Monday, October 6, 2014

Askari Reer Kenya ah Oo 5-xabadood Laabta Kaga dhuftay Wiil Soomaaliyeed Oo Arday ahaa

Garisa:Oct,06,2014(Himilo)-Warbaahinta Dalka Kenya, ayaa si weyn u hadal haya Dhacdo uu Askari Dalkaasi kula kacay Wiil Somaaliyeed oo Arday ka ahaa Magaalada Garisa ee Waqooyi-bari Kenya.

shan xaDhacdadan ayaa lagu sheegay inay ahayd isku day dil badheedh ahaa oo askarigan la damacsanaa Wiilkan ardayga ah balse xagga Eebe aan tiisii ka dhamaanin ilaa iyo Haatan nool.

Ardeygan Soomaaliga ah oo Ibraahim lagu magacaabo da’diisuna tahay 17 jir ayaa waxaa rasaas ku furay askeri Kenyan ah, waxaana haleeshay 5 xabadood, isagoo si mucjiso leh uga bad baadey geeri.

Ibrahim oo haatan jiifa Isbitaal ku yaala Nairobi ayaa dalbadey cadaalad iyo xaqqiisa looga gudo askerigii shanta xabadood ku dhuftay si uu uga takhaluso.

Ilaa iyo haatan ma cadda sababta keentay in askerigan oo sidan arxan la aanta ah rasaasta ula dhaco ardeyga, balse Telefishinka KTN ee Kenya ayaa xaaladan ka wareystay waalidiinta iyo ardeyga dhaawaca ah intaba.

Waalidka Wiilkan dhalay ayaa iyagu si weyn uga niyadjabsan dhibaatada wiilkooda ku dhacday, waxana ay dawladda Ka Codsadeen inay tallaabo ku Haboon ka qaadaan Askariga sida badheedhka ah u toogtay wiilkan ardayga ah.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment