Kulankan oo ay saxaafadu dibadjoog ka ahayd, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in masuuliyiintaas iyo madaxweyne Siilaanyo isla lafogureen arrimo salka ku haya doorashoyinka dalka kusoo fool leh iyo waliba Guddiga Doorashooyinka ee Dhawaan madaxweyne Siilaanyo magacaabay,“Waxyaahaba ugu waaweyn eenu ka wada hadalay waxaa ka mid ahaa Doorashooyinka iyo wakhtiga ay dhacayaan iyo Dadka Cusub ee loo magacaabay Komishanka Doorashada oo ay aad ugu faraxsan yihiin inay dumarna ku jiraa.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo aanu ka wada hadlay Cilaaqaadka iyo Mashaariicda ay Midawga Yurub nala wadaan.Madaxweynaha iyo Safiirku waxay isla garteen in Doorashooyinku wakhtigoodii dhacayaan, Dadaal xoog lehna aanu samaynayno oo aanu ku dededaalayno in doorashadu wakhtigeedii dhacdo”
Danjiraha Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ayaa isna sheegay in kulanka Madaxweynaha uu la qaatay ay xoogga ku saareen sidii loo sii wadi lahaa hanaanka Dimuqraadiyadaynta iyo in wakhtigoodii ugu dhici lahaayeen. Waxa uu sheegay in Kulamo uu la yeeshay Xisbiyada qaranka, Warbaahinta iyo Bulshada rayidka ah islamarkaana ay ka go’an tahay in doorashada la qabto sanadka loo asteeyay ee 2015-ka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment