Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka Joe Bidden, ayaa isagu xaal iyo Boolajiis ka Bixiyey hadalladaas ku jirey Khudbadiisa ee ay dalalkaasi sida weyn uga cadhoodeen.Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka oo lagu yaqaan inay hadalada ka dhac dhacaan ayaa khudbad uu khamiistii lasoo dhaafay ka jeediyey Jaamacada Harvard ee Maraykanka ku sheegay in dalalka Carabta ay taageereen ururada Sunnida ah ee ka dagaalama Siiriya.
“…Dalalka Turkiga, Qatar iyo UAE waxay Malaayiin dollar iyo hub badan ku bixiyeen dagaalka ka socda Siiriya si xilka looga tuuro Xukuumada Bashaar Al Assad…” ayuu khudbadiisa ku yidhi Joe Biden.
Balse hadaladan ayey la yaab ku tilmaameen wadamadan arrintan oo keentay in Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka raali gelin u diro dalalka ka cadhooday hadaladiisa.
Joe Bidden ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan iyo Amiirka UAE Shiikh Maxamed Bin Saciid Al Nahyan oo uu ka raali geliyey sida khaldan ee loo fasirtay hadalkiisa.
Hadalada Biden ayaa u ekaa kuwo si sarbeeb ah u sheegaya in dalalka dhaqaalaha ku bixiyey dagaalka Siiriya ay si dadban u taageereen ururada ku sugan Siiriya oo ay ku jiraan Al Qacida iyo ISIS.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah xulafada Maraykanka gacanta ka siinaya la dagaalanka kooxda ISIS ee ku sugan Ciraaq iyo Siiriya, waxana la filayaa inuu Turkiga qudhiisu dhawaan kusoo biiro, waana Sababta keentay inay raalligelintan lasoo degdegaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment