Monday, January 5, 2015

Wasiir Xirsi Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Halka ay Marayso Waddada Ceerigaabo iyo Qaddarka Lacagta ah ee Ilaa iyo Hadda Gacantiisa Soo Galay

Hargeysa:Jan,05,2015(Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay Wehelinayaan Guddida Waddada Ceerigaabo oo maanta Xarunta Madaxtoyada Shir Jaraa’di ku qabtay, ayaa ka Hadlay Halka ay marayso Hawsha Waddadaasi iyo Halka ay marayso.

wasiir xirsiiiiWasiirka ayaa ka warramay lacagaha ilaa iyo Haatan soo gaadhay Gacantooda iyo meelaha ay ka yimadeen, waxana uu ku dheeraaday ilaa iyo Haatan waxa u qabsoomay.

Wasiirka oo ugu horrayn faahfaahinaya meelaha ay lacagahaasi ka yimaadeen, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Lacaguhu badani waxay ka yimaadeen oo dalka Gudihiisa iyo dibadiisaba dadkii soo dirayna waa u mahadn naqaynaa, meelaha ay lacagahaasi naga soo gaadheena waxa kamid ah Uk oo London iyo Shefield ay ugu horreeyaan, Manchester, Cardif, Liverpool iyo Ireland, $99900-kun waa dufacaddii markii hore nasoo gaadhay, maantana 460,000-kun ayaanu iyagana maanta filaynaa. Gebi ahaanna lacagtaas Milyanka iyo Googo’a ah ayaa guud ahaanba ahaa lacagihii soo galay ee gudaha iyo dibadaha ka yimi ahaa marka 460,000-kaa kun ee saaka yimi aan lagu darin.” Ayuu yidhi wasiir xirsi.

Wasiirka ayaa faahfaahin badan ka Bixiyey Halka ay waddadu marayso iyo ilaa iyo Hadda ka qabsoomay ballamihii ay waddada ceerigaabo ka bilaabeen, waxana uu yidhi,

“Waddadu si fiican bay u socotaa meel fiican bay maraysaa, waxana noo qorshaysan in Guddidayyadu ay tagaan, waxana laga yaabaa inayaanu Toddobaadyada soo socda aanu tagno, laakiin waxan jecelahay in lacagahaas aanu hayno aanu xusno, waddaduna hore waxanu u ballanqaadnay inaanu ugu yaraan 100-km lacagteeda meelayno, boqol in kabadan baanu lacagteedii meelaynay, tii Sanadkii hore dawladdu ugu talogashayna Afar milyan bay gelisay, sanadkanna Afar millyan bay gelisay miisaaniyadda siddeedaas miyan banana Dawladdu miisaaniyadda ugu dartay.”

Wasiirka oo ka Hadlayey Qaddarka waddada ceerigaabo ee ilaa iyo Haatan dhamaystirmay, ayaa yidhi

“waddada Hadaan ka warramo meelaha ay marayso Bilawgeedii waxay ahayd 30-km bay ahayd dufcaddii hore oo kala ahaa 10-Xagga soke laga bilaabay, 10-xagga shishe lagaga bilaabay iyo 5-km oo dhexda laga bilaabay oo ceel afweyn iyo garadag laga bilaabay 30-Kaas km-way dhamaadeen, waxana noo qorshaysan in Soddonkan marka la furo in 40-KM oo kale la dhaga dhigo.”

Wasiir Xirsi ayaa sheegay inay haatan diyaar u tahay daamur xad-dhaaf ah oo loogu talo galay waddada ceerigaabo, kaas oo yaalla Dekedda Berbera, isla-markaana dhawaan loo rari doono Dhinaca waddada Ceerigaabo.

Wasiir Xirsi ayaa sidoo kale sheegay inay sidoo kale wadaan oo ku Hawllan yihiin waddooyinka kale ee Dalka, kuwaas oo meelo badan ka socda, qaarkoodna la bilaabi doono.

Waddada Ceerigaabo, ayaa kamid ahayd ballamihii ugu cuslaa ee Madaxweyne Siilaanyo ku ballan qaaday inuu dhamaystiri doono inta uu xilka hayo, waxana ay ka mid tahay caqabadaha aan dhamystirmin ee wali qabyadu ku jirto, balse la bilaabay.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment