Monday, January 5, 2015

Isqarxin Galaafatay Nafta Laba Kamid ahaa Ciidamada Ilaalada Xuduudda Sucuudiga

Riyad:Jan,05,2015(Himilo)-Kooxo Hubaysan, ayaa saaka aroortii hore weerar gaadmo ah ku dilay laba kamid ahaa Ciidanka ilaalada Xuduudda Dalka Sucuudiga oo ku sugnaa Goob u dhexaysa      Sucuudiga iyo Ciraaq.

Iraqi soldiers take up position at Arar in June 2014Goob lagu magacaabo Judayyidat Arar ee Gobolka Waqooyi ee xuduuda Sacuudiga uu la wadaago Ciraaq, ayey raggani weerarkooda ku ekeeyeen, waxana ay adeegsadeen Rasaas xoog leh, waxana mid kamid ahaa uu isku qarxiyey halkaas isagoo galaaftay nolosha labada Askari ee sucuudiyaanka ahaa.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay weerarkan, hase ahaatee Sacuudiga ayaa ka mid ah dowladaha ka qeyb qaadanaya weerarakada ka dhanka ah dowladda islaamiga ee uu hogaaminayo Mareykanka.

Mid ka mid ah ilaalada lagu dilay weerarkan ayaa ahaa sarkaal sare sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadkay Wasaarada Arrimaha Gudaha Sacuudiga.

Diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga ayaa weeraro cirka ah ka fuliyay deegaano ku yaal Suuriya oo ay fadhiisimo ku lahaayeen dagaalyahanada dowladda Islaamiga

Wasaarada Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay inay sameyneyso baadhitaan ah maanta oo Isniin ah, kadib weerarkii ka dhacay xuduuda.

Deegaanka Judayyidat Arar ayaa aad ugu dhow xuduuda Ciraaq, gaar ahaan Gobolka Anbar, halkaasoo qeybo ka mid ah ay ka taliyaan dowladda Islaamiga ah.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment