Friday, August 1, 2014

Mudane ka Tirsan Baarlamaanka Somalia Oo Goor Dhaweyn Mudisho Lagu Khaarajiyey

Muqdisho:Aug,01,2014(Himilo)-Waxa goor dhaweyd Magaalada Muqdisho lagu toogtay Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, kaas oo lagu magacaabi jirey Sheekh Aadan Deer.

breakinMudanahan ayaa la sheegayaa inay dileen Koox Gaadhi wadatay oo ku Hubaysan Bastoolado xilli uu aqalkiisa kusii socday.

Mudanahan maanta la dilay ayaa ahaa Guddoomiyihii Guddida Maaliyadda ee Baarlamaanka Somalia, waxana la sheegay inuu xilligaas ka soo baxay Masaajid aqalkiisa aan ka fogayn oo ku yaallay degmada Xamarweyne.

Sidoo kale, Kooxihii dilka Xildhibaankaas ka dambeeyay oo Bastoolado  ku hubeysnaa ayaa Goobta isaga baxsaday, waxaana intaa kadib goobta gaadhay Ciidamada Dowlada oo halkaasi ka qaaday Meydka Xildhibaanka.

Sheekh Aadan Max’ed deer ayaa  mar  soo ahaa Wasiiru dowlihii Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaddii Bad baado qaran ee Ra’iisul Wasaaraha uu ka ahaa c/weli Max’ed Cali Gaas.

Waa xildhibaankii  saddexaad ee ka tirsan Baarlamaanka Somalia ee muddo bil ah la dilo, waana mudanihii lixaad ee inta sanadkan lagu jirey laga dilo Golaha Baarlamaanka Somalia.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment