Friday, August 1, 2014

Sanad-guurada 16-aad ee Ka Soo Wareegtay Cimriga Maamul-goboleedka Puntland Oo Garoowe Laga Xusay

Garowe:Aug,01,2014(Himilo)-Gebi ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka kala duwan ee Maamulka Puntland, ayaa saaka laga xusay Sanad-guuradii 16-aad eek a soo wareegta markii maamulkaasi federalnimadiisa ku dhawaaqay.

SAMSUNG CAMERA PICTURESMunaasabada Xuska waxaa ka soo qayb Galay Dhamaan Madaxda Maamulka Puntland, xildhibaano, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe, Ciidamada kala duwan oo watay qaarkood qalabkooda, Shaqaalaha Dowlada, Shacab weyne iskugu jiray Caruur, dhalinyaro, dumar iyo Rag, Arday ka socday Jaamacadaha, Dugsiyada Hoose/dhexe iyo Sare.

Ka qayb galayaasha munaasabada oo ka dhacday barxada Garoowe ayaa saf saf iyagoo uwada socda salaamayey Madaxweynaha Puntland iyo Madaxda kale ee Dowlada.

Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabada Xuska sanad guurada 16-ad ee Puntland ahna Wasiirka Howlaha Guud C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa kaga mahad celiyey shacabka iyo ka qayb qaadayaasha ka soo qayb galay munaasabada ku weyn umada reer Puntland ee 1-Agoosto.

Wasiirku waxa uu sheegay in mudo bil ku dhow ay wadeen qaban qaabada xuskan isagoo xusay munaasabado kale oo la mida midii maanta in ay ka dhaceen Magaalooyinka waaweyn horena ay u balan qaadeen in xaflada ka dhigi doonaan Gobolkasta oo Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dadweynaha reer Puntland ugu hambalyeey sanad Guurada 16-aad ee ka soo wareegatay markii dadka Puntland ay isku tashteen una istaageen sidii maamul u dhisan lahaayeen midhaheediina ay guranayaan Maanta.

Caawa ayaa Xafladii khudbadaha lagu qabanayaa hoolka Baarlamaanka Puntland oo si aad ah loogu qaban qaabiyey in lagu dhigo xuska sanadguurada 1-Agoosto, waxaana khudbado kala duwan caawa ka jeedin doona Madaxda maamulkaas, Ururada Bulshada, Abwaano iyo fanaaniin ku soo bandhigi doona riwaayado iyo heeso ka turjumaya Munaasbada 1-aAgoosto.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment