“Dadka reer Awdal ama reerka Gadabuursi la yidhaa waa mid, waa wixii laguu keenay ee miiskaaga yaala ee aad hormuudka ka ahayd, waa taas ta wax lagaaga doonayaa” – Suldaan Dhawal
“Madaxweynaha waxaan kula dar-daarmayaa, maanta midnimaa jirtee, laba dariiq uunbaad noo soo maraysaa” – Suldaan Samatar
Baki/Wajaale, 17 Jan, 2015 (Himilo)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ka mid ah wasiirrada madaxweynaha ku weheliya Safar uu ugu baxay gobollada dalka, ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Tog-wajaale ee Xuduudka u dhexeeya Ethiopia iyo Somaliland oo weftigu shalay uga amba-baxay, ayaa ka war-bixiyey kulamo dhexmaray madaxweynaha iyo Madaxda dhaqanka Awdal oo Khamiistii dorraad ay ku gaadheen socdaal loogu magac-daray Buurta iyo Bannaan-ka oo madaxweynuhu ku marayo deegaannada ku teedsan Xuduudda dhinaca Koonfureed ee Somaliland.
Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in Madaxweynuhu kulan la yeeshay Hoggaanka dhaqanka ee Awdal, islamarkaana halkaasi ugu sheegeen in gobolka Awdal yahay mid nabdoon oo xaaladdiisu la mid tahay gobollada kale ee dalka, balse laga faafiyay dacaayado ka dhan ah amniga. Waxa uu sheegay in madaxdhaqameedku Madaxweynaha u sheegeen inay wax tabanayaan iyagoo reer Somaliland ah balse aanay jirin cid Somaliland diidan.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay inuu Madaxweynuhu Hogaanka dhaqanka Awdal u ballanqaaday inuu fulinayo tabashadooda oo ku salaysan tahay saami-qaybsiga gobollada ee hay’adaha dawladda.
Dhinaca kale, kulanka dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Gobolka Awdal oo ay madaxweynaha kula gar-naqsadeen
Kulankan oo Khamiistii magaalada Baki ee gobolka Awdal ku dhexmaray madaxweynaha iyo madaxda dhaqanka Awdal, waxa madax-dhaqameedkii ka hadlay ka mid ahaa Suldaan Cabdirahman Jamac Dhawal, kaas oo sheegay
inaanay gobolka Awdal ka jirin wax ka duwan midnimada iyo Ilaalinta Qaranimada Somaliland, balse ay madax-dhaqameed madaxweynaha uga fadhiyaan tabasho la xidhiidha saami-qaybsiga hay’adaha dawladda oo ay hore ugu gudbiyeen Mudane Siilaanyo. Waxaanu Suldaanku yidhi, “Mudane, madaxweyne dalku waa mid, dadku waa mid, wax kala duwani ma jiro. Md madaxweyne waxa wax laysku weydiinayaa oo lagu wada-hadlayaa ama lagu sheekaynayaa waa midnimo; waxa la wada-leeyahay dalka, waxa la wada-leeyahay dadka, waxa la wada-leeyahay duunyada, wax kale intaas dheer oo meesha yaallaa ma jiraan.
Dadka reer Awdal ama reerka Gadabuursi la yidhaa waa mid, wax ka duwani ka jiro, waa wixii laguu keenay ee miiskaaga yaala ee aad hormuudka ka ahayd, waa taas ta wax lagaaga doonayaa oo ah midnimo iyo wax-wada-lahaanshiyo, ciddii wax intaas dheer doonaysa ma garanayno,”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Mudane madaxweyne dalka ilaalintiisa waa laga midaysan yahay, horumarkiisa iyo wax-wada-lahaanshihiisa midbaa loo yahay. Wixii tabasho ah ee jirayna waa sidii aad uga garowday, waa sidii aanu kuugu keennay, intii kuu keentay uunbaa hormood ka ah, intii uunbaa kaaga fadhida, inta kale waa iska saa’id (dheeraad).”
Dhinaca kale, waxa halkaas ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku ammaanay inay suurto-galisay midnimo markii u horeysay dhexmarta oo ay meel isugu yimaaddaan, aayahoodana kaga tashadaan Beelaha Samaroon.
“Waddanku waa nabad, gobolkuna waa nabad, annagu ma ogin dad is-haysta oo gobolka ka jira. waxa gobolka ka jira midnimo, waxa ka jira Golaha Dhaqanka ee Gada-buursi oo maanta (Khamiistii) halkan ay salaadiintu fadhido. Waa markii u horeysay ee uu midoobo Gada-buursi, taasna waxa ammaanteeda iska leh maamulkaas maanta jooga iyo Salaadiinta iyo Cuqaasha Gadabuursi ee ka fekeray inay danahooda meel uga soo jeestaan,” sidaas ayuu yidhi
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Gobolkan Awdal waxyaabo badanbaa laga sheegaa oo meelahaasaa wax lagu qoraa, laakiin wax allaale iyo wax ka jiraa ma jiraan oo sida gobollada kale ee dalka ayuu la mid yahay, dadkuna wuu midaysan yahay.”
Suldaanku waxa uu madaxweynaha u soo bandhigay oo yidhi, “Madaxweynaha waxaan kula dar-daarmayaa, maanta midnimaa jirtee, laba dariiq uunbaad noo soo maraysaa; dariiq waa ka siyaasadda oo madaxweyne ku-xigeenka ayaad noo soo maraysaa, dariiq-na waa ka dhaqanka oo Golaha Dhaqanka ee Gadabuursi ayaad u soo maraysaa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment