Sunday, January 4, 2015

Arday barta Facebook ku aflagaadeeyey Madaxweynaha Kenya oo Maxkamad la horgeeyey

Nairobi, 04 Jan, 2015 (Himilo)- Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa xabsi gaadhaya laba sannadood ku xukuntay arday jaamacadeed oo lagu eedeeyey inuu farriin aflagaado uu baraha bulshadu ku kulanto ee Internetka u mariyey madaxweyne Uhuru Kenyatta.
DNCOURTHATESPEECH0201BArdaydan oo magaciisa la yidhaahdo Alan Wadi Okengo, ayaa lagu eedeeyey inuu fariin aflagaado ah ku waajahan madaxweyne Kenyatta ku qoray bogiisa Facebook dabayaqada bishii hore.
Alan Wadi oo cilmiga siyaasada ka barta jaamacada Moi ee magaa;llada Nairobi, ayaa la xidhay xilli uu isku deyayey inuu ka baxsado dalkaas 31-kii December ee sannadkii hore, ayaa la horkeeyey dorraad Maxkamadda oo dambiga ka hor-qirtay, waxaanu halkaas uga sheegay garsoorahii maxkamadda inuu shaqsiyan raaligelin ka siin doono madaxweyne Uhuru aflagaaddada haddii laga noqdo Xukun lagu rido.
Aflagaaddada uu ardaydani ku baahiyey boggiisa Facebook, ayaa la sheegay in fariintiisu xambaarsanayd kacdoon lagaga soo horjeedo sharciga xukuumada Uhuru.
Garsoorahii maxkamada ayaa xukunkiisa ku sheegay in dembigu culus yahay, balse ay uga fududeeyeen si uu digniin ugu noqdo dadka kale ee mareegaha xidhiidhka dadweynaha ku aflagaaddeeya madaxda dalkaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment