Tuesday, October 7, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Golaha Wakiillada u gudbiyey magacyada Lix Xubood oo ka mid ah Guddiga doorashooyinka oo Gabadhi ku jirto

Hargeys (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shir-guddoonka Golaha Wakiillada u gudbiyey magacyada 6 xubnood oo ka mid ah xubnaha guddiga Doorashooyinka oo uu ansixiyey, halka xubinta todobaad oo xisbiga Waddani leeyahay uu madaxweynuhu mar kale dib u celiyey, ka dib markii uu sheegay inay xubintaasi buuxin weyday shuruudihii looga baahnaa

Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee wakhtigan xilka sii haya, ayaa wakhtigoodu ku eg-yahay 29-ka bishan, ka dib muddo shan sanno ah oo ay xilkaas soo hayeen iyaga oo dalka ka soo qabtay doorashooyinka madaxtooyada iyo goleyaasha deegaanka.

Siilaanyo-777War-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, ayaa lagu sheegay digreeto madaxweynuhu ugu gudbiyey Golaha Wakiillada lix xubnood oo ka mid ah todobada xubnood ee guddiga doorashooyinka,  halka xubinta dhimanna uu sheegay inuu ka daba-geyn doono marka loo soo gudbiyo. Waxa uu madaxweynuhu Mudaneyaasha golaha Wakiillada ka dalbaday inay shaqadooda ka gutaan isla markaana ay ansixiyaan lixda xubnood.

Guddiga Doorashooyinka oo 7 xubnood ka kooban, saddex ka mid ah waxa magacaaba madaxweynaha, laba ka mid ah Golaha Guurtida, halka laba xubnood ee kale ay soo kala magacaabaan labada xisbiga Mucaarad.

Warsaxaafadeedka lagu shaaciyey digreetada madaxtweynaha, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2813/102014,

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, kuwaasi oo ka kooban lix xubnood oo cusub bedelna u noqon doona Xubnihii hore komishinka Doorashooyinka Qaranka ee wakhtigoodu dhamaaday.

Ujeeddo Madaxweyne:  Soo Gudbin Xubno, Guddida Doorashooyinka Qaranka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa dhammaad ku dhaw muddo xileedka Guddida Dorashooyinka Qaranka. Sidaas darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aan beddelkoodii idiin soo gudbiyo.

Haddaba, waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa Lix (6) Xubnood oo ka mid noqon doona xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay soo gudbiyeen dhinacyadii uu sharcigu awoodda u siiyey soo xulidda saamiga kaga beegan si waafaqsan hab-raaca ku qeexan Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer No.20/2001, Qodobkiisa 11, Faqraddiisa 2aad.

Magacyada Xubnaha cusub ee buuxiyey shuruudihii xubinnimo ee looga baahnaa sida uu dhigayo Xeerka Doorashoyinka Xeer No.20/2001 Qodobkiisa 12 waxay kala yihiin:-

Xubnaha Madaxweynuhu soo Xulay:

  1. Mudane, Maxamed Jaamac Maxamed.

  2. Mudane, Maxamuud Jaamac Wacays.

  3. Marwo, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.


Labada Xubood ee Golaha Guurtida:

  1. Mudane, Siciid Cali Muuse.

  2. Mudane, Cabdi-qaadir Iimaan Warsame.


Xubinta Xisbi UCID:

  1. Mudane, Cabdi-fataax Ibraahim Xassan.


Waxaan soo jeedinayaa inaad xubnaha si dhakhso ah uga gudataan waajibaadkiina Dastuuriga ah.

 

Fiira-gaara;

1)   Xubinta ka dhiman Xubnaha Guddida waxaan soo gudbin doonnaa markay buuxiso shuruudaha

2)   Waxa halkan ku lifaaqan CV-yada Xubnaha Cusub,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

No comments:

Post a Comment