Wasiirka Maaliyadda oo Nootaayooyinka sharciga ah u soo jeediyey inay kala shaqeeyaan hirgelinta cashuuraha
Hargeysa, 01, April, 2014-(Himilo)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa qabatay shir lagaga hadlay sidii loo kobcin lahaa cashuuro ka mid ah kuwa berriga oo aan welin u hirgelin sidii qorshaha loogu talogalay ahaa.
Kulan lagu qabtay hoolka xarunta hay’adda Shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa shalay, kana qaybgaleen madaxda iyo shaqaalaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda iyo nootaayooyinka sharciga ah, waxa furitaankiisii goob-joog ka ahaa wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Caddaaladda, Hawlaha Guud iyo Guriyeynta iyo madax kale oo agaasimayaal guud ka mid yihiin.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kulankaasi ka jeediyey hadal dheer, ayaa guud ahaan ka qaybgalayaasha ku waaniyey Alle ka cabsi inay mar walba ku saleeyaan shaqada ay qabanayaan, taas oo uu sheegay inay tahay mid qof waliba ka gaadhayo guul if iyo aakhiraba.
Waxa kale oo uu ka hadlay cashuuraha Wasaarad ahaan ay doonayaan in la hirgeliyo oo ay ka mid yihiin kala wareejinaha gaadiidka iyo dhulka, cusboonaysiinta liisamada iyo kuwa macaashal-macaashka, kuwaas oo uu ka dalbaday xafiisyada nootaayooyinka sharciga ahi inay kala shaqeeyaan. Waxaannu tilmaamay in kala wareejinta gaadiidka kala duwan ay go’aan adag ka qaateen oo ay hoos ugu dhigeen xaddigii cashuurta laga qaadi jiray oo hore ugu salaysnayd qiimaha lagu kala iibsado, balse hadda ay ka dhigeen laba qaybood oo kala ah $105 iyo $55.
Md. Samaale oo ka hadlayey cashuurahaasi sida gaarka ah ay u bartilmaameesadeen waxa uu yidhi, “Saddexda cashuurood ee halkan lagaga hadlay; ta cusboonaysiinta liisamada wax badan ka odhanmaayo ee waajib ee guta oo sida ugu dhakhsaha badan u fuliya, cashuurta kala wareejimaha wixii aan gaadiid ahayn ee kala iibsiga dhulka ah waxaannu jecelnahay in aynu go’aan kale oo isbeddel ah samaynayno, maadaama cidda rasmiga ah ee loo yimaadaa (nootaayooyinka sharciga) intaynu Ilaahay ka wada baqanno qiimaha rasmiga ah ee labada qof wax ku kala iibsanayaan aynu ku salayno cashuurta, waa run oo marka lacag badan wax lagu kala iibsado waa ku qaali oo cashuur badan ayaa ku waajibaysa, laakiin bal inta aynu go’aan kale oo dhimis ah ka gaadhayno waxaannu jecelnahay in nootaayooyinku wax ka qaban karaan haddii aad ku dhiirrataan, oo aad arrintaasi si walaaltinimo iyo daacadnimo ah noogala qaybqaadataan.”
“Waxa kale oo jira tigidho wax lagu cashuuro oo Wasaaradda Maaliyaddu soo saartay lacag kooban oo shillinka Somaliland ah oo ku xidhan kolba wixii la qorayo lagu jaro, tigidhadaasina in nootaayooyinku isticmaalaan ayaanu aad idinka codsanaynaa, waxba idinyeelimaayaan, idinkuna waxaad tihiin dadka nala hirgelin kara.
Cashuurta saddexaad waxa weeye, ta macaashal-macaashka iyo shaqaalaha idiin shaqeeya wixii cashuur ku waajibay inaad nalaga shaqaysaan oo aannu idinka doonayno wixii ku waajibay,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiir Samaale.
Sidoo kale, waxa hadallo ka jeediyey shirkaasi Wasiirrada Wasaaradaha Caddaaladda iyo Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xuseen Axmed Caydiid iyo Cabdirisaaq Khaliif, kuwaas oo ka warramay muhiimada cashuuruhu u leeyihiin dawladnimada iyo horumarinta Somaliland, iyagoo shacabkana ka codsaday in loo hagar-baxo bixintooda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment