
Sidoo kale waddada Dhinaa Waqooyi ka marta Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa isticmaalayey oo loo ogolaa kaliya Gaadiidka u socda Jihada Bari ee Magaalada, waxana ay taasi si weyn saamayn ugu yeelatay cidhiidhi badan oo magaalada Laga dareemi jirey.
Nidaamka cusub ee loo sameeyey waddo marista Magaalada Hargeysa, ayaa si weyn loo dareemay, waxana si ka duwan sidii hore ay gaadiidku u gaadhayeen Goobaha ay u socdaaa, waxana haatan ka hor inta Badan gaadiidka magaalada Dhex maraa isticmaali jireen Waddada Wadnaha ee hormarta Madaxtooyada, taas oo dhibaato ku ahayd dadka iyo Gaadiiskaba.
Wasiir Warancadde oo isagu hore nidaamkan cusub ugu dhawaaqay, ayaa waxa uu kormeer joogto ah ku hayey hannaanka uu hirgalay nidaamkan cusubi, waxana uu la shaqayayey Ciidanka Nabadgelyada waddooyinka oo si hugan saaka shaqadooda u qabanayey.
Taliska ciidanka Nabadgelyada waddooyinka, ayaa isagu gaaf wareegayey dhammaanba waddooyinka isbeddelka lagu sameeyey, waxana culayska la saaray Laba waddo oo kala ah Waddada Madaxtooyada Hormarta iyo midda dhakhtarka ka marta dhanka waqooyiga, waxana labadaas waddo marka loo socdo Jihada bari ay iskugu imanayaan Kaalinta ina Gallan ee xaafadda New Hargeysa, Halka Marka Jihada Galbeed la aadana ay iskugu imanayaan Huteel Guled ee Galbeedka Magaalada Hargeysa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment