Thursday, October 9, 2014

Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Sarekac Ku Yimi Qiimaha Dollarka Maalmahan dambe

Hargeysa:Oct,09,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Baanka dhexe ee soamliland Cabdi Diriri Cabdi, ayaa Ka Hadlay Korukac ku Yimi Qiimaha Dollarka Gebi ahaanba Somaliland maalmihii ugu dambeeyey.

dollMudane Cabdi Dirir oo Maanta la Hadlayey Saxaafadda Madaxa Bannaan, ayaa sheegay inuu dagaal ka geli sidii uu Dollarka kacay hoos ugu soo celin lahaa, isagoo Meesha ka saaray in lacago dhawaan soamliland soo daabacatay ay sababeen korukaca yimi.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay waxa keena Sixir Bararka iyo Inuu Dollarku kor Ukaco,Kaas oo Sheegay in Marka ay Lacagta Somaliland Suuqa ku badato inuu Dollarku Kor U kaco.

“Dollarku Xogaa Wuu Yara Kacay,Lakiin Kacniin kaasi waa mid iska caadi ah oo suuqii waxa soo Galay Mushaharkii,Waxa aynu ku jirnaana Bil Socota Horaanteed,Mushaharka marka la qaatana Lacagta somaliland ayaa suuqa gasha,Waxaana ay keentaa Markaas inuu Doolarku Kor u kaco.” Ayuu yidhi Cabdi Dirir Cabdi.

Guddoomiyaha ayaa isagoo saadaal ka Bixinaya xilliga la filayo inuu Dollarku kaco waxa uu yidhi,

“Waxaan Rajaynayaa in Maalinta Sabtida uu dollarku Hoos usoo dhaco,Waxaanu ka Baan ahaan Arinta u aragnaa Arin iska caadiya oon nagalin war war iyo baqdin Toona,Waanad Arki Doontaan Wakhti aan fogayn Dollarka oo Hoos usoo dhaca.”

Gebi ahaanba Somaliland, ayaa maalmahan laga dareemayey qiimaha Sarrifka Dollarka oo cirka isku sii shareeraya, waxana ay taasi warwar gelisay shacabka ka shaqaysta isku beddelashada lacagaha, kuwaas oo shaki ka qaba inuu qiimuhu dibba u soo noqon waayo, isla-markaana ay qiimo beesha lacagta shilinka Somaliland.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment