Thursday, April 10, 2014

Weedho isugu jira: Dan-ka-hadal, Daah-ka-faydid, Damqasho, Duur-xul, Diidmo iyo Digniin oo dhex-maray Xukuumadda, Saxaafadda & SONSAF




“Haa way ka dhiirran tahay! Sida ay ugu dhiirratay inay Xukuumaddani Ciidammada derajo siiso ayay ugu dhiirran tahay inay amar siisana, idinkuna (Saxaafadda) inaad dhiidhiibsataan baa loo baahan yahay….Waxaannu dirannaa Mustafe Sacad iyo Xuuto..” Wasiirka Warfaafinta


 


“Ciidan dhiirrani waxay dadka ku abuuraan gasariir, dadku hadduu gasariirana Ardayga ayaa Baybayga isu dhigaya, markaa Askari dhiirran dhabar-kaa lagaga jabaa ee ka fiirsada ayaan leeyahay Wasiirka.” Guddoomiyaha SOLJA


 


“Garoon baynu ku wada-shaqaynaa, Siyaasigu waxa uu siyaasi ku yahay in uu sharciga ixtiraamo, Suxufiguna wuxu Suxufi u yahay inuu sharciga ixtiraamo…” Guddoomiyaha SONSAF


 


Hargeysa, 10 April, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa markii ugu horreysay faahfaahiyey sababta ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugaga dhiirran tahay Xukuumadihii hore xadhigga iyo xayiraadda Weriyeyaasha iyo Hay’adaha Warbaahinta Madaxa-bannaan, isagoo ku dooday inay kaga dhiirran tahay amar-siinta Askarta, isla markaana loo baahan yahay inay Saxaafaddu dhiidhiibsadaan.


XasanHase-yeeshee, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in Ciidan dhiirran Shacabku ka dhaxlaan gasariir, gasariirnimaduna keento burbur iyo isku-dhac, sidaa awgeedna loo baahan yahay inaanay Xukuumaddu ku dheeraynin ku dhiirranaanta adeegsiga Ciidanka.


Waxay Masuuliyiintani sidaa ku sheegeen Shir lagu soo bandhigay Baahiyaha Saxaafadda Somaliland oo ay shalay Dalladda Ururrada aan dawliga aheyn ee SONSAF ku qabatay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaasoo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan, ayuu Wasiir Cukuse ku sheegay qodobbo xasaasi ah oo jawaabta su’aalo ka taagan si weyn loo tabayey.


mustafe sacadSONSAF: Dan-ka-hadal


Guddoomiyaha SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil oo ugu horreyn shirkaa hadal ka jeediyey waxa uu yidhi; “SONSAF oo u taagan dadka aan dawladda ku abtirsan qayb bay ka tahay Saxaafaddu, waxaa mar walba annaga nala gudboon baahiyaha taagan inaannu ka jawaabno, waxanay nala noqotay markaa inaannu kulan u qabanno Saxaafadda si ay baahideeda u soo bandhigto. Waxyaalaha ugu muhiimsan runtii ee la taaban karo ee kulammadaa ka soo baxay War-Saxaafadeed aannu ka soo saarnay oo aannu lix qodob ku soo koobnay, waxaa ka mid ah in Xeerka Saxaafadda ee rasmiga ah ee Xeer NO: 27/2004, uu noqdo ka Saxaafadda loo adeegsado.”


Damqasho


“Muddadii ugu dambaysay runtii tallaabooyin aan wanaagsanayn baa ku dhacday Saxaafadda Somaliland oo ay ugu dambaysay tallaabadii Haatuf ku dhacday, aad baannu uga xunnahay, waxaa iyaduna ka horreysay tii Hubaal, Wasiirkii Warfaafintaa innagala jooga Xukuumadda. Iyada oo dawladduna ay culays badan tirsanayso haddana mar walba waxaannu leenahay xadhigga ka soo dheeraynaya sharcigu waa mid aannu aad uga xunnahay, qofku wuu khaldami karaa, annagu ma lihin marnaba qofka Suxufiga ahi ma qaldami karo, dembi waa lagu tuhmi karaa, waa lagu heli karaa waana lagu waayi karaa.” ayuu yidhi Mustafe Sacad.


Digniin


Guddoomiyaha Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF Mustafe Sacad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Laakiin, Hay’ad Warbaahineed oo shaqaynaysa oo hal mar Albaabbada loo laabaa runtii waa Bar madoow oo dimuquraaddiyaddeenna iyo horu-socodkeenna ka muuqan doonta. Runtii Garoon baynu ku wada-shaqaynaa, Siyaasigu waxa uu siyaasi ku yahay in uu sharciga ixtiraamo, Suxufiguna wuxu Suxufi u yahay inuu sharciga ixtiraamo.”


“Saxaafadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay sharciga ixtiraamaan, in sharafta iyo karaamada muwaaddiniintu ay ka nabadgalaan, qofka Suxufiga ahi maaha mid sharciga ka saarreeya, qofna sharciga kama sarrayn karo, qof kasta oo muwaaddin ah sharaftiisa iyo karaamadiisu way u dhawrsoon tahay, qofkii ku xad-gudba in tallaabo laga qaado annagu mar walba waannu taageersannahay, laakiin tallaabadu ha noqoto mid soo marta sifihii saxda ahaa (sharciga).” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Dalladda SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil.


Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo kulankaa ka hadlay, ayaa Wasiirka Warfaafinta u soo jeediyey inuu ka hawlgalo wax-ka-qabashada dhibaatada, gaar ahaan Wargeyskyada Hubaal iyo Haatuf oo ay Xukuumaddu albaabbada u laabtay toddobaadkan iyo dhawr bilodo ka hor. Waxaanu dalbaday in Hay’adaha Garsoorku ku dhaqmaan Xeerka Saxaafadda ee Xeer 27/2004.


SAXAAFADDA: Dan-ka-hadal


“Halkan waxaa innala fadhiya Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse. Cukuse mar waa dawladda marna waa mid Saxaafadda ka mid ah, Soomaalidu waxay tidhaahdaa Dhuun baa af iyo moqorba og. Anigoo ooyaya ayay Wayli igu sii joogsatay baa la yidhi, annagoo markii hore la daalaa-dhacayna ta hore (Hubaal) oo meel aannu ka baxno garan la’nahay oo xaaladdu isku jiq tahay ayay dorraadna (Isniintiina) ta Haatuf dhacday, runtii xaaladdaa cusub ee soo korodhay aad baannu uga naxnay, aad baanannu uga xumaannay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SOLJA.


Xasan Maxamed Yuusuf oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Anigoo uga faa’iidaysanaya Masuuliyiinta halkan fadhida waan aamminsanahay Saxaafaddu Malaa’ig maaha ee waa dad, way qaldantaa, way qaldami doontaa, waanay qaldami jirtay, qaladku waa wax caadi ah oo shaqada la qabto ku yimaadda. Laakiin, wax kale oo innoo yaallay oo Xeer Saxaafadeed ah oo innoo yaallay oo waddankeenna jiray intaynu arrimahan kale ku jirnay ma jirin ee waa Xeerkaas NO: 27/2004. Haddii Xeerkaas Garsoorka waddanku ka soo cawday oo uu yidhi; ‘Xeerkani ma dhammaystirna’ iyo hadday Xukuumaddu qawadday labadaba macneheedu maaha waa la Xeer la’aanayaa. Baabuurta Tagaasida ah taayir yar baa la soo raaciyaa oo Taayirrada kale ka yar haddaad qawaddeen ama garsoorku qawaday dee taayirkaa yar ee meel-kaga-kaca ah Xeerkani kama liito ee inta la dhammaystirayo waddanku Xeer la’aan maayee Xeerkan hallagu dhaqmo ayaannu qabnaa annagu oo Maxkamaduhuhu haku dhaqmaan.”


Damqasho:


Guddoomiyaha SOLJA waxa uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland ka hor-caddeeyey inay khaati ka joogaan xadhigga Suxufiyiinta iyo xarumaha Warbaahinta, waxaanu yidhi; “Xadhigan ka soo horreeya siduu Mustafe sheegayey dacwadda qaadisteeda, runtii annaga laf dhuun gashay buu nagu yahay, waannu ka cabanaynaa oo xadhiggaa khaati baannu ka taagannahay Wasiir. Waxaannu magan kaaga nahay Wasiir oo aannu doonaynaa inaad arrintan dhacday wax ka qabato ciddii aad kaashanayso ama Odayaal ha noqoto ama Saxaafad ha noqoto ama dawlad ha noqotee inaad arrintan wax ka qabato, annaguna aannu kugu taageerno. Arrimahaasina inta aynu wax lagu wada qanacsan yahay soo saarayno ay noqdaan waxaan dib u dhicin oo laga taxaddiro. Laakiin, dee haddii tanina sidan ku handaraabnaato, qaar horena way handaraabnaaye dee waxba naga degi maayaan.”  


“Arrinka kale ee meesha yaallaa waxa weeye Saxaafaddu Xukuumadda maanta jirta xilligii ololihii inta badan waxay yidhaahdaan hiil baannu u galnay, halkii Dhoodaan bay taagan yihiinoo waxay leeyihiin; ‘Ninkaan Buurta gurada dheer anigu gaadhsiiyey ee gunteeda iga sheelayay-baan gacalkay moodaayey….Gunda-gooye muu hayn waxaan kuu gardaadsaday.’ Anigoo codka Suxufiyiinta ku hadlaya dee tan idinkamaannaan filayn ee waxaannu idinka filaynay runtii arrin caynkan ka duwan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf.


Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay inaanay Xukuumadda Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay xarun warbaahineed oo ay gacanteeda ku xidhay jirin, isagoo ku dooday inay sharciga u marto, isla markaana Ergo ugu dirto shaqsiyaad Saxaafadda ka tirsan intaanay tallaabo kale qaadin. Wasiir Cukuse waxa uu meesha ka saaray saxnimada Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Xeer 27/2004 oo ay Golayaasha Baarlamanku ansixyeen Madaxweynuhuna dhaqan-geliyey wakhtigaas, balse ay Maxkamaduhu ku shaqayntiisa dhinac iska dhigeen.


Cabdilaahi Maxamed Daahir  Cukuse AAAXUKUUMADDA: Diidmo


Wasiir Cukuse oo ka hadlaya Xeerka Saxaafadda waxa uu yidhi; “Xeerkan aad leedihiin kaasaanu aqoonsanay waa kii hore uun, runta marka la sheegana xogogaal baynu ka nahaye saxna kumaynaan ahayn berigaa Baarlamaankii inaga Aqbalayna markii wuu Mahadsanaa laakiin ilduuf buu sameeyey ah inaanu Xeerkani ahayn mid bani’aadamka kale ee dalka difaaci kara, maantana waxaynu u baahanahay xeer qofka kale karaamadiisa, diinteena iyo dhaqankeenaba ilaaliya.”


Wasiirka Warfaafintu waxa uu ku dooday in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyaduna abaal u tirsanayso Saxaafadda madaxa-bannaan oo sheegta inay u hiilisay wakhtigii ololaha doorashada, waxaanu yidhi; “Saxaafadda madaxa-bannaan Xukuumadda KULMIYE ee Axmed-Siilaanyo abaal bay u sheegataa, berigii baannu soo saarnay bay yidhaahdaan, waakii halkan Xasan Maxamed Yuusuf ka lahaa maannaan filayn inaad nagu durdurisaan oo berigii baannu abaal idinku lahayn, ee horta dhinaca kale weli ma dhegaysateen? Annaguna Saxaafadda abaal fara badan baannu u sheegannaa, qalqaallinnimo ayaannu ka oggolaannay, inay durduriyaan baannu ka oggolaannay, weliba waannu sii jeesannaa, waxaannu is-nidhaahnaa waydinkii berigii ka oggolaaye bal maantana ka yara daaya. Laakiin, waxaad maanta doonaysaan inaan idiinka jawaabo maxay Xukuumaddani ugu dhiirrataa inay Meheradda-ba (xarunta Hay’adaha Warbaahinta) xidho.”


Daah-ka-faydid:


“Waxaan maanta (shalay) hortiinna ka sheegayaa, Xukuumaddana maaha-ba ta inta ay soo qaadato Katiinadda iyadu meel xidha-ba. Waxaannu u marnaa dariiqa Garsoorka, waxaannu ku horreysiinnaa Ergooyin ay Madaxdiinna Saxaafaddu galaan oo hadday nagu soo noqdaan oo ay yidhaahdaan; ‘Ergadii waa nalaga aqbalayna’ waannu la aqbalnaa, hadday yidhaahdaan; ‘Ergadii waa nalaga soo diidayna’ waxaannu nidhaahnaa dee maxaynu samaynaayee kale? Mustafe Sacad iyo Xuuto iyo baannu dirnaa, mar aannaan iyaga dirin oo aanay nagu soo celinnin oo aanay odhan waa nala aqbalay oo aannaan ku raacin sidii Hubaal, oo aanay odhan waa nala diiday, oo aannaaan odhan dee waa nasiib-darro ma jirto, macaa tan u dambaysay (Kiiska Haatuf)markaa iyagaa Ergada gala.” Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi Cukuse.


Digniin iyo Daah-ka-faydid:


Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu caddeeyey inay Xukuumadda uu ka tirsan yahay ka dhiirran tahay kuwii ka horreeyey, isagoo sharraxaya waxa ay kaga dhiirran tahayna waxa uu yidhi; “Waxa Maskaxdiinna ku yara jirta, waar ninyoow Xukuumaddani Xukuumaddii hore way ka dhiirran tahay. Haa! Xuuumaddani Xukuumaddii hore way ka dhiirran tahay, waayo? Xukuumadihii hore kumay dhiirrannin inay Ciidammada derajo siiyaan, miyey ku dhiirradeen? Markaa, sida ay ugu dhiirratay inay Xukuumaddani Ciidammada derajo siiso ayay ugu dhiirran tahay inay amar siisana, idinkuna (Saxaafadda) inaad dhiidhiibsataan baa loo baahan yahay.”


Dareen-celin iyo Digniin:


Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa isla madashaa kaga jawaabay ku dhiirranaanta amar-bixinta Ciidanka ee uu Wasiir Cukuse ku faanay, isla markaana waxa uu sheegay in Askari dhiirran dhabarka lagaga jabo. “Lix boqol oo Kun oo Askari ayuu haystay taliskii Siyaad Barre, waad ogeyd halkay ku dambeeyeen, Ciidan dhiirran oo dawladi ku faantaa waxba ma kordhiyo, Ciidan dhiirrani waxay dadka ku abuuraan gasiir, dadku hadduu gasariirana Ardayga ayaa Baybayga isu dhigaya, markaa Askari dhiirran dhabar-kaa lagaga jabaa ee ka fiirsada ayaan leeyahay Wasiirka,” sidaa ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf oo jawaabta bixiyey markii uu Wasiirku hadlay ee uu Hoolka ka baxay ka dib.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment