Friday, August 1, 2014

Qaadka Miirooga Oo Daraasado Caalami ah Lagu Ogaaday Halis Caafimaad Oo Ku Meersan

Nairobi:Aug,01,2014(Himilo)-Waxa Soo Baxaya Natiijooyin ka soo baxay Daraasado  khubaro caafimaad sameeyeen oo ka dayrinaya Cunista Qaadka Soomaalidu xoogga u isticmaasho ee Miiraha loo yaqaano.

miirooDaraasaddan lagu ogaaday Halista ku jirta Qaadka, ayaa waxa iska kaashaday Khubaro ka  kala socda Jaamacado ku Yaalla, dalalka Ingiriiska, Kenya, Jarmalka, Maraykanka. Kuwaas oo soo saaray inuu qaadkaasi si weyyn u waxyeelleeyo maskaxda Bani’aadamka.

Baadhayaasha ayaa sheegaya in Soomaali badan oo qaadka isticmaala ay haleeleen cuduro kala duwan oo maskaxiyan ah, kuwaas oo sababay in qaarkood ayba naftooda khatar u gasho sida Darasadda lagu tibaxaay.

in ka badan 30,000 oo qof oo Soomaali ku sugan Xaafada islii intooda badan ay si waali ah u isticmalaan qaadka ka soo baxa dalka Kenya sida daarasadda lagu xusay.

Marina Widmann iyo Abdulkadir Hussein Warsame oo ka tirsan Jaamacada  Konstanz ee Magaalada  Nairobi ayaa sheegay in dadka badsada qaadka ay yihiin kuwa khatarta caafimaad ee ugu balaadhan wajahaya waxa ayna ku  sheegeen  darasadooda oo mudo socotay lagu ogaaday in qaadka uu keeno xaalado cafimaad daro oo haleela dadka qaadka cuna.

Baadhaayaasha daraasadda sameeyay ayaaa Xusay in Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada hoose ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee qaadka laga isticmaalo waxayna sheegeen in Kismaayo ay ku taalo in ka badan 21 meel oo qaadka lagu iibiyo.

 

Qaadka ka soo baxa dalka Kenya oo loo suuq gayn jiray dalka Britain oo ahaa suuqa ugu wayn ee Kenya ay qaadkeeda u iib gayn jirtay ayaa laga mamnuucay bishii aanu ka soo gudubnay waxay xilgan Kenya suuqaqa ay qaadka u iibgayso kuwaado ugu muhiimsan ka mid ah dalka Soomaaliya oo maalinkasta shixnado qaad ah laga soo dajiyo, iyadoo haatanna ay ku soo biireen Goobo badan oo Somaliland ku Yaalla, gaar ahaan Gobolka Sanaag oo la keeno qaad badan oo Noona Miirooga ah.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment