Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
11/4/2014ka, Hargeysa,
Qormada: 2aad
Intaa marka aad ka durduurato oo lagu soo koobay 6 bog oo keliya ayaad gelaysaa Qaybta 2aad ee Dastuurka Xisbiga kulmiye oo ah Qaab-dhismeedka Xisbiga Kulmiye. Wuxu ka bilaabmayaa Qodobka 15aad: Faqraddiisa 1aad, xubinta B oo ah: Heer qaran. Laba ayay u sii kala baxdaa oo kala ah: Shirweynaha iyo Golaha Dhexe.
Waxa ka dibna raacaya qaab-dhismeedka Xisbiga Kulmiye laga bilaabo Heer Gobol ilaa Heer Laameed. Yaa salaam! Ma is-tidhaahdeen halkani waa halka ay laxdu u dhimatay. Halkan waxa ka muuqda xisbi-daaddejin dimuqraaddi ah oo ay xubnaha Xisbigu talada wax ku leeyihiin. Xukun-daaddejin maamul ayaad taqaanneen ee tanna ku darsada sheekada. Hadda waa la dhaqan-geliyay, annigu idin ma odhan. Ilaa immika waxa Kulmiye u qoran ee Xeer ah ayaan si sar-ka-xaadis ah idiin ku guud-marayaa. In aan ku talax-tago waan jeclaa, bal se dul-qaad yaraantiinna akhriska ayaan ogahay. Anna ma jecli in aad hoosta iga higgaadisaan.
Dhismahan xisbi-daaddejintu wuxu daarran yahay: Gobol, Degmo iyo Laan. Weliba waxa dheer dhismaha Laamaha Dibadda. Saddexankani dhisme ahaan waxay ka siman yihiin: Shirka Xisbiga, Golaha Xisbiga iyo Guddida Fulinta oo Heer Gobol, Degmo iyo Laameedba ah.
Qodobka: 16aad waa Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.
Halkan waa aynu ku yar raasukhaynaa. Wax la dul cararo ka weyn. Waa xadhiggan xidhmi la’ iyo qaban-qaabada Shirweynahan Maaratoonkiina ka dheeraaday. Xataa fool-erigi ayuu Kulmiye ku dhali la’ yahay. Faal iyo fooxba waa la isugu daray. Min baas baa u baxay. Maxaa si ah haddaba. Bal aan dhex-qaadno wuxu Dastuurka Xisbigu ka odhanayo. Falanqaynta iyo faallayntuba waa ay inoo dambeyn doonaan.
Dastuurku wuxu leeyahay:
1. Shirweynaha Xisbiga ee heer Qaran waa Hay’adda ugu sarreysa Xisbiga, waxaana ku kulma ergooyinka ka socda gobollada dalka iyo dibeddiisaba,
2. Shirweynaha Xisbiga waxa la qabtaa shantii sannadoodba hal mar. Hase yeeshee, si looga duwo Shirweynaha Xisbiga sannadka doorashada Madaxtooyada, waxa Shirweynaha 3aad ee Xisbiga la qabanaya afar sannadood ka dib maalinta uu dhammaado Shirweynaha 2aad ee Xisbigu,
3. Shirweynaha waxa qaban-qaabinaya Guddi Qaban-qaabo oo uu soo magacaabo Guddoonka Xisbigu, Guddida Fulinta ee Xisbigu ansixiyo,
4. Tirada ergooyinka Shirweynaha waxa go’aaminaya Guddida Fulinta,
5. Shirweynaha Xisbigu wuxu ka kooban yahay:
b. Tirada xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga,
t. Dhammaan xubnaha Xisbiga ee ku jira Golayaasha Qaranka,
j. Ergooyinka ka socda Laamaha Xisbiga ee dalka iyo debeddiisa,
6. Tirada ergooyinka Shirweynaha Xisbigu kama yara laban-laab tirada xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga,
7. Qaabka ergooyinka loogu qaybinayo Gobollada dalku waxay ku salaysnaanaysaa codadka guud ee doorashadii ugu dambeysay ee Golaha Wakiillada Xisbigu ka helay Gobol walba,
Intaa wixii soo raacaaba waa: Qod: 17aad oo ah: Fadhiga ugu horreeya ee Shirweynaha, Qod: 18aad oo ah Qaabka Doorashada Shir-guddoonka Shirweynaha, Qod: 19aad oo ah: Awoodda Shirweynaha, Qod: 2oaad oo ah Xilka iyo Waajibaadka Shirweynaha, Qod: 21aad oo ah: Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha shirweynaha, Qod: 22aad oo ah Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiye-ku-xigeenka iyo Qodobbo kale oo ku saabsan Shirweynaha iyo Golaha Dhexe.
Waxa intaa raacaya Qodobbada ku saabsan Guddida Fulinta, Lacag-hayaha, Xisaabiyaha Xisbiga, Hanti-dhowraha Xisbiga, iyo Qod: 37aad oo ah Doorashada guud ee Qaranka marka laga eego Dhismaha Xisbiga.
Intaa haddii aynu qornay waxa loo gelayaa dhismihii Xisbiga ee Heer gobol, Heer Degmo iyo Heer Laameed.
Qaybta 3aad ee dastuurkan Kulmiye, waxay ku saabsan tahay: Ansixinta fadhiyada iyo go’aammada Xisbiga, Cod-bixinta Xubnaha, Xallinta Xurgufaha, Anshax-marinta,Abaal-marinta Xisbiga.
Anniga oo aan Dastuurka oo dhan halkan idiin ku soo wada gudbin karayn, bal aynu eegno waxa xisbiga dhaqaale u noqonaya oo ah Qodob muhiim ah oo saldhig u ah dimuqraadiyadda xisbiga dhexdiisa.
Waa Qodobka 8aad oo odhanaya:
Xisbiga waxa dhaqaale u ah:
Qaadhaanka joogtada ah oo ah sidan:
- Xubin xisbi,
- Xubin Gole Dhexe,
- Xubin Gole Fulineed, Gobol/Gole Degmo/ Gole Laameed,
- Xubin Gole Baarlamaan/Degaan,
- Xubin Guddoon Xisbi/Gobol/Degmo/Laameed,
- Xubin Gole xukuumadeed qaran/ gobol/Degmo,
Kharashka diiwaan-gelinta xubinnimada Xisbiga,
Taageerada dhaqaale ee xubnaha xisbiga ee dibadda,
Deeqaha ay bixiyaan shakhsiyaad, ururro, ama hay’ado, kuna bixiyaan sifo aan ka hor imanayn danta Guud ee dalka iyo mabaadiida xisbiga ama kaalmo dhaqaale oo qaranka Somaliland siiyo xisbiga,
(La soco………………..)
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment