Hawlgalka baadhitaanka cudurka Ebola ayaa markii u horeysay laga fuliyey madaarka caasimada hargeysa ee cigaal internation airport, kaasoo ay iska kaashanayaan wasaaradaha caafimaadka iyo duulista hawada, talaabadan oo ka mid ah qorshe xukuumada Somaliland ku doonayso inay kaga hortagto cudurka Ebola oo haatan dunidu si weyn uga baqo qabto.

Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa u kormeer uu ugu kuurgalayo oo soo kormeeyey hawl-galka baadhitaan ee shaqaalaha caafimaadku ka wadaan Madaarka Hargeysa ee ay ku hubinayaan cudurka Ebola, waxaanu sheegay inay hawshaasi u socoto si habsami ah.
Dhinaca kalena hawlwadeeno caafimaad oo dadka ka baadhaya cudurka Ebola ayaa la dhigay iridaha xuduudaha dalka Somaliland laga soo galo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment