Qaraabada ninkan la dilay oo lagu magacaabo, Meshack Yebei, ayaa sheegaya in la waayay Axadii la soo dhaafay, kaddibna meydkiisa laga helay goob meydadka lagu keydiyo.Qoyska Meshack Yebei, ayaa sheegaya inuu u diyaar garoobayey safar uu ku tago magaalada Hague, si uu ugu markhaati furo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, iyo weriye Joshua Sang.
Balse waxa la waayay maalmihii ugu dambeeyay bishii la soo dhaafay, kaddib markii uu biyo u doonay gabadh uu dhalay oo cisbitaal ku jirtay.
Booliska deegaanka Nandi ee ka tirsan gobalka Rift Valley, ayaa sheegaya in markii dambe meydkiisa laga helay webi halkaa mara, isaga oo dhaawac ka qaba madaxa.
Sarkaal maxkamadda ICC u jooga dalka Kenya, oo lagu magacaabo Mabinty Kamara, ayaa warbaahinta u sheegtay in maxkamaddu aanay war rasmi ah ka haynin geerida ninkaasi.
Maxkamadda ICC-da ayaa hore u sheegtay in kiisaska Kenya ay dhibaato ku yihiin markhaatiyo go'aankooda la badalay, loo hanjabay ama la waayay.
Bishii la soo dhaafay, dacwad oogaha maxkamadda ayaa dib ula laabtay eedeymo ka dhan ahaa madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaddib markii la waayay cadeyn ku filan ayna iskaashi ka waayeen dowladda Kenya.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment