Friday, April 11, 2014

Somaliland Oo Isticmaalka Garoomadeeda u Oggolaatay Masuuliyiiinta Xilalka Ka Haya Dawladda Somaliya, Balse Shuruud Ku Xidhay




Hargeysa:11-April-2014(Himilo)-Dawladda Somaliland ayaa markii ugu horraysay sheegtay inay Garoomadeeda isticmaali karaan Masuuliyiinta xilalka ka haya Dawladda Federalka Somaliya iyo maamul-goboleedyada kale ee Soomaaliya ahi, Marka Laga Reebo Masuuliyiinta Somaliland u dhashay ee Dawladdahaas xilalka u haya.


wasiirka duulistaWarkan ayaa waxa ku dhawaaqay Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo Maanta u warramayey Saxaafadda.


“Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay ee aan aniguna Maysinkan kaaliyaha ama odayga uga ahay, siyaasada aan ku maamulaynaa waxa weeye in garoonkan Hargeysa  aanu ka dhigno garoomo caalami ah, oo geeska afrika oo dhan waraabiya oo hab u noqda mandaqadan, waxan aanu doonaynaa in aanu soo jiidano diyaarado waaweyn oo caalami ah, oo calan wadan sita, oo caymisyada adduunka ku jira, waxa aanu doonaynaa in diyaaradihii dadka muwaadiniinta ahi ay lahaayeen ee dadkan la soo kifaaxay in aanay baabin ee aanu dhawro, siyaasada noocaas ahi inaga socon mayso hadii aynu nidhaahno yaan layna soo marin oo dadka aynu Transit-ka ka horjoogsano,  caalamina aynu noqono, dunidu shuruuc iyo xeerar garoomada lagu maamulo ayey leedahay kuwaas oo lagu hubiyo Hay’ada ICAO  ayaa dajisa, wixii Transit ahina madaarka way marayaan haddii ay Jabuuti, Kiiniya ama Itoobiya ka socdaan, madaxda Soomaaliya kuwaas ayuun bay la mid yihiin, masuuliyiinta Soomaaliya ee muqdisho ka imanaya ama kuwa Puntland way soo mari karaan Madaarada Somaliland iyadoo transit ah, marka laga reebo masuuliyiinta Somaliland u dhashay ee maamuladaas ku jira, kuwaasi waxay khiyaameeyeen umadoodii iyo dalkoooda,  kuwaas ma ogolin, haddii ay madaarada soo fadhiistaana diyaarada ugu gali mayno laakiin hadii ay soo cago dhigtaan  oo Terminalada ay yimaadaan, xaq ayaanu u leenahay inaanu xukuumad ahaan qabano.”Ayuu yidhi wasiir Maxamud Xaashi.


Waxa uu intaas wasiirku ku daray inay Masuuliyiintaas Aan Somaliland u dhalan ee Garoonka Hargeysa Loo Ogol yahay oo ay Ka Reeban tahay inay Tagaan  Goobo ka Baxsan Terminaal-ka, waxaana uu yidhi, “ madaxda Soomaaliya  waxa ka reeban inay gudaha Somaliland galaan, Transit  way ku joogi karaan madaaradda, meelo aanu ugu talo galnay ayaa la gaynayaa, oo waa la dhawrayaa iyaga iyo sharaftoodaba, wax ceeb ahina kuma jirto taas, imikana way na soo maraan masuuliyiin Puntland ah oo maanta oo ugu damabaysay Wasiirkii Maaliyada ayaa marayey isagoo Transit ah.”


Hadalkan uu Wasiir Maxamuud Xaashi Masuuliyiinta Somaliya Xilalka ka Haya  ee Aan Somaliland ka Soo Jeedin ugu Ogolaanayo inay isticmaalaan Garoonka Hargeysa, ayaa ku soo Beegmaya xilli dhawaan ay Wasiirka Laftiisa iyo masuuliyiin Dawladda Somaliya ka tirsani isku afgaran waayeen Wada-Hadallo la xidhiidhay arrimaha Hawada Somalida, kuwaasoo Natiijo La’aan ku dhamaaday  sida uu Wasiirku Afkiisa Ka Sheegay.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland



 


 

No comments:

Post a Comment