Sunday, April 13, 2014

Xisbiga UCID oo Xukuumadda ugu baaqay inay faraha kaal baxdo madax-banaanida Garsoorka




Hargeysa, 13 April, 2014 (Himilo)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa si Kulul u Cambaareeyey dhacdo habeen hore magaalada Berbera dil iyo dhaawac loogu geystay Marxuumad magaceeda la odha jiray Xamda iyo Wiil uu dhalay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo Golaha Wakiillada ugu jira Xisbigaas, waxaanay xukuumadda ku eedeeyeen inay ka dambayso falal noocan oo kale oo dalka ka dhacay.


Masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID oo shalay shir jaraa’id xaruntooda magaalada Hargeysa, waxa ay masuuliyadda dhacdadaas dusha ka saareen nin hore loogu haystay rasaaseyn wakhti habeenimado ah dabayaaqadii sannadkii hore uu magaalada Hargeysa ugu geystay Xildhibaannn Maxamed Faarax Qabile.


ucidKu-simaha Xog-hayaha Guud ahna Xoghaye ku-xigeenka Xisbigaas Cabdinaasir Qodax, ayaa cambaareyey falkaas dilka dhaawac sababtay, “Waxaanu cambaareynaynaa falkii Foosha xumaa ee magaalada Berbera lagula eegtay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille ehelladiisa, waxaanu tacsi u diraynaa haweenaydii halkaas ku dhimatay, Wiilka  dhaawaca ahna waxanu leenahay Illaahay nabar-gardarro ha kaaga dhigo oo caafimaad degdeg ah siiyo,” ayuu yidhi Cabdinaasir, waxaanu intaas ku daray, “Waxaad ogaydeen Maxamed Faarax Qabille oo ah xildhibaanka kaliya ee Xisbiga UCID ku leeyahay Golaha Wakiillada, waxa uu ka hadhay xubnihii 21-ka ahaa ee Xisbigu Golaha ku Lahaa, arrintaa Qoyskiisa lagula kacay aad baanu uga xunahay, waanu Cambaaraynaynaa, ciddii falkaas geysatayna waxanu leenahay waa in waajibka sharciga ah la mariyaa, Mar horena waad Ogaydeen Xildhibaan Qabille in lagula kacay fal dil toogasho ah oo isla falkan ciddii geysatay ay ula badheedhay, runtiina si Gobonimo leh ayuu sameeyey oo waakii saamaxay, laakiin waxa nasiib-darro ah in mar labaad isla kii falka geystay uu kula kaco reerkiisa, markaa waxaanu leenahay waa in Maxkamad la keenaa.”


Cabdinaasir waxa uu sheegay in ninka ay xisbi ahaan ku tuhunsan yihiin inuu falkan geystay uu Xilliga arrintu dhacaysay watay gaadhi uu leeyahay Wasiir-ku-xigeenka Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor, waxana uu yidhi, “Waxa kale oo ayaan-darro ah in ninka falka geystay uu watay Gaadhigii Wasiir-ku-xigeenka Amniga qaranka oo runtii Xil weyn ka Haya qaranka, taasina runtii wax laga xumaado weeye, taasina waxanu leenahay arrintaasi adigay ku fadhidaaye waa inaad dhinac isaga qaadaa, waxa ninkaas dambiilaha ah u geeyey gaadhigaagana waa wax caddaynteedii la Hayo.”


Xog-hayaha Maaliyadda Xisbiga UCID, Faadumo Siciid Ibraahim, oo iyaduna shirkaas jaraa’id ka hadashay, ayaa Xukuumadda ku eedaysay inay ka gaabisay falal dhowr ah oo lagu bartilmaameedsaday qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka, waxaanay tidhi, “Berbera waa la joogay, madaxdiina waxba kama ay maqnayn, waxa loo tegayna waxa ay ahayd in Ergooyinkii Kulmiye lagu khasbo oo sanka lagaga tolo reer Saaxil inay ka qayb galaan, markii ay diideen ee ay u bixi waayeen in Xabad haddana dadkii lala dhex galo, waxaanu leenahay falkaasi waa fal aad u foolxun.


Xabaddan iyo falalkan dhacayaana ma aha kuwii Koowaad, waxa weeye wax taxane ah oo aanu garan weynay sababta Dawladdu wax uga qaban  la’dahay; Hubaal sidii loo galay waynu ogayn, maanta Haatuf sida loo galay waynu arkaynaa, Ina Faarax Qabille sidii loo galay waynu ogayn, Ina Kaahin-na waa tii la rasaaseeyey. Maxay Dawladdu wax uga qaban la’ dahay, nabadgelyadeedu iyaga miyaanay Khusaynin, mise Waxa dhab ah inaanay Somaliland aqoonsi rabin?”


Marwo Faadumo, ayaa  Madaxweynaha Somalilad ugu baaqday inuu wax ka qabto amni-darro ay sheegtay inay dalka ka jirto, waxaanay tidhi, “Madaxweyne Siilaanyo inuu Madaxweyne yahay ha muujiyo, inuu amniga dalka Illaahay ka sokow  ka masuul yahay ha muujiyo, wixii falalkan samaynayana hala xidho oo waajibkoodana hala mariyo, Maxamadahana Madax-bannaanidoodii hala siiyo oo yaanay noqonin wax Madaxtooyada looga soo amar qaadanayo.”


Ugu Dambayntii Masuuliyiintan ka tirsan Xisbiga UCID, waxa ay ugu baaqeen shacabka gobolka Saaxil inay Illaashadaan ammaankooda, waxaana ay Xukuumadda ku boorriyeen inay si deg-deg ah wax uga qabato fal-dambiyeedyada noocan ah ee ammaanka dalka wax u dhimaya.


Himilomedia.com                            


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment