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment