Hargeysa, 14 Oct, 2014 (Himilo)- Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambarro), ayaa faahfaahin ka bixiyey waxa keenay caqabado iyo culays ay dadka u doonta ama dalbada Baasaaboorka cusub Laanta Socdaalka inay la kulmaan, waxaanu Taliyuhu qiray in muddadii lagu heli jiray Baasaabboorkii hore ee la beddelay mid ka badan lagu heli karo E-Passport-ka bishii hore qaadashadiisu bilaabantay.
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed-Cambaro waxa uu sheegay in wakhti kooban ay ku bixin jireen Baasaabboorkii hore ee la beddelay ee Somaliland, balse halka ay kaas qaadashadiisu maalmo kooban ka qaadanaysay kan cusub qofka dalbadaa ku qaadan karo ugu yaraan hal toddobaad illaa ku dhawaad laba toddobaad, sababo la xidhiidha hubinta xogta looga baahan yahay qofka oo laga bediyey intii hore, lagana adkeeyey oo shuruudo badani ku xidhan yihiin qofka qaadanaya ama la siinayo Baasaaboorka cusub ee Somaliland.Waxa uu Taliyaha Laanta Socdaalku Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf oo shalay Warbaahinta kula hadlay xarunta Laanta Socdaalka ee magaalada Hargeysa, sheegay in mararka qaarkood ay xogta qofka looga baahan yahay awgeed u gudbinayaan qofka soo dalbada Baasaabboorka Sirdoonka Qaranka, si ay baadhitaanno ugu soo sameeyeen qofkaasi saddexdii sano ee u dambeeyey halka uu ku noolaa, waxa uu qaban jiray iyo waxay shaqadiisu ahayd-ba.
“Haddaan warbixin kooban idinka siiyo Baasaabboorka E-Passport waxaannu la bilaabay bishii ina dhaaftay ee September 27-keedii, lana joojiyey Baasaabboorkii hore ee Somaliland ee la bixin jiray, Cusboonaysiintiisa iyo Bixintiisu-ba halkaasay ku ekaatay. Waxaanannu bilawnay inaannu bixinno Baasaabboorka cusub ee e-passport, kaasoo aad iyo aad uga adag Shuruudihii lagu bixin jiray kii hore ama wakhtiga lagu qaadan jiray uu ka dhib badan yahay,” ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland.
Taliyaha oo sharraxaya Shuruudaha looga baahan yahay qofka qaadanaya Baasaabboorka cusub ee Somaliland, waxa uu yidhi, “Baasaabboorka Somaliland ee cusub waxa lagu qaadanayaa Shuruudaha ah; 1) Inuu qofku yahay Muwaaddin reer Somaliland ah oo ah diiwaangelinta cusub ee hadda dalka ka hirgeshay inuu qofku soo qaato oo uu la yimaaddo Warqadihii lagaga buuxiyey diiwaangelinta. 2) inuu Ruuxu la yimaaddaa Warqadda Xeer-ilaalinta inaanu dembi Maxkamad uga socdaa qofka hadda aanu jirin iyo Warqadda Faraha ee CID-da, taasoo caddaynaysa inuu dembi la’aan yahay.”
Waxa uu Taliyaha Laanta Socdaalku intaas ku daray oo yidhi, “Si uu u noqdo qofka qaadanaya Baasaabboorka Somaliland qof Nadiif ah inuu yahay waa inuu keenaa Warqadda Taysarada Sawirkiisa saxda ah oo uu Caaqilkiisu u soo saxeexay. Dhammaan markuu intaas keeno waxa uu la imanayaa Xafiiska Laanta Socdaalka Somaliland, wuxu u dhiibi doonaa qof ka mid ah Shaqaalaha Xarunta, waxa loo gudbin doonaa Afar Xubnood oo Laanta Socdaalka ka tirsan oo hubinaya qofkaas Dhukumentiga uu sitaa waxay sheegayaan iyo waxa aftida ah ee afkiisa laga qaado, marka laga gudbiyo ayuu qofku u soo gudbayaa dadka laga diiwaangeliy inuu qofkaasi yahay Muwaaddin reer Somaliland ah ee xarunta Laanta Socdaalka dhexdeeda ah, taasoo xaqiijinaysa inuu lacagtii ajuurada Baasaabboorku leeyahay iska bixiyo, ka dib muddo toddoba cisho ah ayaa qofkaa lagu soo hubinayaa.”
Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf oo ka hadlaya sababta ay u adkeeyeen shuruudaha lagu qaadan karo Baasaabboorka, waxa uu yidhi, “Baasaaboorka Somaliland markii hore haddii lagu heli jiray si fudud, waxaannu go’aansannay in la adkeeyo si qiimihiisu u adkaado. Dawladaha aynu Jaarka nahay waxay ogsoon yihiin kolba habka sida Baasaaboorka loo bixiyo. Sidaa darteed, dadku waxay ka cabanayeen iyagoo muddadii hore si fudud u heli jiray Baasaabboorka Somaliland immika lagu celiyo toddoba cisho iyo 12 cisho qofkaa hubintiisa.”
“Weliba haddii ay nagu kellifto waxaannu u gudbin doonnaa Sirdoonka inay qofkaas noo soo baadhaan hawlihiisa uu ku jiray, goobtuu ka yimi iyo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey meeshuu ku cindanaa (ku noolaa). Arrimahaas ayaa keenay inay dadku isku soo noqnoqdaan, Xafiiskana inuu dadku ku badan yahay aad aragtaan ee wax kale oo xayiraad ah oo saaran Baasaaboorka Somaliland ma jiraan,” ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf.
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo la weydiiyey inay dadku ka cabanayaan oo kale qiimaha Lacagta ay bixinayaan oo dhan 150 Doollar halkii ay ka yaraan jirtay iyo waxay ugu qaaliyeeyeen, ayaa ku dooday in Baasaaboorkan cusub ee Somaliland uu yahay mid ka tayo badan kii hore, kana qaalisan oo sida Lacagta oo kale dibedda loogu soo daabaco, kana macluumaad badan kii hore ee ay bixintiisa joojiyeen, taasina ay tahay sababta qaaliga ka dhigtay E-Passport-ka cusub ee Somaliland. “Waxa kordhiyey tayada Baasaabboorka oo ka qiimo badan kii hore, waana wax sharci ah oo Baasaabboorka oo tayadiisa kor loo qaaday ayaa keentay, qiimuhuna waa intaas (150 Doollar),” ayuu yidhi Taliyuhu.
Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf oo la weydiiyey Maaddaama oo qofka muwaaddinka ahi dembi geli karo oo Maxkamad geli karo, kiiskiisuna dhammaaday miyaanu xaq u lahayn in Baasaabboorka dalkiisa la siiyo, waxa uu ku jawaabay, “Muwaaddinku xaq buu u leeyahay, laakiin waxa jira wakhti uu kaga baxayo, tusaale Baasaabboor baan ku siiyey saddex sano ka hor, waxaad gashay dunuub kale oo meelo kale ayaad taataabatay, qofka Baasaabboor buu sitaa odhan maayee waa inaan idhaahdaa soo qaado Dhukumenti cusub, Warqadda Faraha ee (CID-du) waxay shaqaysaa lix bilood, lix bilood kasta waa la cusboonaysiiyaa, taas intaas baan kaga baxayaa,” ayuu yidhi Gaashaanle Sare Maxamed-cambaro.
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland waxa la weydiiyey maaddaama oo uu sheegay inay adkeeyeen habkii qaadashada Baasaaboorka oo muddo laba toddobaad ku dhaw ay qofka dalbada ku qaadanayso, dadka xanuunsanaya ee Dhakhtar dibedeed oo deg-deg ah u baahan oo kale ee maanta in loo dalbo, isla maanta oo kalena lagu qaado Baasaaboorka, waxay ugu talo-galeen, waxaanu ku jawaabay, “Anigu ma ihi Dhakhtar, laakiin habka loo maraa waxa weeye Guddi Dhakhaatiir ah oo Qaranka ah baynu leenahay oo caddaysa qofka dhibaataysan. Sidaa darteed baanu ku tix-gelinaynaa, maaha Dhakhtar keliya ee Guddiga Dhakhaatiir ah oo caddaysa dadka dhibaataysan ee reer Somaliland, kuwaasina tixgelintooda ayay mudan yihiin,” ayuu yidhi Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment