Wednesday, April 9, 2014

“Xukuumadda Siilaanyo waxay ku dhaqaaqday caga-juglayntii iyo Xadhiggii saxaafadda madaxabannaan ee ay ku caanbaxday”




Hargeysa, 09 April, 2013 (Himilo) - Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa cambaareeyey xayiraadda la saaray Xarunta Wargeysyada Madaxa-bannaan ee Haatuf Media Group oo ciidamo boolis ahi dorraad la wareegeen, waxaanay xukuumadda Xisbiga Kulmiye ku eedeyeen inay caadaysatay tallaabooyin ceeb iyo dhabar jab ku ah xariyatul-qawlka iyo madaxbanaanida.


shirjaraaidMasuuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiska guud ee Xisbiga, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay xayn-daabka ilaalinta xuquuqda Bani’aadamka ku ilaaliso jawaab-celinta ay ka bixiso dhaliilaha iyo gol-daloolooyinkeeda lagu baahiyo saxaafadda Madaxa-bannaan.


Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu xukuumadda talada dalka haysa ku dhaliilayo sida ay ula dhaqmayso xoriyatul-qowlka,  waxaanu yidhi, “Iyadoo ay hore u jirtay laydh la’aan, biyo la’aan, sicir barar iyo cusbitaalkii guud oo u dhaw inuu xidhmo, ayey halkii ay Xukuumadda Siilaanyo xal uga raadin lahayd dhibaatooyinkaas, waxay ku dhaqaaqday caga-juglayntii iyo xadhiggii saxaafadda madaxabanaan ee ay ku caanbaxday Xukuumaddani, waxay xidhay oo ay albaabada isugu laabtay Wargeyskii caanka ahaa ee Haatuf oo ay la wareegeen ciidanku, sidoo kale waxa hore loo xidhay Wargeyskii kale ee Hubaal oo inta xaruntiisii lagu weeraray oo laysku dayey in la toogto guddoomiyihii Wargeyska ciddii weerartayna ay dalacaad ku heshay, waxaanu u aragnaa in la leeyahay maxaad u sheegtay hantida ummadda ee la cunayo.”


Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, ”Ciidamadan ay dawladdu u isticmaalayso qaabka awood-sheegashada ah waxaanu leenahay haka joojiso umadda, waxaanu xukuumadda u soo jeedinaynaa inay si degdeg ah u soo dayso Wargeyska Hubaal iyo Haatuf-ba oo ay faraha kala baxdo xoriyadda saxaafadda madaxa-bannaan, saxaafadduna waxay u jirtaa inay sheegaan wixii jira ee umadda laga qarinayo ee madawga lagu cunayo,” ayuu yidhi Uur-cadde.


“Ciidankan ay sida gurracan u siticmaalayso xukuumaddu ha joojiso haddii intaas laysla dhaafo wixii soo baxaya waa laysla garanayaa, haddii ninku yidhaahdo anigaa ciidan haysta oo waxaan doono samaynaya, wixii soo baxaya waa la garanayaa, waxaanu jecelnahay inaan halkaas laysla gaadhin”.


Dhinaca kale, waxa halkaasi ka hadlay Xoghayaha Arimaha Gudaha ee xisbiga Waddani Mustafe Maxamuud (Qodax), waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Haddii aynu nahay reer Somaliland waxa aanu iibin jirnay ammaanka  oo runtii tiirarka uu ku taaganyahay ay kamid tahay, cadaladduna iyada laftigeeda waxaa laga dhex dheehan jiray xoriyatul-qawlka iy saxaafadeena, arrintaas wargeska Haatuf  lagu xanibayna aad iyo aad baanu u canbaareynaynaa   waxaanan u sheegaynaa umadda reer Somaliland gudo iyo dibad ba Xukuumaddu ceebaheeda ayey runtii ku qarinaysaa cago-juglaynta iyo cadaadiskan ay saarayso saxaafadda oo aan qarsoomayn oo aanu runtii aanu aaminsanahay in ay kala kulmi doonto kacdoon dadweyne iyo in dadku si furan uga jawaabo arintan,” ayuu yidhi Xog-haye Mustafe Qodax.


Himilomedia.com                                        


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment