Khubaradan oo isugu jira saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Royal Marines iyo hay’adda Sirdoonka ee MI5, ujeeddada ayaa socdaalkoodu la xidhiidhaa si ay qeyb uga qaataan hawlgallada ka dhanka ah la-dagaalanka Kooxda Shabaab, isla markaana looga ilaaliyo in halistoodu gaadho wadamada deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya.Xubnahan saraakiisha ayaa la sheegay inay hawsha ay ka qabanayaan gudaha dalkaasi Soomaaliya noqon doonto tababarka iyo la-talinta ciidamada dawladda taagta daran ee Muqdisho, iyada oo ku biiri doona ciidamada Maraykanka ee sal-dhigga ku leh Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo fadhiisin u ah shaqaalaha Qaramadda Midoobay, dublamaasiyiinta iyo shaqaalaha ajaanibka.
“Siyaasadayada Soomaaliya waa mid muhiim. Hadii Soomaaliya guul-darraysato ama dawladdu daciifto, taasi halis weyn ayey ku keeni doontaa Geeska Afrika. Haddaanaan doonayn sidaa waa inaan ka hortagno burburka Soomaaliya. Haddaan ku guuldaraysano hawlagalada lagaga soo horjeedo shabaab, waa guuldaroweyn,” sidaas waxa yidhi sarkaal ka tirsan wasaarada khaarajiga Ingiriiska ah.
Sidoo kale, xogo wakaalada wararka ee GA Online ka heshay ilaha sirdoonka, ayaa lagu sheegay in khubaro dheeraad ah oo tababaro bixiya loo soo diri doono Somaliland.
Shaacinta Qorshaha ciidamada Ingiriiska ee iman doona Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalmaha soo socda.
Dhinaca kale Wargeyska Himilo oo jiritaanka in khubaro ka socda dalka Ingiriisku iman doonaan Somaliland iyo ujeedadooda wax ka weydiiyey saraakiisha safaarada Ingiriisku ku leeyahay dalka Itoobiya, ayaan weli wax jawaab ah ka helin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment