London, 22 Oct, 2014 (Himilo)- Dawladda Somaliland, ayaa markii u horeysay shaaca ka qaadday in Aqoonsi caalami ah oo ay beesha Caalamka ka hesho aanu wax micno ah u lahayn dalkeeda iyo dadkeeda, haddii aanay helin maal-gashi dibadeed oo dhidibbada u taaga isla markaan kor u qaada dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu sheegay inuu dhiirrigelin iyo ididiilo ka helay dhaq-dhaqaaqyada Aqoonsi-raadinta ay ku jiraan gobollo ka tirsan waddamada qaaradda Yurub, sida gobollada Scotland ee Ingiriiska oo dhowaan shacabkiisa afti ay aayahooda kaga tashanayaan laga qaaday, balse ay natiijadii ka soo baxday ay noqoto inay wali ka soo mid ahaadaan waddanka Britain, halka gobolka Catalonia loo muddeeyey bisha soo socota ee November oo afti aayo-ka-tashi laga qaadi doono shacabkooda.
Sida lagu xusay warbixin is-barbar-dhigaysa Aqoonsiga Somaliland iyo fursadaha uga bannaan taageero ay ka hesho waddamada reer Galbeed oo uu qoray Wargeyska The Guardian oo ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxa uu Md Axmed Siilaanyo sheegay in kor-u-qaadista Maalgashi dhinacyada Kheyraadka dabiiciga ah iyo Beeraha oo Somaliland ka hesho Caalamka ay u fursad u siin karo Koboc dhaqaale oo dalku helo, kaas oo uu aaminsan yahay inuu dhabbada u xaadhi doono madax-bannaanida Somaliland oo beesha caalamku aqoonsato.
“Baadi-doonka Aqoonsi ee dalalka Kale sida Catalonia iyo Scotland, waa wax na xiiso-gelinaya. Waxaanu dhinacyaga ku hawlanahay baadi-doon aanu ugu jirno aqoonsiga madax-bannaanidadaya,”sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Sidoo kale, waxa uu madaxweyne Siilaanyo waxyaabaha ku dhiirrigeliyey aqoonsi Somaliland hesho tusaale ugu soo qaatay go’aan Baarlamaanka Ingiriisku todobaadkii hore ugu codeeyey Aqoonsi dawladda Britain waddan ahaan ugu aqoonsato Falastiin.
“Aqoonsiga dalka Somaliland iyo horumarinta dhaqalaahiisu ma kala maarmi karan. Iyadoo aanu jirin horumar dhaqaale, Aqoonsigu wax micno ah ma samaynayo. Somaliland way u qalantaa in Aqoonsiga oo aanu muddo dheer u samraynay inaanu helno,”sidaas waxa yidhi madaxweyne Siilaanyo oo todobaadkii magaalada London kaga qayb-galay shir lagu dhiirrigelinayey fursadaha maalgashi ee Somaliland.
Waxa uu wargeysku warbixintiisa ku sheegay, in dawladda Ingiriiska oo door muhiim ah ka qaadatay wada-xaajoodyo dhowr ah oo lagu dhex-dhexaadinayo Somaliland iyo Somalia, aanay marna u badheedhin inay hormood ka noqoto baadi-doonka Aqoonsiga Somaliland.
“Mawqifka UK ka taagan tahay waxa weeyi inay go’aan ka-gaadhista arrinta Aqoonsiga ay isla meel dhigaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay u taalaa gobolka (Afrika) inay horseed ka noqdaan Aqoonsiga,” sidaa waxa jariiradda TheGuardian u sheegay Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska.
Dhinaca kale, wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo u warramay The Guardian, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland heshiis sahamin shidaal kula jirto Afar shirkadood oo magacyadoodu kala yihiin Genel Energy oo laga leeyahay Turkiga, DNO oo waddanka Norway laga leeyahay, Shirkad xarunteedu tahay Imaaraadka Cara boo la yidhaahdo RAK Gas iyo shirkad waddanka Yemen xarunteedu tahay oo lagu magacaabo Ansan Wikfs Hadramaut.
“Waxa uu dalkayagu ku yaallaa marin muhiimad u leh isu-socodka Maraakiibta adduunka, gacanka Cadmeed, waxaanu leenahay deked weyn, xeebahayaga waxa ku jira khayraad fara badan. Markaa waxaan u malaynayaa xataa haddii la soo saaro macdan tiro yar qiime weyn ayay u yeelanaysaa Somaliland,” sidaa waxa yidhi Eng Xuseen Cabdi Ducaale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment