Wakiilka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia James P. McAnulty ayaa soo dhaweeyey la wareegista Magaaladaas istaraatiijia ah, waxana uu qabashadeeda ku tilmaamay guul Ciidanka Huwantu gaadheen.“Xoreyntii 3-dii bishan ee degmada Cadale iyo Baraawe oo ay ciidamada la wareegeen 6-dii bishan waa guulo lagu amaani karo dowladda Soomaaliya, waana soo dhoweyneynaa”ayuu yidhi Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Mareykanku uu sii wadayo taageerada uu siinayoyo dowladda Soomaaliya.
Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in culeysyada milateri ee Al-Shabaab ugaga furan aagag badan oo ku yaala Koofurta iyo Badhtamaha Soomaaliya uu tusaale u yahay in deegaano badan oo muhiim ahaa inay si fudud u lumiyeen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment