
“IGAD inaanay Somalia iyo Somaliland dhex u noqonayn Ilmaha yare e Carruurta ah baa garanaya, waayo Nimanka Igad Ciidamadoodii waxay joogaan Meesha Baaba’day ee Somalia la Yidhaahdo, dee Nimankaas xamar u shaqo tegay inay Somaliland oo aanay u shaqo tegin u xaqsooraan anigu marnaba ma filaynin, adduunkana lacag bay kaga gurtaan Shantan nin(IGAD) inagu wareegsan ee Xayraanka ah ee Igad la baxay meesha way u shaqo tagaan xumaan inaanay ka sheegaynna waa la ogaa,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Indho indho oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa.
Xildhibaanka oo Hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “IGAD adduunyadu xisaab xidh bay ka rabtaa oo lacagtan ciidamadooda la siiyo adduunkaa bixiya, markaa caddaalad iyo aqoonsi midna kama filayo, haddii ay Somalia Nabadi ka dhacdana meel ay shaqayn doonaan garan maayo.”
Dhinaca kale Xildhibaan indho indho waxa uu ka Hadlay Wada-hadallada Somalia iyo Somaliland u dhexeeya, waxana uu sheegay in laga leexiyey waddadii caalamku u jeexay inay wada-hadalladu raacaan, isagoo carrabka ku adkeeyey in lagu dhiirrado arrimaha Masiiriga ah ee muhiimka ah. Xildhibaanku waxa uu ku taliyey in gebi-ahaantooda layska dhaafo wada-hadallada Soomaaliya haddii aan loo hoggaansamayn shuruudaha masiiriga ah ee miiska saaran.
“Anigu waxan soo jeedin lahaa inaynu Gebigoodaba iska dayno wada-hadalladooda ama sidii adduunku yidhi u wada Hadla aynu wada Hadalno ilayn sidan aynu haatan u wada Hadlaynaa sidii la yidhi u wada Hadla ma ahee.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment