Berbera, (Himilo)Illaahay naxariistii janno haka waraabiyee haweenay la odhan jiray Xamda ayaa maydkeeda laga helay maqaaxi ku taala magaalada berbera, halka wiil la yidhaa Sacad Maxamed Faarax uu dhaawac culusi soo gaadhay, ka dib markii maqaaxidaasi si kedisa ugu kulmeen ninkii hore u rasaaseeyey xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo wiilkan uu dhalay xildhibaanku.
dad goobtaasi ku sugnaa ayaa noo xaqiijiyey in xubno ka tirsan qoyska xildhibaan Qabile isku dayeen inay gacanta ku dhigaan, balse uu ninkaasi isku difaacay rasaas uu ka riday baastoolad uu sitay, sidaasi awgeed ayaa uu ka cararay gaadhi uu watay.
Ilaa hadda ma cada khasaaraha goobtaasi ka dhacay guud ahaan iyo cida leh masuuliyadiisa iyo waliba rasaasta ay ku dhimatay Marxuumadu, balse wax goobta markiiba soo gaadhay oo la wareegay ciidanka booliska oo gacanta ku haya, lamana oga in tirada dadka ee shaqaaqadaasi loo qabtay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment