
Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in AMISOM ay joojisay dib u celinta Ciiidamadda qayta ka ah AMISOM ee sida caadada ahayd laysku badali jiray si cuudurka Ebola oo ka dilaacay dalal ay ka mid tahay Sierra Leonean aanu Soomaaliya u soo gaadhin askar cudurkaasi qabana aan dalka loo keenin.
Col. Cali Aadan Xaamud Afhayeenka Ciidamada AMISOM aya sidoo kale xusay in AMISOM ay joojisay in wax guuto cusub oo ciidamo AMISOM ah dalka la keeno , arintaas oo qayb ka ah dadaalada la doonaya in cudurka Ebola ee faraha ba’an ku haya dalal dhaca galbeedka Africa lagaga gaashaanto.
Cudurka Viruska ah ee Ebola oo ka dilaacay dalalka galbeedka Africa ayaa ilaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof , waxaana hadalka AMISOM uu imanayaa xilli dhawaan Saraakiil caafimaadka takhasus u leh oo soomaaliyeed sheegeen in Haddii Cudurkaasi soo gaadho Goobaha soomalidu degto ay adkaan doonto in wax laga qabtaa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment