Sunday, May 31, 2015

Dhegayso: Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Kormeeray Dekeda Berbera Oo Ay Ka Socoto Hawl Lagu Balaadhinayo

Berbera (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo socdaal hawleed ku jooga magaalada Berbera ayaa soo kormeeray dekeda magaalada Berbera isla markaana u kuurgalay xaalada dekeda iyo hawsha balaadhinta dekeda Berbera ee haatan ka socota.

[gallery columns="5" ids="20007,20006,20004,20003,20002"]

Madaxweyne Silaanyo ayaa soo kormeeray wajiga labaad ee balaadhinta dekeda Berbera oo haatan dhamaad ku dhaw lana filaayo inuu toddobaadka danbe dhamaado oo la furi doono haddii alle yidhaa, waxaana madaxweynaha halkaasi warbixin ka siiyey maareeyeyaha dekeda Berbera Engineer Cali Xoor-xoor oo madaxweynaha socod lug ah ku soo mariyey guud ahaan barxada weyn ee uu madaxweynuhu hore u dhagax dhigay, waxaanu xusay in dalalka jaarka ee ay Ethiopia ka mid tahay ay isticmaali doonaan dekedan inteeda badan taasina ay sababtay in aynu yeelano deked balaadhan oo dalalka kalena ay in nala isticmaali karaan, marka toddobaadka danbe la dhamaystiro, isaga oo madaxweynuhu isu qiyaasay inta lagu daray iyo intii hore uu xadhiga uga jaray una mahadnaqay Maareeyaha dekeda sida qiimaha iyo kartidu ku dheehan tahay ee uu isaga xil saaray kobcinta iyo tayeynta dekeda.
waxaanu madaxweynuhu ku soo laabtay Qasriga Madaxtooyada Berbera ka dib markii uu labadaasi hawlood ee muhiimka ah saaka kormeer ku tegay.
HALKAN KA DHHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2015/05/Codka-Kormeerka-Madaxweynaha-ee-Dekeda-Berbera_01.mp3"][/audio]

 

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Dhegayso: Madaxweynaha Somaliand Oo Booqday Dadka Ka Soo Cararay Colaadaha Ka Oogan Dalka Yemen Ee Ku Sugan Magaalada Berbera

Berbera (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo socdaal hawleed ku tagey magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa booqday dadka qaxoontiga ah ee ka soo cararay colaadaha ka oogan dalka Yemen.

[gallery columns="4" ids="19995,19992,19987,19985"]

Madaxweyne Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminayey oo u kuurgalay xaalada dadka qaxoontiga ah ee ka soo qaxay dalka yemen ee ku sugan magaalada Berbera ayaa si toos ah u tagey goobaha dadkaasi la dajiyey, waxaana la sheegay in Madaxweynahu uu goobahaasi ku sugnaa inuu dadka qaxoontiga soo dhex maray waxaanu kor u qaaday qaar ka mida carruurtii ku sugnayd kaamka qaxoontiga oo ah kaamka koowaad ee loogu talogalay dadkaasi isugu jira Barakacayaasha Soomaaliya u dhashay ee Somaliland ku qaabishay Berbera una sii dhaafin doonto dalkooda hooyo ee Soomaaliya, Somalilandna la jaarka ah iyo sidoo kale Qaxoonti isugu jira Ethiopian iyo Yemen oo iyagu ku sii sugnaan doona Xeryaha Somaliland ugu talogashay barakacayaasha.

Intaasi ka dibna Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta heer degmo,gobol iyo qaran, taasoo ku aadan xaalada iyo heerka waxqabad ee dadka qaxoontiga ah loo fidiyey.
HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2015/05/Codka-Kormeerka-Madaxweynaha-ee-Barakacayaasha-31.05.2015_01.mp3"][/audio]

 

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Xisbiyada Mucaaradka oo si Adag uga hadlay Mowqifka Golaha Guurtidu Iska taagay Heshiiskii Muddo-kordhinta, Tallaabada ay kaga jawaabayaan iyo Xisbiga Kulmiye oo Afka ka xidhay

“Haddii wixii lagu heshiiyey la diido in dib haloogu noqdo sharciga oo la yidhaahdo wixii muddo-kordhinta loo sameeyeyba meesha ma taallo oo maxkamad laysla tago,” – Cabdirashiid Xasan Mataan

“Waxaanu leenahay, Saleebaan ha u soo ban-baxo siyaasadda oo Golaha Guurtida haka soo dhex-baxo oo xisbiyada haku soo biiro,” Ibraahim Mahdi Buubaa

Hargeysa, 31 May, 2015 (Himilo)- Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, ayaa ganafka ku dhuftay isla markaana xaalad-abuur meel-ka-dhac ku ah sharciga dalka iyo heshiiska lagu xalliyey khilaafkii siyaasadeed ee jiray ku tilmaamay mowqifka Golaha Guurtida iyo Shir-gudoonkoodu ku difaaceen Muddo-kordhinta ay u sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.
Fadhi Golaha Guurtidu shalay ku yeeshay xaruntooda, ayaa guddoomiyaha Golahaasi Md Saleebaan Maxamuud Aadan ugu khudbadeyey mudaneyaasha inay difaacaan Go’aanka muddo-kordhinta ee goluhu gaadhay oo Md Saleebaan ku sheegay in uu sharci yahay, isagoo dhinaca kale sharci-darro ku tilmaamay heshiis ay wada-gaadheen Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumaddu todobaadkii hore.
Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa ganafka ku dhuftay isla markaana sharci-darro khilaaf hor leh ka abuuraysa dalka ku tilmaamay Dhawaqa ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, waxaanay ku hanjabeen inay qaadan doonaan mowqif liddi ku ah heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumaddu ka gaadheen khilaafkii siyaasadeed ee jiray.
xildhibaan-Buubaa2Afhayeenka Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiillada oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey mowqifka Xisbi ahaan uga yaala Golaha Guurtidu ku dedafeeyey heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumadda, ayaa Guddoomiyaha Guurtida ku eedeeyey inuu marin-habaabinayo oo uu arrimo siyaasadeed uga faa’idaysanayo xil-gudashadii loogu talo-galay Golaha Guurtida.
“Waxay noola muuqataa nin weyn oo hadal meel-ka-dhac ah ula badheedhay Somaliland oo dhan. Had iyo jeer Somaliland waxa lagu yaqaannay oo ay halkaa ku soo gaadhay in isu-tanaasul lagu dhammaysto mar kasta oo khilaaf yimaaddo. Golaha Guurtida waxa uu u samaysan yahay marka la eego dastuurka arrimaha nabadgelyada iyo dhaqanka.
Dhawaaqaas uu Saleebaan yidhi waxba kama jiraan wixii lagu heshiiyey wuxuu ka hor imanayaa dhammaan shuruucdii iyo Waajibaadkii Dastuurku siinayey golaha. Waayo, maanta lagama sugayn Golaha Guurtida iyo Guddoomiyahoodaba Somaliland oo guul ku tallaabsatay oo khilaaf siyaasi ah laga gudbaayo inay yidhaahdaan waxaasi waxba kama jiraan oo khilaafkii iyo buuqii ha sii taagnaado, waana wax laga xumaado, waxase yaala Golaha Guurtidu Saleebaan oo kaliya maaha Xubin buu ka yahay, laakiin u malayn maayo inay la qabaan aqlabiyadda Goluhu, waxaanu qabnaa in golaha Guurtidu wanaaggii lagu yaqaanay oo ay ka shaqaynayaan heshiiska iyo sidii ay u waafajin lahaayeen sharciyadda. Markaa waxaanu leenahay guddoomiye Saleebaan haka laabto Gefkaas uu ula badheedhay Somaliland oo dhan iyo inuu yidhaahdo ummad heshiisay waxba kama jiraan heshiiskoodu,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani.
Afhayeenka Xisbiga Waddani oo aanu weydiinnay waxa ay xisbi ahaan ka qabaan doodda Guddoomiyaha Guurtidu ku sheegay in go’aankoodu sharci ahaan ka sarreeyo heshiiska dhexmaray Xisbiyada iyo Xukuumadda, waxa uu ku jawaabay, “Marka horeba Goluhu xaq umuu lahayn inuu go’aankaas qaato, dastuurkana wuu cadyahay oo wuxuu dhigayaa madaxweynaha muddo-kordhintiisa waxa lagu samayn karaa Aafo Qaran iyo amni-darro dalka ka dhacda, mana jirto oo Illaahaybaa innaga badbaadiyey. Xisbi ahaan waxa nooga yaalla ma aqbalayno, sharciyadda way baalmarsan tahay, immikana sababtuu isugu dhajinayo (guddoomiye Saleebaan) waxaanu u aragnaa inuu leeyahay dalka khilaaf haka dhasho. Waxaanu leenahay, Saleebaan ha u soo ban-baxo siyaasadda oo Golaha Guurtida haka soo dhex-baxo oo xisbiyada haku soo biiro,” ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka hadlayey cidda looga fadhiyo ee masuuliyaddu ka saaran tahay fulinta heshiiskii Dhexmaray xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaraadka, waxa uu yidhi, “Xisbi ahaan waanu ka tashanaynaa waxaanu qaadayno, laakiin sharciyan immika xukuumadday u taallaa inay Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiso dacwad ka dhan go’aanka Guurtida. Guddiga Doorashooyinkana waxa looga fadhiyaa inay soo saaraan maalinta doorashadu dalka ka dhacayso bisha December badhtamaheeda maalin ka mida, kadibna uu digreeto ku saxeexo oo ku sharciyowdo, haddii taasi dhacdo shaqadii ay lahaayeen way gudanayaan xukuumadda iyo guddiga Doorashinku. Haddii taasi dhici weydo, waxa noqonaysaa in umadda reer Somaliland farta loogu fiiqo xukuumadda iyo ciddii kale ee shaqada gudan wayda.”
musharaxa-Cabdirashiid-Xasan-MataanDhinaca kale, Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan oo Isagoo jooga magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal Khadka telefoonka ugu warramay Wargeyska Himilo oo wax ka weydiiyey mowqifka Golaha Guurtidu iska taagay Heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuuumadda, waxa uu sheegay in arrintani sii hurinayso xaaladda siyaasadeed ee dalka, haddii Golaha Guurtidu tixgelin-weydo heshiiska la gaadhayna ay Xisbi ahaan ku adkaysan doonaan in dib loogu noqdo sharciga isla markaana dib loo eego sababaha kallifay muddo-kordhinta loo sameeyey Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.
“Heshiisbaa la galay, dalka sharcigiisuna waa weeyi wixii lagu heshiiyo ayuunbaa sharci ah. Immisa sharci oo jiray, ayaa ergo laga galay oo waliba Saleebaan laftigiisu ergo ka galay, dabadeedna wixii lagu heshiiyeybaa sharci noqday. Muddo-kordhinta waxa keenay waa wakhtiga ay doorasho ku qabsoomi karto ee lagaga bixi karo uunbaa dib u dhigtay, wakhtigiina Komishanka soo saaray, duruuf kale oo dib u dhigtay ma jirto.
“Sannadkii la kordhiyey wuxuu ku yimi xil-gudasho la’aan xukuumaddu leedahay, muddada dheeraadka ku ah inta komishanku yidhi waanu ku qaban karnaa waa toban bilood, markay taas ku dhageen xukuumadda iyo Guurtidu, si aanu dalka uga badbaadinno khilaaf waxaanu oggolaannay ilaa December, taasina xal bay noqotay ee maaha sharci,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Cabdirashiid Xasan Mataan oo aanu weydiinnay go’aanka Xisbi ahaan uga yaala haddii Golaha Guurtidu ku adkaysto muddo-kordhinta xukuumadda iyo Golaha Wakiillada ay sameeyeen, waxa uu sheegay in taasi meesha ka saarayso heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumaddu ku gaadheen in doorashooyinku qabsoomaan bisha December ee sannadka 2016-ka isla markaana ay ku adkaysan doonaan mowqifkoodii hore ee ahaa wakhtigii Guddiga doorashooyinku u muddeeyeen qabsoomidda doorashooyinka oo ahaa bisha June ee sannadka 2016-ka. “Waxa lagu noqon doonaa 1-da June. Waxaanay noqonaysaa haddii wixii lagu heshiiyey la diido in dib haloogu noqdo sharciga oo la yidhaahdo wixii muddo-kordhinta loo sameeyeyba meesha ma taallo oo maxkamad laysla tago,” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Jaamac ShabeelDhinaca kale, Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo aanu wax ka weydiinnay arrintan, ayaa gebi ahaan ka gaabsaday inuu ka hadlo. “Waxba kama odhanayo, xilligana diyaar uma ihi inaan ka hadlo,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac-Shabeel oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay.
Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda, ayaa heshiiska ay todobaadkii hore wada-gaadheen oo ka koobnaa, ayaa lagu gaadhay in doorashada madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada lagu qabto bisha December ee 2016-ka, halka muddo-kordhinta 22-ka bilood ah ee Golaha Guurtidu u samaysay Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Golaha Wakiilladu ku riixayso qabsoomidda doorashooyinka bisha badhtamaha sannadka 2017-ka, arrintaas oo sababtay in dhinacyada siyaasadda ee dalku heshiis loo midaysan ku muddeeyaan Xilliga Doorashada, in kasta oo qodobka heshiiska ka mid ah lagu xusay inay tixgelinayaan go’aanka Guurtidu gaadhay.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Dowladda Masar oo Shaacisay Heshiis ay Soomaaliya kula galayso Horumarinta dekedda Berbera iyo Ujeeddada ay ka leedahay

Qaahira, 31 May, 2015 (Himilo)- Saraakiil u qaabilsan Beeraha, iskaashiga iyo Ganacsiga Dowladda Masar ayaa shaaca ka qaaday inay iskaashi cusub kala yeelan doonaan xukuumadda Soomaaliya heshiis lagu horumarinayo dekedda Berbera, kaas oo lagu sheegay inuu marin u noqonayo dhoofka Xoolaha Soomaalida ee la geeyo dalka Masar.
Masar iyo Soomaaliya BerberaSida lagu baahiyey Wargeyska Egypt Independent oo aanu warkan ka soo xigannay, saraakiisha Masar ayaa sheegay inay horumarin ku samayn doonaan kaabayaasha dekeda Berbera, kana dhisi doonaan maxjaro iyo dukaamo lagu iibiyo hilibka oo ganacsato reer Masar maalgelin doonaan.
Hadalka xukuumada Masar ayaa ku soo beegmaya wakhti la filayo inuu booqasho ku tago dalka Masar Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Soomaaliya, kaas oo kulamo arrintan lagaga hadlayo la qaadan doona Wasiirka Beeraha Masar Saalax al Hilaal, Sida wargeysku qoray.
Gudoomiyaha ururka Afrika ee dhoofiya lo’da Hassan Hafez, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in labada wasiir kala saxeexan doonaan heshiisyo iskaashi dhinacyada ganacsiga cuntada, daawooyinka iyo adeega guryaha, halka dalka Masar uu ka soo dhoofsan doono lo’da iyo kalluunka Soomaaliya.
Sarkaalkan ayaa sheegay in Soomaaliya fursad u haysato dhoofinta lo’da nool maadaama ay ku nool yihiin tiro kor u dhaaftay 30 milyan oo neef lo’ ah.
Lama oga sababta dowladda Masar u danaynayso inay isticmaasho dekedda Berbera maadaama ay jiraan dekedo kale oo ku yaala dalka Soomaaliya, mana jiro qorshe hore loo shaaciyey oo dalkaasi ku danaynaynayo dekedda ama kala soo xidhiidhay xukuumadda Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

"Labada shacab waxay wadaagaan xidhiidh dhaqan, waxaanay ku xidhan tahay innaga (siyaasiyiinta) inaan…” Safiirka Somaliland ee Jabuuti

Jabuuti, 31 May, 2015 (Himilo)- Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosaha Jabuuti Cali Xasan Bahdoon ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya dalkiisa iyo Somaliland sidii hore ka xooggan yahay.
EDITION-104-Le-ministre-de-la-Communication-sÆentretient-avec-le-charg_-dÆAffaires-du-Somaliland-300x200Mr. Cali Xasan oo kulan kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Maxamed Cali Warsame, ayaa sheegay inay ka wada hadleen xidhiidhka ganacsi iyo iskaashiga ay labada waddan wadaagaan.
Kulanka dhexmaray wasiirka Jabuuti iyo safiirka Somaliland u qaabilsan ayaa la sheegay inay isku weydaarsadeen iskaashiga u dhexeeya iyo xidhiidhka qotada-dheer ee labada shacab, sida aanu ka soo xigannay Wargeyska Lanation ee dalka Jabuuti.
Wasiirka Boosaha Jabuuti Mr. Cali Xassan Bahdon oo ka hadlayey xidhiidhka labada waddan, waxa uu yidhi, ''Maanta sidii shalay, ayey dalkayaga iyo Somaliland yihiin, sababtoo ah xidhiidhka qotada-dheer ee u dhexeeya labada shacab ayaa ah mid ka adag sidii hore,” ayuu yidhi Wasiirka Boosaha Jabuuti.
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, ayaa isaguna yidhi, "Labada shacab waxay wadaagaan xidhiidh dhaqan, waxaanay ku xidhan tahay innaga (siyaasiyiinta) inaan xoojino iskaashigeena si uu u sii adkaado," ayuu sheegay Mr. Maxamed Cali Warsame, safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti Maxamed Cali Warsame oo dhowaan xilkaa loo magacaabay la yeesho masuuliyiinta Jabuuti.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Somaliland oo Shaacisay inay ka noqotay go’aan ay ka qaadatay Qaxoontiga Yemen ka soo qaxaya iyo Sababaha keenay

Hargeysa, 31 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay dib u fasaxday inay Dekedda Berbera ka soo degi karaan dadka Qaxoontiga ah ee u dhashay dalka Soomaaliya, isla markaana ka soo qaxaya dagaallada ka socda waddanka Yemen.
xukuumadaXukuumadda Somaliland, ayaa toddobaadkii hore shaacisay inay joojisay qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah ee ka soo qaxaya dagaallada Yemen ee ay ku qaabbili jirtay Dekedda caalamiga ah ee magaalada Berbera, ka dib markii ay ku doodday inay Hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha bina-aadaminnimada iyo Qaxoontiga ku shaqada leh ee dalka joogaa kaga baxeen inay wax u qabtaan qaxoontigaas, Somaliland ahaanna aanay u haynin awood dhaqaale oo ay baahida dadkaas ku daboosho, sidoo kalena ay cabsi dhinaca ammaanka ah ka qabto in lagu soo dhex-dhuunto qaxoontigaas.
Hase-yeeshee, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada arrimaha gudaha, Dib-u-dejinta, Wasiir Ku-xigeennada arrimaha Bulshada iyo Shaqada iyo Caafimaadka oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Xukuumaddu ka noqotay go’aankii ay hore ugu joojisay qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah ee Yemen ka soo qaxaya, ka dib markii ay Hay’adaha qaarkood isla qaateen qorshe lagu gargaarayo qaxoontigaas.
“Waxaannu idiin sheegaynaa inaannu wada kulannay oo ka wadahadalnay Hay’adaha caalamiga ah ama UN-ka, sidii loo maarayn lahaa dadkaa Masaakiinta ah ee ka imanaya Yemen wax loogu qaban lahaa, sidii dalkooda loo gaadhsiin lahaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ugu horreyn Shirkaas Jaraa’id ee ay shalay Wasiirradu wada qabteen ka hadlay.
Waxa uu Wasiir Waran-cadde oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray; “Sidaa awgeed, waxaannu isla garannay in wixii kharashaad ah ee gaadhsiinaya dalkoodii inay Hay’adaha UNHCR iyo kuwa Bina-aadaminnimada khuseeya ay bixiyaan, weliba dadka reer Somaliland-na waxay gacan ka geysan karaan ay ka geystaan. Sidaa awgeed ayay dawladdu go’aan ku gaadhay in dadkii aannu u fududayno, maaddaama oo waxyaabihii aannu markii hore ku hakinnay badankoodii la xalliyey.”
Mar uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ka hadlayey in si fool-xun looga arkay tallaabada ay ku diideen Qaxoontiga Markabka inay ka soo degaan loo diiday ee Jimcihii soo gaadhay Dekedda Berbera, waxa uu yidhi; “Taa waxaannu leenahay way siyaasadeeyeen, waxaannu leenahay caalamkuna wuu ogyahay inaannu nahay laba dal oo kala gaar ah, inaan Maamulka Soomaaliya xukumin Berbera iyo Somaliland, hase-yeeshee, markii aannu u helnay duruufihii ay ku noolaan lahaayeen ama ay ku gudbi lahaayeen annagaa aqbalnay qaxoontiga.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Haddaanay wax dhibaato ah oo ammaanka wax yeelaya ama duruufo loo malaynayo inaanay sidan ku shaqayn karayn aanay soo kordhin xukuumadda Somaliland way fasaxday.”
Wasiirka dibu-dejinta Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay qaadatay go’aan markii ay eegtay duruufo badan oo dhinacyo badan ay ka eegtay in qaxoontigii Soomaaliya u dhashay ee kasoo cararayay dalka Yemen ay shalay laga bilaabo iman karaan Somaliland. waxaanu xusay in Hay’addaha Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga ee UNHCR IYO IOM ay qoraallo rasmi ah kusoo gaadhsiiyeen Somaliland inay dadkaas gaadhsiinayaan deegaankoodii marka ay yimaaddaan Somaliland.
Cali Siciid Raygal, waxa uu ku dooday inay Xukuumaddu joojinta qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah u joojisay laba qodob awgood, kuwaasoo uu ku kala sheegay inay hubinaysay dhinaca ammaanka iyo culays dhinaca dhaqaalaha ah oo Xukuumadda soo food-saaray, ka dib markii ay Hay’adaha caalamiga ah, kuwa Qaramada Midoobay ee arrimaha Qaxoontiga qaabbilsan iyo kuwa kale ee Samo-falkuba ka gaabiyeen inay ka taageeraan Somaliland wax u qabashada Qaxoontiga Soomaalida ah ee ka soo qaxaya waddanka Yemen ee ay dagaalladu aafeeyeen dhawrkii bilood ee u dambeeyey, balse markii xal loo helay labadaas qodob ay go’aansatay in dib loo fasaxo qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah ee ka soo cararaya dagaallada Yemen.
Xukuumadda Somaliland, ayaa 24-kii bishan May joojisay qaabbilaadda Qaxoontiga Soomaalida ah ee ka soo qaxaya Yemen ee ka soo degaya Dekedda magaalada Berbera, ka dib markii ay ku sababeysay go’aankaas inay jiraan arrimo ammaan-darro iyo cabsi laga qabo inay kusoo dhex dhuuntaan dad argagixiso ahi iyo weliba kooxda dagaalka kula jirta dawladda Yemen ee Xuutiyiinta.
Sidoo kale, waxay Somaliland ku doodday inaanay awood dhaqaale u haynin Qaxoontigaas, maaddaama oo ay Hay’adaha caalamiga ahi kaga baxeen ka qayb-qaadashada qaabbilaadda Qaxoontiga iyo sidoo kale wax la qabashada ama wax tarka dadkaas, base waxay hadda ku doodday inay dib u fasaxday markii xal loo helay labadaas qodob ee marka hore-ba culayska ku keenay.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Tirada Ardayda u Fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe/Sare oo bilaabmaya Toddobaadka Dambe iyo Dar-daaranka Wasiir Geedoole

Hargeysa, 31 May, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Somaliland, ayaa shaacisay wakhtiga rasmiga ah ee Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasallada 8-aad ee Dugsiyada H/Dhexe iyo 4-aad ee Dugsiyada Sare oo sannadkan ay u fadhiisanayaan arday tiradoodu kor u dhaafayso 23,000 oo arday.
waxbashadaWasiirka Wasaaradda Waxbarashada Prof Faarax Cilmi Geedoole oo uu weheliyo Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax (Gadhweyne), ayaa shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Xarunta wasaaradda ku shaaciyey in imtixaannaadka shahaadiga ah ka bilaabmayaan gobollada dalka Lixda Bisha todobaad ee maalinta Berri ah bilaabmaysa.
Wasiir Geedoole oo sharraxayay tirada Ardayda dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare ee Imtixaanka u fadhiisanaya, ayaa yidhi, “Waxaan ku dhawaaqayaa in Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8-aad iyo 4-aad uu waddankoo dhan ka bilaami doono 7-da bisha 6-aad oo ah maalin Axad ah bisha Toddobaad Lixdeeda 2015. Fasalka 8-aad waxaa u fadhiisanaya Afar iyo toban kun oo Arday14,000), fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare-na waxa u fadhiisanaya Sagaal kun iyo saddex boqol oo arday (9,300).”
Prof Faarax Cilmi Geedoole waxa uu farriin dar-daaran iyo Duco ah u jeediyey Ardayda, Macalimiinta iyo hawl-wadeennada imtixaanka ka qayb-qaadanaya, waxaanu yidhi, “Ardayda Imtixaanka u fadhiisanaysa waxaan Illaahay uga rajaynayaa inay imitixaankaas ku guulaysan doonaan, inay dedaalaan, inay iska ilaaliyaan qishka. Waxaan macalimiinta, askarta iyo cid kasta oo imtixaankaas ilaalintiisa ku shaqo leh ku boorinayaa inay dadaal weyn muujiyaan, in nabadgelyada la dhawro oo aanu u soo jeedno imtixaanka.”
Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ka hadlay baaxadda ay le’eg tahay howsha imtixaanka Shahaadiga, “Maadaama aanu Imtixaanku siyaasad shaqo ku lahayn dadku aad ulama socdaan laakiin, waa hawl adag,waayo dalka oo dhan saacad bay ka wada bilaamaysaa, saacad bay ka soo wada xaroonaysaa, saacad baa la rabaa in xiisadda la wada galo oo laga wada baxo, ilaa haddana si qabow oo aan rabshad lahayn ayay hawshu noogu socotaa,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

“Sagaal jeer baa la kordhiyey, wali Lama arkin madaxweyne dib-u-soo celiya, kan immikana…”

Hargeysa, 31 May, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa difaacay muddo-kordhinta Golahoodu u sameeyey Xukuumadda, waxaanu ku gooddiyey inay Gole ahaan Maxkamadda Sare u gudbinayaan qoraal ay ku difaacayaan sharcinimada go’aankooda.
xildhibaan shaahdXildhibaan Shaadh oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday inaanay gole ahaan aqbali doonin faro-gelin goleyaasha dowladda iyo Xisbiyada Qaranku ku sameeyeen Go’aanka muddo-kordhinta 22-ka bilood ah ee qalinka ugu duugeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, kaas oo uu ku tilmaamay go’aan Sharci oo aan marnaba laga noqon karin.
“Qodobbaa annaga na siinaya waxa aanu kordhinnay, dibna loogama noqon karo. Madaxweyne ha ka qayb-galo ama madaxweyne ku-xigeen, ama wasiir ama xisbiyadu haka qayb-galeene, waxaanu maxkamad baanu isla tagaynaa, qoraalna waanu samaynaynaa,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Shaadh.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Awooddii Guurtida ayay ka baxeen, markaa maxkamadda ayaanu ku wada-hadli doonnaa.”
Xildhibaanku waxa uu ku dooday in hore dalka looga sameeyey muddo-kordhin, isla markaana aanu madaxweyne dib u soo celin muddo-kordhin xukuumaddiisa loo sameeyey, “Dadka shacabka ahna waxaan leeyahay, waxba ha u dhag-taaaginee, arrintaa waxba kama jiraan, waa go’aan Guurti, sagaal jeer baa la kordhiyey, meel walba waa laga kordhiyey. Wali lama arkin madaxweyne dib-u-soo celiya, kan immikana waan la yaabsanay, waa dowlad la’aan,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Shaadh oo hadalkiisu u muuqday canaan uu madaxweyne Siilaanyo ugu jeedinayey inuu golahooda dib ugu soo celiyo go’aanka muddo-kordhinta ee ay gaadheen.
Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadda oo muddooyinkii u dambeeyey u fadhiyey wada-hadallo xal loogu raadinayey khilaaf ka dhashay muddo-kordhinta guurtida oo Xisbiyada mucaaradku ka biyo-diideen, ayaa dhowaan heshiis Afar-qodob ka kooban ku soo af-jaray khilaafkii jiray, in kasta oo qodobbada heshiiska lagu xusay in go’aanka Golaha Guurtidu yahay mid sharci ah oo ay ku ixtiraamayaan, balse ay ka codsanayaan in Goluhu dib u eego go’aankiisa.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

“..Kollayna birta la innaga dhigi maayo, in la idin kala xadayo ayaan ogahay, in hoos la innoogu soo noqnoqanayo ayaan ogahay, Golaha waxaan xasuusinayaa inuu mid yahay…”

Hargeysa, 31 May, 20150 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Golahaas u soo jeediyey inay dhinac uga soo wada jeestaan, isla markaana wada-jir iyo gooni-gooni-ba u difaacaan go’aanka ay muddo-kordhinta sannadka iyo tobanka bilood ah ugu sameeyeen Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada horraantii bishan dhammaadka ah ee May 2015-ka.
daawo-golaha-guurtida-oo-meel-adGuddoomiye Saleebaan oo guddoominayey fadhi uu Shalay Golaha Guurtidu ku yeeshay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, waxa uu ka jeediyey hadal uu Xildhibaannada Guurtida ugu sheegay in uu sharci yahay go’aanka ay Guurti ahaan muddo-kordhinta ugu sameeyeen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, isla markaana aanu sharci ahayn heshiiska ay wada-gaadheen Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumaddu habeenkii Khamiistu soo galaysay. Sidaa awgeedna waxa uu u soo jeediyey inay difaacaan go’aankooda maaddaama oo uu yahay go’aan sharci oo Golohooda oo keliyi awood u leeyahay inuu muddo kordhiyo.
Heshiiska ay Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah iyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE oo isku dhinac ahi wada gaadheen habeenkii Khamiistu soo galaysay ee toddobaadkii hore, ayaa qodobbadiisa waxa ka mid ahaa qodob dhigaya in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada la qabto badhtamaha bisha December sannadka soo socda ee 2016-ka iyo sidoo kale qodob dhigaya in la ixtiraamo go’aanka Golaha Guurtida ee muddo-kordhinta, haddana farsamo ahaan doorashada xilligaa la qabto.
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Guurtida, ayaa Khamiistii sharci-darro ku tilmaamay heshiiskaas ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu wada gaadheen oo uu sheegay inuu garab marsan yahay go’aanka Sharci ee ay Gole ahaan gaadheen, isla markaana uu yahay heshiiskaasi mid aan waxba ka jirin oo aan saamayn ku yeelan doonin go’aankooda sharciga ah ee dhigaya in dabayaaqada bisha April ee sannadka 2017-ka la qabto doorashooyinka isa saarka ah ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, maaddaama oo lagu guul-darraystay sida uu hadalka u dhigay Guddoomiye Saleebaan inay Guddiga doorashooyinku qabtaan xilligooda oo ahaa 26 June 2015-ka oo ay ku dhammaanayso muddada-xilhaynta Madaxtooyada iyo Wakiilladu.
“Go’aankii Guurtidu wuu dhacay, Shuruucda Qaranka ayaannu ka mid yahay, waxaanan Warbaahinta ka maqlaa Saxeexii Madaxweynaha ayaa u hadhay, waar saxeex Madaxweyne uma hadhin. Madaxweynuhuna ma saxeexo go’aan Gole Guurti oo saameeya arrintaas, mashruuc sharci oo saddexda Gole soo maray ayuu saxeexaa Madaxweynuhu, tanna waxa weeye go’aan Guurti oo dastuurku siinayo, intaasi waxay ahayd intii aanay Guurtidu go’aan ka gaadhin oo saddexdiinnaba (Xisbiyada) waynu is aragnay waanad is khilaafteen.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida oo fadhigaa shalay kula hadlay Xildhibaannada Golahaas.
Waxa uu Guddoomiyaha Guurtidu ku dooday in go’aanka Gole ahaan ay muddo-kordhinta ku sameeyeen ahaa mid sababaysan, waxaanu yidhi; “Go’aanka Guurtiduna markaas wuu sababaysnaa, gobollada aan doorashada laga geli karo ee Bariga waannu sababaynay, ma ka hadhnaa, Waqooyiguna waa la mid, Madaxweynaha dib u soo noqoshadiisa sharci ayaa u yaal. Laakiin, Golaha Wakiillada sharci u yaallaa ma jiro, gobolladaasna wali lagama hawlgelin oo lama odhan nagala qaybgala, danteenna iyo doorashooyinkeenna waana qabyo.”
“Go’aanka Golaha Guurtida waynu faafinnay waxaanu ka mid yahay shuruucda dalka, maantana waxaannu idiin sheegaynaa in arrintaas iyaguna go’aankooda iska gaadheen innaguna jawaabtii aynu siinnay ay tahay go’aankii Guurtida ayaa sharci ah, halkaas ayey innoo joogtaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiye Saleebaan-Gaal oo sii watay hadalkiisa waxa uu u sheegay Xildhibaannada inay jiraan dhaqdhaqaaqyo ku lid ah isku duubnida Mudanayaasha Golaha, loona baahan yahay inay isku duubnaadaan, waxaanu yidhi; “Kollayna birta la innaga dhigi maayo, in la idin kala xadayo ayaan ogahay, in hoos la innoogu soo noqnoqanayo ayaan ogahay, Golaha waxaan xasuusinayaa inuu mid yahay, waxaanu nin waliba rayigiisa u madax-bannaan yahay inta doodda lagu jiro, mar haddii go’aan la qaato kii diiday iyo kii oggolaaday iyo kii ka aammusay intuba waa inay difaacaan, sidaas ayeynu Gole ku nahay.”
“Waxaan maqlayaa Xildhibaanno Warbaahinta iyo Suuqa ka sheegaya waa lagu deg-degay go’aankaas, wixii sharciyad taalla ayaa kuwaasna laga yeelayaa, go’aankii Golahuna waa kaas wixii khilaaf ah ee Rag la yimaaddana shruuuc iyo dhaqan ayaa Golaha uga yaalla.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Berbera: Madaxweynaha oo Xadhigga ka jaraya Mashaariic noocooda aan hore dalka looga hirgelin

Hargeysa, 31 May, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Xadhigga ka jaraya mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey Haamaha Keydka Shidaalka iyo Dekedda Berbera.
DSC_0121Mashaariicda uu madaxweynuhu Xadhigga ka jarayo waxa ugu weyn Laab Casri ah oo loo sameeyey Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, kaas oo loogu talo-galay hubinta tayada Shidaalka ay dalka keenaan ganacsatada kala duwan ee waddamada dibadda ka soo keena Shidaalka dalka laga isticmaalo intiisa badan oo lagu shubo Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera. Waxa kale oo uu madaxweynuhu furi doonaa dib-u-dhis iyo ballaadhin lagu sameeyey qaybo ka mid ah Dekedda Berbera.
Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland oo shalay gelinkii dambe ka amba-baxay magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo la filyo inuu socdaalkiisa ku qaato muddo dhowr maalmood ah, isla markaana uu xadhigga ka jari doono kuwo kalena ku dhagax-dhigi doono mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey iyo kuwa hor leh oo laga hirgelinayo laamaha hay’adaha dowladda ee magaalada Berbera.
Madaxweynaha oo ay weheliyaan Marwada koowaad, Xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada, waxa duleedka magaalada Berbera kaga hor-tagay maamulka gobolka, degmada Berbera iyo dadweyne tiro-badan, waxaanay madaxweynaha u galbiyeen gudaha magaalada, halkaas oo madaxweynaha iyo weftigiisu ku dageen Aqalka Martida ee Caasimadda gobolka Saaxil.
Ka sokow Mashaariicda la filayo inuu madaxweynuhu Xadhigga ka jaro, waxa kale oo Md Silanyo kormeer iyo booqasho ku mari doonaa goobo magaalada Berbera laga dejiyey Qaxoontiga ka soo cararay dagaalada ka socda waddanka Yemen.
Socdalka Md Siilaanyo shalay ku tagay magaalada Berbera, ayaa noqonayaa kii saddexaad ee uu isla sannadkan gudihiisa ku tago, isla markaana uu xadhigga kaga jaro mashaariic door ah oo dowladda Hoose iyo Dekedda Berbera hirgeliyeen halka uu sidoo kale u dhagax-dhigay mashaariic kale oo cusub.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Mareykanka oo shaaciyey in si khaldan loo dhoofiyay Walaxda Dhalisa Cudurka Kudka ee Anthrax

Washington, 31 May, 2015 (Himilo)- Waaxda Gaashaandhigga dawladda Mareykanka, ayaa amar ku bixisay in baadhitaan lagu sameeyo sida ay ku dhacday in Walxo tijaabo ah oo la doonayay in laga baadho cudurka dilaaga ah ee Kudka, ka dib markii la ogaaday in walxo halis ah oo sababi kara cudurkaasi si khalad ah loogu diray Shaybaadhada Cilmi-baadhista ee ku yaalla gudaha iyo dibedda Mareykanka.
maraykankaWar ka soo baxay Pentagon-ka, ayaa lagu sheegay in 11 gobol oo Mareykan ah iyo labo dal oo dibedda ah oo kala ah Kuuriyada Koonfureed iyo Australia la rumeysan yahay in loo diray Walxahaasi. Waaxda Gaashaandhigga Mareykanku waxa ay sheegaysaa in ay heshay illaa iyo shan Shixnadood oo ah Walxaha loogu talagalay tijaabada cudurkani ah, kuwaasoo mid ka mid ah la geeyay dalka Australia.
Dhacdadan cusub ee haatan soo baxday, ayaa waxa ay muujinaysaa in khaladaad badan oo dhanka nidaamka ahi ay ka dhaceen xarunta Cilmi-baadhista Ciidammada ee gobolka Utah, taasoo ahayd in marka hore la xaqiijiyo in Walxahaasi aanay ahayn kuwo dadka qaadsiin kara cudurka Kudka ka hor inta aan la geyn Sheybaadhada.
Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka Warka ka soo baxay, waxa uu intaasi ku daray in aanay jirin halis gaar ah oo ku waajahan dadweynaha. Sidoo kalena ay jirto hasli aad u yar oo ku waajahan Shaqaalaha Sheybaadhadaas, balse waxaa la amray dib u eegis baaxad leh oo dhanka nidaamka ah lagu sameeyo Sheybaadhada Millateriga ee lala xidhiidhinayo arrintan si loo yareeyo halista cudurkaas. Sidoo kale Waaxdani waxay ku talisay in la hakiyo tijaabada ka socota Sheybaadhada la geeyay Walxahani illaa iyo amar dambe ay ka soo saarayso.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Yurub maxaa laga keenay!

Dadka Soomaalida ah siiba dhalinyartu waxay ka siman yihiin jibadda iyo kalgacaylka ay u qabaan inay gaadhaan qaarada Yurub oo wax badan lagu tuhmayo inay yaalaan, dhamaan dhalintu rag iyo dumar waxay ka siman yihiin dareenka Yurub jacaylka ah, qofka Yurub jooga ama ka yimid bulshada inteeda kale wuu ka duwan yahay kuwa iska qolqol jooga ah ee aan waddanka dibadiisa wali u bixin, qofka Yurub ka yimid waxa laga qadariyaa in ka badan dadyawga kale ee meelaha kale ka yimid, sheeko laga sheekeeyo iyo Deegaan, magaalo iyo waddan laga sheekeeyo oo lasoo hadal qaado waxa loogu jecelahay mid Yurub ah, qof la sheegto oo ehelada iyo asxaabta ka mida waxa ugu qaalisan ka Yurub jooga, wax la arko oo la maqlo waxa ugu qaalisan aragtida bulshada ahaan wax si uun yurub xidhiidh ulala leh oo waddamada qaarada Yurub ku saabsan, xiisaha iyo jacaylka Yurub Soomaalida uun kuma koobna ee waxay kala siman yihiin inta ugu badan bulshooyinka kale ee dunida ku nool oo iyaguna si lamida Soomaalida u jecel inay Yurub dagaan mar uun inta nafi ku jirto oo hamiga ugu wayn ay ugu jirto, Soomaalidu-se siiba dhalintu waxa la odhan karaa waa kuwa ugu xiisaha badan inay aadaan Yurub, hami uga wayn Soomaalida inay Yurub mar uun gaadhan ma jiro, haddii ay jiri lahayd Aalad ama halbeeg lagu cabiro dadka oo lagu tiro koobi lahaa Laguna ogaan karo inta ay leeg yihiin dadka yurub u jibaysani qiyaas ahaan waxay noqon lahaayeen tiro buuran oo buuro ah oo boqolkiiba boqol ah inta jacaylka yurub hayo, jacaylka Yurub ee wadarta ah ee hadhka beelay waxa uu gaadhay in maahmaahyo loo sameeyo marka uu soo dhaco warka yurub ku saabsan, marka qofku maqlo qof kale oo asxaabta ama ehelada ah oo Yurub u baxaya inuu yidhaa" yurub waa la wada tagayaa ee waa lagu kala horraynayaa uun sida Aakhiraba loo wada tagayo ee loogu kala horraynayo " in Yurub la tago niyada uun laguma hayo oo laabtuun lagama jecla ee waxa loo huraa maal badan sidii loo gaadhi lahaa, waxaana loo biimeeyaa nafta qaaliga ee inagu jirta iyadoo dhib iyo rafaad kasta oo yurub lagu gaadhayo nafta loo babac dhigo, immisa asxaabta ah ama ehelada ah ayaa iyagoo ku jira baadi-goobka jidka lagu gaadhayo yurub oo tahriibaya ku dhintay, immisaa u baqoolka Yurub ku laxaad waayay, immisaa dad qaali inagu ah oo aan qudh iyo maan u garanayno lagu waayay iyagoo ay inoogu war danbaysay iyagoo Yurub usii socdaan, immisaa badwaynta ku leeday oo bahaladu calfadeen, immisaa xubnaha jidhkooda ugu qaalisan inta furfur ahaan loo isticmaalay maydkooda xayawaanka bahalo cuneenka ah loo dhigay, badanaa oo immisa iyo immisa wax laga naxo uun ah oo laga maqlay dad aan la iloobi karin oo Yurub u socday iyagoo rajo wanaagsan halkaa ka qabay? Intaaba waxa dheer inta Naf la carar iyo cago jiid dhib usoo dhamaaday aakhirkii galay Yurub oo ku jira xeryaha qaxoontiga ee waddamo Yurub ah oo dhibkii ay Yurub usoo mareen aan wali ka nasan, waxa tiro beelay dhalinta, haween iyo ragba leh ee rafaad ku gaadhay Yurub ee ilaa hadda aan soo taaban ee aan la kulmin himiladii fiicnayd ee yiddidiilada lahayd ee ay usoo boqooleen, immisaa yaab haystaa oo u qaadan waana ay ku noqotay waxay kala kulmeen ee ay ugu yimaadeen halkii ay halaaga usoo mareen, fikirka iyo rajada dhalinta rafaadka iyo silica ku galay Yurub ay qabeen waxay ahayd in mid kastaaba markuu Yurub gaadho uu helayo shaqo fiican, sharci Yurub ah, nolol sare oo raaxo iyo tamashlana uu gali doono haddii uu Yurub gaadho, marnaba naftii Yurub usoo socdaashay niyada ma gashan Yurub ayaa xero qaxoonti lagugu xarayn oo kaniisadaha lagaaga soo dawari wax yar oo kooban oo noloshaada lagu samata bixiyo, waxa aan marnaba is qabanayn oon isku dhigmayn dhibka ay dhalinta Soomaalida ahi u maraan in ay Yurub gaadhaan iyo xaaladda dhabta ah ee ay meesha ugu tageen ee ay la kulmeen,waxa aan ilaa hadda la hayn wiil ama gabadh u baqooshay oo tahriib dhib badan Yurub ku gashay oo guul lagu hirto laguna daydo kasoo hooyay dhibkii ay mareen marka laga yimaado sawiro ay kusoo galaan dhismayaal dhaadheer oo qurux badan hoostooda iyo meelo cagaaran oo qurux badan oo ay soo istaagaan, Ugu danbayn su'aashu waxay tahay ma intaasbaa nafta loo halaagay in sawiro qurux badan lasoo galo? meeyay humaagii quruxda badnaa ee Yurub kasoo widh-widhayay? Yurub maxay soo sidday ee ay soo kordhisay? Maxaase laga keenay!!??
W/Q Cabdiraxmaan Maxamed Sh Yoonis
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Himilada Guurka Iyo Doorashada Lamaanaha Wanaagsan-W/Q Xamse Baashe Muxumed (Shaadhey)

Guurka iyo guursigu waa dhaqan wanaagsan oo Nabiyada iyo Anbiyadii wanaagsanaa laga soo gaadhay sida uu illaahay qur’aanka ku sheegay “ Rasuul baan dirnay Nabi Maxamedow Rusushaasna waxaan u yeelnay carruur iyo Dumar”
Guurku waa Sunnihii wanaagsanaa ee Rasuulka, Culimaduna waxay guurka ku tilmaantey inuu yahay waajib, iyaga oo adeegsanaya “Amar hadduu yimaado waajib buu noqonayaa” Fuqahaduna waxay ku tilmaameen guurku inuu maro shan qaybood oo kala duwan.

Qoraalkan kooban waxaan ku soo bandhig doonaa inaan kaga jawaabno su’aalahan
1. Faa’iidooyinka Guurka.
2. Maxaa Sababay In guurku Ku adkaado dhalinyarta Hadda joogta.
3. Sidee looga bixi karaa Xaaladaas adag.
4. Sidee Wiilku/Ninku u dooran karaa gabadh wanaagsan.
5. Sidee Gabadhu u dooran kartaa Nin wanaagsan.
6. Guurka kadib Maxaa laga filayaa Qoyska Cusub.

Faa’iidooyinka Guurka :
1. Bini’aadamka jiritaankiisa iyo tarankiisa waxay ku xidhantahay guurka, haddii guur la waayo jiritaankii dadku way dabar goysaa, Ujeedada ugu weyn ee loo guursadaa waa in illaahay ku siiyo carruur iyo awlaad wanaagsan oo kusoo ducaysa, Siduu nabigu inoo sheegay Csw “Guursada dumarka ragooda is jecelaysiinta badan, dhalmadana baddan, si aan ugu faano Aakhiro ummaddayda” Sidaa darteed Asalku waa In la tarmo oo Carruur wanaagsan oo aakhiro iyo adduunyada ku anfacda la dhalo.
2. Wiilka/gabadha labaduba marka ay gaadhaan da’da qaangaadhnimada waxay yeeshaan dareeno kala duwan oo ku salaysan sidii ay u heli lahaayeen qof kale oo nolosha la qaybsada, taasina waata Nabigeenii suubanaa Ee Maxamed Csw uu inoo sheegay “Dhalinyarooy kiina awooda guurka, ha guursado, guurku indhaha wuu laabaa macnihii hoos buu udhigaa, xubinta tarankana wuu ilaaliyaa, Kii aan awood u lahayn Ha soomo” Macnaha xadiiska ayaa inoo sheegaya in dareenkan qofka ku abuuran xilliga qaangaadhnimada in uu ku keenayo in uu raadiyo lamaane nolosha la waddaaga, qofka sooma macnaha xadiiska waxa uu hoos u dhigayaa awoodii qofku raadinaayey, sidii uu ugudan lahaa baahidiisa.
3. Guurku waa raaxo macno ahaan waa nasasho qofku Lab/Dhadig uu dareemayo, waayo wiilku waxa uu ku soo jiray inta aanu guursan xaalada dayacnaan ah, isla markaana hawlo badan oo gabadha uu guursadaa la qaybsan lahayd ayaa keligii fuulaya, Halka gabadhu/dhedigu u baahantahay cid masuuliyadeeda qaada, marka ay gaadho heerkan. Macalinkeenii Nabi maxamed Csw ayaa inoo sheega in qofka guurdoonka ah “Miskiin Miskiin Miskiin waa ninka aan haysan lamaane., sidoo kale miskiinad Miskiinad Miskiinad waa gabadha aan haysan lamaane”.
Inkasta Oo faa’iidada guurka aan qoraal iyo hadal lugu soo koobi Karin sidoo kale ay buuxaan Aayaddo qur’aan ah iyo Axaadiis kuwaas oo si balaadhan looga fahmaayo macnaha iyo faa’iidada uu guurku leeyahay, ayaa dadku ay aaminsanyihiin in wakhtigan hada lugu jiro uu guurkii maraayo xaalad adag, taas oo labadii qof ee is rabay, aanay awood u lahayn in ay u soo bandhigaan waalidkood, Yaanan isku darin waalidka oo dhan laakiin waxa jira sida daraasad aan sameeyey aan ku ogaaday inbadan oo kamid ah waalidku mas’uul ka yahay guurkan sii adkaanaya ee bulshada haysata.
Qaybaha dambe ee Qoraalkan waxaan si faahfaahsan ugu soo bandhig doonaa jawaabaha su’aalahaas aniga oo baadhis u galay helida jawaabaha ku haboon, isla markaan culimada iyo xaga diinta ayaan ka eegi doonaa jawaabaha su’aalahan.
Akhriste adiguna fikirkaaga waad iisoo gudbin kartaa si aan u bilawno dood cilmiyeysan oo aanu ku baadhno dhibta dhalinyarta maanta haysta, isla markaana aanu u gaadhno xal waara oo waxtar u ah dhalinyarta inaga dambeysa iyo mustaqbalka fog.

Tixraac: Maxaadaro Guurka (Sheekh Maxamed Cabdi Umal)
Tixraac: Maxaadara Guurka(Sheekh Maxamed Cumar Dirir)
Lasoco Qaybta Labaad.
Mr-Hamse Bashe Muhumed-Shaadhey
E-mail: Xamse18@gmail.com
0252-63-403 8503
Hargeysa/Somaliland
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Saturday, May 30, 2015

Guddoomiyaha Guurtida Oo Mudanayaasha Ku Dhiirigaliyey Inay Difaacaan Go’aankii ay Hore u Gaadheen Ugana Digay Weeraro Siyaasadeed

Hargeysa,(Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtia Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Golahaas u soo jeediyey inay dhinac uga soo wada jeestaan, isla markaana wada-jir iyo gooni-gooni-ba u difaacaan go’aanka ay muddo-kordhinta sannadka iyo tobanka bilood ah ugu sameeyeen Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada horraantii bishan dhammaadka ah ee May 2015-ka.
Guddoomiye Saleebaan oo guddoominayey fadhi uu Sabtida Shalay Golaha Guurtidu ku yeeshay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysaa, waxa uu ka jeediyey hadal uu Xildhibaannada Guurtida ugu sheegay in uu sharci yahay go’aanka ay Guurti ahaan muddo-kordhinta ugu sameeyeen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, isla markaana aanu sharci ahayn heshiiska ay wada-gaadheen Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumaddu habeenkii Khamiistu soo galaysay. Sidaa awgeedna waxa uu u soo jeediyey inay difaacaan go’aankooda maaddaama oo uu yahay go’aan sharci oo Golohooda oo keliyi awood u leeyahay inuu muddo kordhiyo.
Heshiiska ay Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah iyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE oo isku dhinac ahi wada gaadheen habeenkii Khamiistu soo galaysay ee toddobaadkii hore, ayaa qodobbadiisa waxaa ka mid ahaa qodob dhigaya in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada la qabto badhtamaha bisha December sannadka soo socda ee 2016-ka iyo sidoo kale qodob dhigaya in la ixtiraamo go’aanka Golaha Guurtida ee muddo-kordhinta, haddana farsamo ahaan doorashada xilligaa la qabto.
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Guurtida, ayaa Khamiistii sharci-darro ku tilmaamay heshiiskaas ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu wada gaadheen oo uu sheegay inuu garab marsan yahay go’aanka Sharci ee ay Gole ahaan gaadheen, isla markaana uu yahay heshiiskaasi mid aan waxba ka jirin oo aan saamayn ku yeelan doonin go’aankooda sharciga ah ee dhigaya in dabayaaqada bisha April ee sannadka 2017-ka la qabto doorashooyinka isa saarka ah ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, maaddaama oo lagu guul-darraystay sida uu hadalka u dhigay Guddoomiye Saleebaan inay Guddiga doorashooyinku qabtaan xilligooda oo ahaa 26 June 2015-ka oo ay ku dhammaanayso muddada-xilhaynta Madaxtooyada iyo Wakiilladu.
“Go’aankii Guurtidu wuu dhacay, Shuruucda Qaranka ayaannu ka mid yahay, waxaanan Warbaahinta ka maqlaa Saxeexii Madaxweynaha ayaa u hadhay, waar saxeex Madaxweyne uma hadhin. Madaxweynuhuna ma saxeexo go’aan Gole Guurti oo saameeya arrintaas, mashruuc sharci oo saddexda Gole soo maray ayuu saxeexaa Madaxweynuhu, tanna waxa weeye go’aan Guurti oo dastuurku siinayo, intaasi waxay ahayd intii aanay Guurtidu go’aan ka gaadhin oo saddexdiinnaba (Xisbiyada) waynu is aragnay waanad is khilaafteen.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida oo fadhigaa shalay kula hadlay Xildhibaannada Golahaas.
Waxa uu Guddoomiyaha Guurtidu ku dooday in go’aanka Gole ahaan ay muddo-kordhinta ku sameeyeen ahaa mid sababaysan, waxaanu yidhi; “Go’aanka Guurtiduna markaas wuu sababaysnaa, gobollada aan doorashada laga geli kar ee Bariga waannu sababaynay, ma ka hadhnaa, Waqooyiguna waa la mid , Madaxweynaha dib u soo noqoshadiisa sharci ayaa u yaal. Laakiin, Golaha Wakiillada sharci u yaallaa ma jiro, gobolladaasna wali lagama hawlgelin oo lama odhan nagala qaybgala, danteenna iyo doorashooyinkeenna waana qabyo.”
“Go’aanka Golaha Guurtida waynu faafinnay waxaanu ka mid yahay shuruucda dalka, maantana waxaannu idiin sheegaynaa in arrintaas iyaguna go’aankooda iska gaadheen innaguna jawaabtii aynu siinnay ay tahay go’aankii Guurtida ayaa sharci ah, halkaas ayey innoo joogtaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiye Saleebaan-Gaal oo sii watay hadalkiisa waxa uu u sheegay Xildhibaannada inay jiraan dhaqdhaqaaqyo ku lid ah isku duubnida Mudanayaasha Golaha, loona baahan yahay inay isku duubnaadaan, waxaanu yidhi; “Kollayna birta la innaga dhigi maayo, in la idin kala xadayo ayaan ogahay, in hoos la innoogu soo noqnoqanayo ayaan ogahay, Golaha waxaan xasuusinayaa inuu mid yahay, waxaanu nin waliba rayigiisa u madax-bannaan yahay inta doodda lagu jiro, mar haddii go’aan la qaato kii diiday iyo kii oggolaaday iyo kii ka aammusay intuba waa inay difaacaan, sidaas ayeynu Gole ku nahay.”
“Waxaan maqlayaa Xildhhibaanno Warbaahinta iyo Suuqa ka sheegaya waa lagu deg-degay go’aankaas, wixii sharciyad taalla ayaa kuwaasna laga yeelayaa, go’aankii Golahuna waa kaas wixii khilaaf ah ee Rag la yimaaddana shruuuc iyo dhaqan ayaa Golaha uga yaalla.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Waad Celinkartaane Qarankiibaad Ceebeyseen-W/Q Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Batun

Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.
Waa qodobka 37aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland
Waxa hubanti ah in xukuumad kasta oo tallada waddanka qabataa ay ku qasban tahay ilaalinta masiirka shacabka iyo dhowrida karaamadooda eebe ku galaday, laakiin xukuumadeena xigmad daran way xajiimeysay xushmadeynu ka mudneyn.

Waxa maalmihii ugu danbeeyey si weyn hadal haynteedu u badneyd tallaabadii ay xukuumadu ka qaaday qaxoontiga soomaalida ah ee ka soo qaxay dagaalada ka socda waddanka Yemen taasoo badi qeybaha kala duwan ee bulshadu aad u saluugeen tallaabadii ay xukuumadu qaadey, waxaaney durtaba bilowday dacaayado ay wadaan cadowga Somaliland oo aad mooda markasta iney fursad ka helayaan xukuumada kooxaysiga ah ee kala socota.
Summada Somaliland waa Isa saamaxaada, isku tanaasulka, is kaalmeynta, iyo waliba isku duubnida shacab iyo dawlad laakiin kuwa hadda tallada dalka haya ayaa baanad weyn ku furfuraya intaan sare ku xusayba.

Waxaad moodaa in nabar weyn oo aan abid ku dhicin sumcadda iyo sawirka siyaadeed ee Somaliland ay gaadhsiiyeen xubno kamid ah xukuumada hadda tallada waddanka loo dhiibay ma garan karo iney ka tahay aqoon darri iyo iney ka tahay deg deg aan tallo laga galin.
Xattaa ma awoodi karaan iney isticmaalaan erayo bilaa xanaf ah oo xigmad huwan (Diplomatic words) oo ah xadhiga lagu xakameeyo xidhiidhka aad la leedahay dawladaha dunida iyo daneeyayaasha dalkaaga.

Way habooneyd inaad tidhaahdaan waxaanu aad uga cabsi qabnaa qaxoontiga iney ku soo dhex dhuuman karaan shaqsiyaad waxyeeleyn kara xasiloonida iyo amniga dalkayaga, xaq ayaad u leedihiin idinkoo ka wakiil ah shacabka eegayana danta dalka iyo dadka inaad dunida ku qancisaan waxa kaliya ee Somaliland haysataa inuu yahay amaanka waxay ku badalan kartaana jirin.

Xaq ayaad u leedihiin ineydun celisaan qaxoontiga laakiin waa in ay jiraan duruufo gaar ah oo aan laga gudbi Karin.
Halkeed ku haysaan diin iyo dadnimana kaga jirtaa dad masaakiin ah oo markab saaran oo dagaal ka soo cararay oo tabaaleysan oo maati ah inaad tidhaahdaan soo degi maysaan?
Waxaan la wadaagayaa dadkeyga damiirkooda ka damqanayo ficilkaad fasheen, waxaanan idin leeyahay taarikhdu way idin qortey.

Waxaad ku doodeen Somaliland dhaqaale uma hayso qaxoontiga ee dunida hanaga caawiso haddii kale waanu joojiney. Eraygaasna waxaa lahaa nin wasiir ah oo dawlada ku jira waana wasiirka arimaha gudaha dunida kaa caawineysa ee ku ictiraafsan waa ayo ee aad ka sugeysaa waxtarka? Kaalin intee leeg ayey dunidu ku leedahay horumarka aynu ku talaabsaney 24 sano oo aynu jirnay shacabkan iyo qarankani iyagaa isku filan oo tashaday taasina waxay marag madoon ka dhigtey in aad duunyo ku raadineysaan daryeelka dadka dagaalada ka soo galay dalkeena kadib markii ay idinku filnaan weyday boobkii hantida shacabku
Haddii aad dunida xushmeynayso oo diintaada iyo dadnimaada iyo waliba dawladnimadaada ixtiraami wayday maad ixtiraamtid xeerarka caalamiga ah iyo baaqyada dunidu ka soo saartey xuquuqal aadamaha (Universal Declaration of human rights) baaqaas caalamiga ah ee xuquuqda aadmahu qodobkisa14aad ayaa sheegay inuu qofku xaq u leeyahay inuu helo dal uu ku badbaadi karo haddii uu dhibaateysan yahay. Miyaad ixtiraamtaan (International Refugee law) xeerka caalamiga ah ee qaxoontiga

Waxa nabar weyn lagu dhuftay karaamadii iyo sharaftii lagu yaqiiney shacabkeena xarruuriga ah ee dunta fiican waxaana ku dhuftey shaqsiyaad ka tirsan xukuumada kuwaas oo aad mooda inaaney eegeyn kuna xisaabtameyn talaabo kasta oo ay qaadan waxa ka dhalan kara
Somaliland samafalka ayaa sumad u ah ee Somaliya ha ku suntin dadka silcaya ayaan leeyahay xukuumadda ayaan daran.

Waxaan si weyn ganafka ugu dhufanayaa ninka yidhi waxaan ahay wasiirka arimaha dibada dawlada taagta daran ee Somalia, wuxuu ka arkooda inuu sidaas u hadlo habayaca iyo hanaan xumida haysata kuwa loo dhiibay hogaanka umadda inuu sidaas u hadlo oo nacas kastaba ku dibira dhacsado kana faa’iideyso khaladkasta oo ay galaan kooxaha awood kala boobka ah ee ka arriminaya masiirka qarankeena. Waxaan leeyahay Somaliland adiga iyo qeyrkaa toona ma xukumtaan waxbana uma yeedhin kartaan iyadaana iska leh dalkeeda xorna way u tahay talaabo kasta oo ay qaado ee adigu ka hadal shacabka ku dayacan degmooyinka xamar.

Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun

Email: Barkhad909@live.com
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

Ujeedada Socdaal Hawleed Oo Madaxweyne Silaanyo Ugu Kicitimay Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil Ee Berbera

Berbera (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa socdaal hawleed ku tagey Magaalada Berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil.
Ujeedada socdaalka Madaxweynaha ayaa lagaga waramay qoraal goor dhaweyd naga soo gaadhay xafiiska af-hayeenka madaxweynaha waxaanu u dhignaa sidan:-

[gallery columns="4" ids="19920,19919,19918,19917"]

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa galabta gaadhay magaalo madaxda gabolka Saaxil ee Berbera safarkan ayaa ah mid muhiima oo madaxweynuhu xadhiga kaga jari doono mashaariic horleh oon hore dalka u soo marin loogana hirgelin oo ay ka mid yihiin xarunta shaybaadhka ee shidaalka dalka soo gala, iyo kuwo kale oo badan, halka la filaayo in madaxweynuhu uu dhagax dhigo mashaariic kale.
Madaxweynaha waxa si weyn loogu soo dhaweeyey iyada oo ay maamulka gobolka saaxil kaga horyimaadeen Dacar-budhuq, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa si diiran loogu soo dhaweeyey Dacar-budhuq, Abdaal ilaa degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa, safarkan madaxweynaha ayaa ah mid qiimo weyn ugu fadhiya gobolka Saaxil iyo guud ahaan dalkaba marka loo eego horumarka dalka ka socda gaar ahaan ka gobolka Saaxil oo ah mid ay mahadiyeen dadweynaha gobolka saaxil intii uu talada dalka hogaaminaayey madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.
iyadoo uu gobolku nasiiib u yeeshay hogaamiyeyaal waxtar leh oo madaxweynuhu wixii uu faro hore ka fuliya marka loo eego maamuladii kala duwanaa ee soo maray iyo kuwa hada gacanta ku hayaba gobolka oo ku sifoobay waxqabad muuqda iyo dhiiranaan.
Marka loo eego waxqabadka ka qabsoomay Dekeda Berbera muddo gaaban oo lagu dhamaystiray fidinta iyo balaadhinta dekeda, iyada o qaybe kalena socdaan hadda, Dawlada hoose ee Berbera oo iyaduna ka dhex muuqatay billicda magaalada Berbera iyo laamiyo tayo leh oo qarniyada soo socda la mahadin doono.
waxa iyana xusid mudan oo horumarka haamaha shidaalka Berbera oo muddooyinkii u danbeeyey ku sii biiray bilicda iyo horumarka gobolka Saaxil oo sidaan ku xusay xaga sare markii u horraysay dalka ka hirgelisay shaybaadh lagu ogaanayo caafimaadka shidaalka baabuurta si aanay dalka u waxyeelayn baabuurtuna u nabadgasho, iyada oo horena u hirgelisay dib u dhis iyo balaadhin ay ku samaysay xarunta guud ee kaydka haamaha.
isku soo wada duubo sanadihii u danbeeyey gobolka saaxil waxa uu ahaa hogaaminaayey horumarka gobolada dalka”.
HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

[gallery columns="4" ids="19923,19922,19921,19920,19919,19918,19917,19916,19915,19914,19913,19912,19911,19910,19909,19908,19907,19906,19905"]

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

Addoonka Alle iyo Calmaaniga Maanta-W/Q: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Addoonimo qeexisteedu waa: in qofku cid uu rumaysan yahay inuu ka awood yar yahay isku dhiibo, una tallo saarto ka arriminta qaab-nololeedkiisa, iyo ka soo godlinta hawl qabadkiisa ruuxiga ah. Una hibeeyo dhammaan xubnihiisa isagoo isu tusinaya inuu kaga helayo abaal gud nololeed ama mid dambe (haddii uu aaminsan yahay soo saaris).
Nebi Aadan Cs, oo ahaa aabbihii dhalay dhammaan dadyoowga ku nool dunida ayaa yimid dunidan aynu ku nool nahay isagoo ka soo dheelmaday xaggaa iyo dunida inaga qarsoon ‘jannada’. Wuxuu dunida yimid isagoo rumaysan jiritaanka abuurihii ‘Illaahay’ dunida keenay. Wuxuu la yimid hab-nololeed raali gelinaya abuurihiisi ‘Illaahay’.
Nebi Aadan Cs markii u galbaday ‘geeriyooday’ wuxuu ka tagay dhal dhabarkiisa ka farcamay, dhashaasi kuwii ay sii dhaleen qayb ka mid ah ayaa fahamkii awoowgood ee qaab-nololeedkiisii aamineed ‘cibaado’ u fahmay si aan ahayn kiisii, taasoo daba haysay markii ay noqdeen tol deegamaysta oo ay mudh ka soo dhex yidhaahdeen rag mudan u ahaa. Markii ay raggaasi galbadeen ayaa tolkood ku arrinsadeen inay xabaalahoogi ka sameeyaan taalooyin lagaga sooco intii kale ee kula aasnayd xabaalahaa. Xabaalahoodii waxa ay noqdeen kuwo la booqdo oo xus loo sameeyo. Dhawr jiil ka dib ayaa haddana si kale u dhigteen xabaalahoogi facaa soo kacay iyagoo leh ”tolkeen waxa ay caabudi jireen taalloyinkaa”. Sidaas baanay ku noqdeen xabaalihii ka soocnaa xabaalaha kale meel loo cibaado tago. Sida Alle SWT sheegayba “Haka tegina Illaahyadiini, hana ka tagina Waddan, Suwaac, Yaquus, Yacuuq iyo Nasr”.
Cibaado qeexideedu waa: fal kasta oo Illaahay loogu dhawaanayo, isaguna jideeyey in loo sameeyo. Adeegsigii ugu horreyey ee erayga ‘Cibaado’ wuxuu la kowsaday Nebi Aadan marka laga hadlayo dunida, mar hadduu yahay qofkii ugu horreeyey ee Alle SWT abuuro.
Fahanka odhanaya in taallo loo aamino inay wax tar iyo waxyeello leedahay wuxuu noqday mid jira oo illaa maanta la rumaysnaado. Waxaana tusaale kaaga filan reer bariga maanta jooga dhagxaanta ay caabudaan asalkoogi hore inu ahaa dad.
Nebi Aadan Cs dabadi Alle SWT wuxuu soo diray ergo xaggiisa ka socota oo dadka u sheegayey in aan Alle SWT sokadii cid kale addoomo loo noqon. Addoon inuu qofku noqdaa waa shaki la’aan, haddii aanu Alle SWT u noqon cid kale un buu addoon u ahaanayaa, kol rabitaankiisana uu u noqdo. Miyaanad arag aayadda Alle SWT ku leeyahay “ka warrama ka Illaah ka dhigtay Rabitaankiisi”.
Ergadii Alle waxa ay u qaybsameen qaar ku hungooba dadyoowgii ay u yimaadeen, qaar tiro yar ka hela tolkood iyo qaar woxoogaa dad ahi raacaan. Sidoo kale ergooyinkii la soo diray waxa ay la kulmeen dhib iyo haddidaad keentay badhkood in la dilo. Rasuulka CSW waxa ka sugan inuu yidhi “waxa iman doona aakhiro Nabi qof wata, mid koox yari la socoto iyo mid kaligii socda”. Illahay SWT wuxu yidhi “waxay ku dileen ergadii Alle xaq daro”.
Dadyoowga dunida jooga waxa ay u qaybsamaan dhowr qolo oo is huwan; qaar Alle SWT wada rumaysan ‘Islaamka, Kiristaanka iyo Yuhuudda’, qaar dhagxaan caabuda, qolooyin Jinka caabuda iyo qaar aan waxba rumaysnayn.
Sidoo kale dadyoowga qaarkood waxay soo baandhigeen kala dhambaalidda diinta iyo nolosha iyagoo leh “hala kala saaro diinta iyo siyaasadda, diinta iyo ganacsiga, diinta iyo aqoonta, diinta iyo ilbaxnimada. Amase yaanay wax door ah ku lahaan nolosha inteeda kale diintu”.
Odhaahda caynkaas ahi waxa ay ka soo baxeen dadyowga loogu yeedho ‘calmaaniyiin’. Erayga Calmaani asalkiisi hore waxa la sheega inuu ka yimi ‘Caalam’ oo la macna ah Dunida. Dood baa iyana odhanaysa asal ahaan eraygu wuxuu ka yimid ‘Cilmi’ oo la macno ah aqoon, sidaas darteed waa dadkii aqoonta helay. Isku soo xooriyo dadkii eraygaa keenay waxa ay ahayeen dadyowgii haystay diinta Kiristaanka oo u taag waayey Kiniisadii oo la jaan qaadi kari wayday waaqicii siyaasadeed ama aqooneed. Sidaa darteed ayaa intii ka irdhowday Kiniisadihii qaateen magacan ‘Cilmaani’ ama ‘Calmaani’. Mar dambe ayaa la sii faahfaahiyey Calmaaniyaddii iyadoo lagu soo dabaqay dhammaan qaab-nololeedkii dadka sida; ‘Secular State’ dawlad Calmaani ah, ‘Secular Education’ aqoon Calmaani ah iyo ‘Secular Culture’ dhaqan Calmaani ah.
Waxa ay ka turjumaysay sida looga quustay waddaadadii Kiniisadda, markaasa la dheegtay hab-nolloleed lagaga xoroobo waddaadkii ka ganacsanayey madaxa dadka, kaas oo libin uga dhigi jiray kolba inta dadku ay isaga u roon yihiin.
Fasiridda ‘noloshan maxaa xiga’ waxay noqotay dood isla meel dhigeeda lagu kala tagay oo qolo ba dhan ula dhaqaaqday. Ragga qaar baa la soo shir tagay dunida iyo dadka jooga ba ‘dabeecadda ayaa keentay, meel loo socdaana ma jirto, qof kasta marka uu ka tago halkan meel kale tagi maayo’.
Odhaahda ‘noloshan maxaa xiga’ waxa ay ka dhalatay markii la is waydiiyey su’aalo liddi ku ah diinta, sida iyadoo shaki la galinayo diinta, lana leeyahay horta ma laga marmaan ba in diinta un lagu jira?. Miyaynaan kaba xorroobi karin diin ba?. Iyo sidoo kale diin iyo nololi maanay kala bixi karin?.
Is waydiimaha su’aalahaa waxa keenay dadyoowgii ka irdhoobay diintii Kiristaanka ee sheeganayey inay ka xorroobeen diintoodi. Markii ay isku qanciyeen inay ka faa’iideen ka madax-banaanshihii Kiniisadda ayey isu tuseen ta kaliya ee Islaamka iyo diimaha kale ku soo xero gashan karaan tahay in sidooda layska siibo diin ba. Haa, in badan waxa ku adkaatay waddaadadoodii siday u fidin lahaayeen diinta Kiristaanka, sidaa darteed bay is yidhaahdeen kuwii ka tagay ku dhaqankii diintoodu dadka maad ka dhigtaan sidiina oo kale, haa maad tidhaahdaan diin la’aan ba aqoon iyo lacag keenta, si dadku ba idiinla qaataan.
Fikradihii ay ka dhaxleen ka soo irdhowgii kiniisadda ayey ku soo ururiyeen dhiganayaan. Xaqiiqdii qaababkii ay soo mareen iyo midhihii ay ka heleen bay ku soo ururiyeen dhiganayaashaa ‘buugtaa’. Sidoo kale waxa ay qoreen sheekooyin mala-awaal ah oo si falsafadaysan loogu buun buuninayo fikaradda Calmaaniyadda, taasoo ka dhigaysa ta kaliya ee lagu gaadhi karo badhaadhe nololeed. Odhaahyaha caanka noqday waxa ka mid ah ‘diini waxa ay ku faaftaa dadyowga saboolnimo iyo aqoon darro hagaasisay’ sidoo kale ‘waxa diin ka xorrooba duulka aqoon, ilbaxnimo iyo dhaqaale haysta’. Ereyadaa horraantii waxa adeegsan jiray dadyoowgii Kinisadda ka quustay, waayo dambe se markii loo aqoon doontay dunidii fikradaasi ku faaftay ayaa waxa soo noqday duul la soo dhalaan rogay, oo fikraddaa soo sharaabay.
Mooji, inay tahay burburka sababta da’yar badan oo dunidaa inaga qabtay ayaa afar buug oo ay inoo soo akhristeen keentay inay maanta inoola shir yimaadaan fikraddaa. Xaqiiqdii aqoon durugsan oo ay wax ku kala shaandhayn karaan ma laha, hase ahaatee waxa ay la liicliicayaan waa is mahadin aan meelna gaadhsisanayn, waxa ay is tuseen akhrintii afartaa buug inay ku badhaadheen, aqoon aan lala wadaaginna ay hayaan. Waxa ay hoos u eegaan cid kasta oo aan la jaan hayn iyaga, waxa ay dardaaran ku qabaan dhalecaynta iyo aflagaadaynta culimada, iyo ku jees-jeesidda diinta.
Haddaba haddii aynu u soo noqono jawaabaha su’aalahan ugu horrayn Alle SWT ma aqbalaya diin aan ahayn diinta Islaamka? Jawaabtu waa MAYA. Alle SWT wuxu yidhi “qofka raaca diin aan ahayn diinta Islaamka laga aqbali maayo”. Waayo Nabi Maxamed CSW wuxu ahaa ergaygii Alle SWT ee soo gunaanaday ergooyinkiisi, sidoo kale na fariimihi ‘waxyigii’ Alle isagaa soo gabogabeyey. Markaa wax loogu hanqal taago diin kale maba jirto. Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday inu yidhi “hadduu Nabi Muuse Cs joogi lahaa, wuxuu ku dabaqmi lahaa diintayda” sidoo kale waxa ka sugan Rasuulka CSW “Nabi Ciise Cs aakhiru-samaanka marka uu yimaaddo wuxu idinku xukumi doonaa diintayda”. Ogobey diintani waa farriintii ‘waxyigii’ugu dambaysay ee Alle SWT inoogu soo dhiibo ergooyinkiisi. Sidaa ajligeed in la raaco waa mid lagu khasban yahay.
Su’aasha labaad in laga xorroobo diintu ma banaan tahay? Jawaabtaa su’aal ba ka horraysoo horta mala xorrooba? Dadnimada waxa ka mid ah in qofku rumaysnaado wax isaga ka itaal roon inu jiro meeshu doono ha galiyo xooggaasi inu jiree. Haddu qofku diido inu jiro Illaah waxna dila waxna nooleeya. Hubaal waxa ah inu meel kale u leexinayo ‘dabeecad’ oo ah khiyaal qofku is aaminsiinayo inay wax badasho waxna keento. Sidoo kale dhagax uu isago qortay ama awoowgii dhisay u foorarsado, hadda waxa dunida ku soo batay duul caabuda ‘Jinka’.
Cidda aaminsan in diinta laga xorroobo waa maalinjir maangaab ah , sidee looga xorroobi karaa iyadaaba xornimo socota ahee, xilligii Nabi Maxamed CSW soo baxay dadku maanay ku wada foorarin dhagaxaan ay samaysteen, maanay taasi ahayn maangaabnimo qofku garaadkiisa ku dulaynayey, dhagax uu qorqortay inuu u aamino waxtar inu leeyahay, liidnimada ka xuni xaggey taal. Miyaanu u iman qolooyin diinti Kiristaanka ka baayacmushtareeyey oo rifan iyo lisan ku riday, maanu magaciisi ka dhex helin intii dhiganayaashaa ka sii hagaagsanayd.
Su’aasha saddexaad diinta iyo noloshu may kala bixi karaan? Su’aashaa waxa keenay calmaanigii Kiristaanka ahaa oo quus ka soo istaagay wadaadkii Kiniisadda joogay oo xilli curineedkii Yurub ka hor yimid. Hase ahaatee diinta Islaamka iyo noloshu isma diidi karaan amase si kale u dhigoo diinta Islaamka iyo hab-maamulka siyaasadeed, curinta aqooneed iyo so godlinta ilo dhaqaalo isma diidi karaan.
Ugu horayn Muslinku waxa u dunida ka talinayey ku dhawaad siddeed qarni waxana lagu sheegaa xilligii ugu caddaaladda badnayd ee inta la hayo dunida soo marta. Dadyowgii aan Muslinka ahayn ee noola xilligaa waxa ay ka marag kaceen caddaaladdii madaxda Muslimiinta.
Halyeeyadii Muslinka ee ka qaybta ahaa curinta aqoontu maaha qaar laga gayoon karo magacaabiddooda se haddaynu dhowr ka mid ha ka soo qaadano waxa aad la yaabi doonta aqoonta halka ay ka gaadheen iyo sida aynu uga war la’nahay halyeeyadaa.
 Abu Al Qaasim Al Sahraawi oo noola (936-1013) waxa uu ahaa aqoon yahan ku horreyey aqoonta dhakhtarnimada gaar ahaan qalliinka, illaa loogu yeedhay ’Father of Modern Surgery’ aabbihi qaliinka casriga. Waxaana u qiray dunida galbeed.
 Ibnu Sina oo noola (980-1036) wuxu ahaa aqoon yahan curintiisu xad dhaaf ahayd, aadna loogu heellanaa qorista dhiganayaashiisi loo aayey, isagoo aqoon badan curiyey sida astronomy, alchemy, geography, geology, psychology, Islamic theology, Logic, mathematics, physics and poetry.
 Ibnu Khalduun oo noola (1332-1406) wuxuu ahaa aqoon yahan aqoonta Sociology ka wax badan ku soo kordhiyey, sidoo kale wuxu ahaa taarikh yahan, dhaqaale yahan iyo waliba aqoon-ruug siyaasadeed oo aad looga tixgeliyo dunida idilkeed.
Ka gayoon mayno ka warranka haldoorkii Muslimiinta se gun iyo gunaanadkii qof taa aan ka warqabin amase is diidsinaya un baa cid kale u hanqal taaga. Tallada maantu waxa weeji waar inamada yaryar ee inoo soo waaridaya wax aanay guntiisa ka sal-gaadhin yaynaan u carrab lalaadin. Qoraladooda liita yaynaan bunbuunin, yaynaan aqoon yahanno moodin, se u caqli celin iyo waano walaalnimo aynu ugu badalno.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Go’aankii Somaliland ka qaadatay Qaabilaadda Qaxoontiga Yemen iyo tallaabada ay kaga jawaabayaan

New York, 30 May, 2015 (Himilo)- Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ka-hortaga Argagxisada, Jean-Paul Laborde, ayaa shaaca ka qaaday inay UN-ku diyaar u tahay sidii ay Somaliland uga taageeri lahaayeen dedaalada ay ugu jiraan ka hortagga Kooxaha Argagxisada, balse ay waajib tahay inay wax la qabtaan qaxoontiga soo gaadhaya dalkooda.

Mr. Jean-Paul Laborde oo kulan ku qabsoomay xarunta Qaramadda Midoobay lagu weydiiyey sida layku waafajinayo kaalmaynta qaxootiga ka soo cararaya dagaalada Yemen iyo Cabsida laga qabo in Kooxo Argagixiso ah ku dhex-dhuuntaan, waxa uu sheegay in qaxootiga loo ogolaado inay ka qaxaan dagaalada Yemen, laakiin ay habboon tahay in lagu baadho dalalka ay magan-gelyada weydiistaan.

“Dadka waa in loo ogolaado inay ka qaxaan dagaalada Yemen, laakiin lagu hubiyo inaanay argagxiso ku dhexjirin oo lagu baadho dalalka ay tagaan,” sidaas ayuu yidhi Mr Laborde.

Wakaalada Inner Press City oo Madaxa la-dagaalanka Argagxisada ee Qaramadda Midoobay weydiisay siduu u arko cabashada Somaliland dhowaan ku sheegtay inaanay qaabili karin qaxoontiga ka soo cararaya dagaalada Yemen sababo la xidhiidha ammaan iyo dhaqaale, maadama Qaramadda Midoobay aanay Xukuumadda Somaliland wax kaalmo ah ku siinin, waxa uu Mr. Laborde ku jawaabay, “Waxaan isku deyeynaa inaan sida ugu wanaagsan wax uga qabano.”

Mr. Laborde ayaa hadalkiisa sii raaciyey, “Waddamada sida Somaliland, waa inay xaliyaan dhibaatada, ka hor intaanay helin taageerada.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa todobaadkii hore sheegay inaanay Xukuumaddu awood u lahayn qaabilaadda Qaxoontiga ka soo qaxaya qalalaasaha ka taagan dalka Yemen oo isugu jira Soomaaliya iyo Yemeniyiin, kaddib markii Qaramada Midoobay ka gaabsatay inay taageero ka geysato qaabilaadda dadka Qaxoontiga ah.

Hadalkan madaxa la-dagaalanka Argagxisada u qaabilsan hay’adda Qaramada Midoobay Mr. Laborde ee arrintan wax lagaga weydiiyey, ayaa ka dambeeyey warbixin ku saabsan mowqifkii xukuumadda Somaliland iska taagtay qaabilaadda qaxoontiga Soomaalida ee ka soo cararaya dagaalada Yemen oo hore Maxamuud Walaaleye ugu gudbiyey Wakaalada wararka ee Inner Press City.

Himilomedia

Hargeysa

Guddoomiyaha Kulmiye oo ka hadlay Tira-koob lagu sameeyey Shacabka Somaliland oo Xogtiisa lagu soo badhigay Muqdisho

Hargeysa, 30 May, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ku tilmaamay maamul Xasarad-u-joog ah oo Arrimaha siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland uga faa’idaysanaya sidii uu mandaqadda Geeska Afrika uga abuuri lahaa Colaad hor leh oo waxyeello u geysata ammaanka gobolka.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu gar-darro iyo faro-gelin ku tilmaamay Xog ku saabsan tiro-koob hay’adda UNFPA oo kaashanaysa Wasaaradda Qorsheynta Somaliland ka samaysay gobollada dalka, taas oo todobaadkii hore lagu soo bandhigay xaflad ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho taas oo ay goob-joog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan hay’adda UNFPA oo xogta tira-koobka shacabka Somaliland u gudbiyey Soomaaliya.

Guddoomiyaha Kulmiye oo dhinacyo kala duwan ka hadlaya siiyey Hadhwanaagnews, ayaa mar wax laga weydiiyey siduu u arko arrintan, waxa uu ku jawaabay, “Waa gardarro, waa faro-gelin, waa waxyaabaha sii xumaynaya dalalka Jaarka ah wada-jirkooda. Dowladda Xamar ka talisa waxaad mooddaa inay doonayso fad-qalalo oo mar walba wax dhibaato iyo colaad huriya ay ku hadlayso,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Way ogyihiin in Somaliland iyo Soomaaliya kala taagan yihiin halkii 26-June 1960-kii kala taagnaayeen, dadku inay sidaas isu qaddariyaan baa wanaagsan, laakiin siday wax u wadaan waa si ah waligeen qaylo iyo dagaal ha ina dhex-taagnaadaan, taasna waxaanu leenahay haka waantoobaan.”

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, ayaa cambaareeyey xogta tira-koobka Shacabka Somaliland ee hay’adda UNFPA u gacan-galisay Soomaaliya, waxaanu sheegay in tallaabadani saamayn ku yeelanayso wada-shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo hay’adda UNFPA oo wasiirku sheegay inay ku war-geliyeen in xogta tirakoobku tahay mid u gaar ah Somaliland, kaddib markii ay dhammaatay xog-ururinta tira-koobka oo gobollada dalka laga sameeyey sannadkii 2013-kii.

Himlomedia

Hargeysa

Maayarka Caasimadda oo Abaal-marinno Guddoonsiiyey Arday ku guulaysatay Tartan Qur’aanka Kariimka ah oo D/Hoose Maalgelisay

Dubai, 30 May 2015 (Himilo)- Shirkadda P&O Ports oo xiisaynaysa maalgashiga dekeda Berbera ayaa la sheegay inay kordhisay xadiga dhaqaalaha ay ku bixinayso dekedda Berbera.

Shirkada P&O Ports oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai, kana mid ah saddex shirkadood oo ku tartamaya maalgashiga dekedda Berbera, ayaa la sheegay inay kordhisay xaddiga dhaqaalaha ay gelinayso dekedda Berbera.

Sida lagu baahiyey wakaalada wararka ee Indian Ocean Newsletter, shirkadda P&O Ports ayaa wax walba u samaynaysa ku guulaysiga tartanka ay ugu jirto ku guulaysiga maalgashiga dekedda Berbera, isla markaana badhtamahii bishan la sheegay inay kordhisay xadigii maalgashiga ay u qoondaysay iay ku bixiyaan.

Xukuumada Somaliland ayaa la filayaa inay doortaan shirkadda maalgelinaysa isla markaana maamulaysa dekedda Berbera dhammaadka sannadkan, iyadoo la filayo in hawsha casriyeynta dekedud bilaabmato horaanta sannadka dambe, sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland todobaadkan.

“Shirkadaha Bollore, DPWorld iyo Mediterranean Shipping Company ayaa xiisaynaya horumarinta dekeda Berbera, wada xaajood ayaa noo socda dhamaantood. Weli midna maanu dooran, waxaan eegaynaa dhamaan fursada aan heli karno.” Sidaa waxa yidhi Wasiir Biixi oo u warramayey Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mr. Maxamed Biixi ayaa sheegay inay filayaan in dekedda Berbera noqoto xarun hagta ganacsiga isaga gudbaya Geeska Afrika, isla markaana ay qayb- laxaad leh ka qaadan doonto dhaqaalaha sii kobcaya ee dalka Itoobiya oo xilligan isticmaala dekedda dalka Jabuuti.

Himilomedia

Hargeysa

Maayarka Caasimadda oo Abaal-marinno Guddoonsiiyey Arday ku guulaysatay Tartan Qur’aanka Kariimka ah oo D/Hoose Maalgelisay

Hargeysa, 30 May, 2015 (Himilo)- Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa abaal-marinno kala duwan guddoonsiiyey arday kaalmaha hore ka gashay tartan xifdiga Qur’aanka Kariimka ah oo Dawlada Hoose ee Hargeysa maalgeliysay, waxaana ka qayb-galay in ka badan Afar boqol oo arday oo ka kala socday Madarasado ku yaala magaalada Hargeysa.

Tartanka oo muddo laba todobaad ah ka socday Masaajidka Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha Hargeysa, waxa guddoonsiinta Abaal-marinaha loogu talo-galay Ardayda goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Maayarka Hargeysa, Xoghayaha Fulinta ee Dowladda Hoose, Culimo-awdiin iyo dadweyne tiro-badan.

Guddoomiyaha Jamciyadda Qur’aanka Kariimka ah Sheekh Cabdiqafuur Aadan Cumar, ayaa ka warbixiyey geeddi-socodkii uu tartanku soo maraym, tirada Ardayda ka qayb-gashay tartanka, waxaanu yidhi, “Waxa ka qayb galay arday tiradoodu tahay 410 arday oo iskugu jira hablo iyo wiilal, waxaana ay ardaydoodu ka qayb gashay 80 madarasood oo ku yaala magaalada Hargeysa, wareegii koobaad waxa soo baxay 87 arday, ugu danbayntiina waxa abaal marinaha ku guulaystay 12 arday, iyada oo dedaalka ardayda oo aad u balaadhnaa lagu kala baxay wax aad u yar. Waxaan Illaahay ka rajaynaynaa inuu noqdo tartan bilaw ah oo ay Dawlada hoose-na noo sii wado, dhiirri-gelinta Qur’aankuna waxay ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan ee u calaamadsan Jamciyada Qur’aanka Kariimka, waxaanan aad ugu mahad naqayaa maayarka caasimada iyo masuuliyiinta dawlada hoose oo iska xil saaray sidii uu tartankani u noqon lahaa mid hir gala.”

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo halkaas ka hadlay, ayaa ballan-qaaday inay Dowlad Hoose ahaan sii wadi doonaan maal-gelinta Tartannada Qur’aanka Kariimka ah, waxaanu yidhi “Maanta farxad weyn ayey ii tahay inuu tartankani halkan ka qabsoomo, qofku marka uu dhameeyo Qur’aanka Kariimka ah waxay dhiiri gelinaysaa ardayda danbe, Dawlada hoose way sii wadaysaa tartanka inta Illaahay na gaadhsiiyo, sannad walba waanan qabanaynaa. Wixii aanu maanta ku bixinay laban laabkeedna waanu bixinaynaa, waxaanay noqon doontaa mid sannad kasta lagu daro kharashaadka Dawlada hoose.”

Maayarka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan ardayda farayaa in sida ay u qurux badan yihiin ee guryaha ay ka soo tooseena u qurux badan yihiin inay waalidiinta u sheegaan in waajib inaga saaran yahay inay waddooyinkuna sidaas u qurux badnaadaan oo dhulka bannaaan sidaas u qurux bato, Qashinka guryaha laga soo saarayna aan waddooyinka la dhigin oo aan la raacin biyaha Roobka,” ayuu yidhi maayarka Soltelco.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Hoose ee Hargeysa maalgelinta tartanka Qur’aanka Kariimka ah. “Waxaan Illaahay uga baryayaa maayarka, xoghayaha iyo Golaha deegaanka caasimadaba inuu Illaahay barakeeyo dariiqan ay bilaabeena ay ku dayan doonaan maayarada kale oo uu gaadhsiin doono, waana in dawlad hoose oo kastaaba ay tartano noocan ah u qabato ardayda cashuurta ay dadka ka qaadayaana aanay kaga fikirin oo kaliya in daaro iyo waddooyin loo dhisee ay ku daraan in qalbiyada la dhiso, iyada oo ay dawlada hoose ee caasimaduna dhisto madarasado badan, masaajido badana gacanta ku hayaan,”ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Ugu danbayntii, maayarka caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa abaal- marinno kala duwan oo loogu talo-galay guddoonsiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartankan Qur’aanka Kariimka ah oo noqonaya kii ugu horreeyey ee Dawlada hoose ee Hargeysa maalgelisay.

Madaxweynaha Jabuuti oo Martigeliyey qoyska Madaxweynihii hore ee Yemen

Jabuuti, 30 May, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa la sheegay inuu magangelyo siiyey qoyska madaxweynihii hore dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo gaadhay caasimada dalkaas.

Qoyska Cali Cabdalla SalaxSagaal xubnood oo ka tirsan qoyska madaxweynahii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salax ayaa la sheegay in xilligan hoy laga siiyey qasriga madaxtooyada jabuuti, sida lagu baahiyey wakaalada wararka Indian Ocean Newsletter.

Madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdalle Saalix, ayaa lagu eedeeyey inuu qayb ka yahay qalalaasaha ka socda dalka Yemen, iyada oo ciidamo ka tirsan Milatara dalkaas iyo malleeshiyaad isaga taabaxsan ay ka bar-bar dagaalamayaan xooggaga Xuutiyiinta oo la wareegtay inta badan gacan ku haynta dalka Yemen.

Dhinaca kale, diyaarad sidda mucaawino dalka Iran u soo dirtay, ayaa la sheegay inay shalay soo gaadhay dalka Jabuuti, taas oo marka baadhitaan lagu sameeyo kaddib loo qayb doono Qaxoontiga Yemen ee ku sugan dalka Jabuuti.

Diyaaraddan ayaa todobaadkii hore laga celiyey dalka Jabuuti, kaddib markii sida la sheegay dalka Sucuudiga oo hoggaaminaya xulafada duqeynta ka wadda dalka Yemen, isla markaana xurguf siyaasadeed ka dhaxayso dalka Iiraan, uu culays ku saaray dowladda Jabuuti inay oggolaato diyaaradda oo markii dambe dib ugu noqotay dalka Iran.

Haseyeeshee, madaxa bisha Cas ee dalka Iran Sarem Rezaie, ayaa sheegay in dowladda Jabuuti oggolaatay in diyaaraddu ka soo degto madaarkooda, “Diyaaradu waxay soo gaadhay Jabuuti shalay si nabad ah,” Sidaa ayuu yidhi Sarem Rezaie oo u warramayey wakaaladda ee Iran.

“Mucaawinada waxa lagu wareejin doona hay’adda Cuntada Adduunka WFP, oo siin doonta hay’adda Bisha Cas ee Yemen si ay ugu qeybiyaan qaxootiga jooga Jabuuti.”

Himilomedia

Hargeysa

Guddoomiyaha UCID oo raalli-gelin ka bixiyey Dhaliilo uu ka sheegay Madaarka Hargeysa

Hargeysa, 30 May, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa wasiirka Duulista iyo Hawada ka raalli-geliyey dhalliilo uu hore ugu jeediyey markii lagu gudo jiray samaynta wejigii hore ee dhabbadaha madaarka magaalada Hargeysa oo uu sheegay in horumar ballaadhan lagu sameeyey.

Eng Faysal Cali Waraabe oo ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo madaxweynaha Somaliland Khamiistii Xadhigga kaga jaray Afar mashruuc oo lagu soo gebo-gabeeyey dib-u-casriyey iyo ballaadhin lagu sameeyey Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa, ayaa ka marag-kacay in waxweyn laga qabtay casriyeynta iyo Ammaanka Madaarka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadal ka jeediyey munaasibadda, waxa uu yidhi, “Adduunka waxaa ugu weyn waa ammaanka, amaankuna wuxuu ahaa wixii ay inagaga tagtay diyaaradda Ethiopia Airlines, isagana waa taa maanta la hagaajiyey, anigu waxaan ahaa dadkii dhaliili jiray Wasiirka Duulista markii la samaynayey dhabbihii hore (runway).”

Eng Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Waxa aad tahay qof siyaasi ah oo haddii aan lagula qaybsan waxa soo baxa, waxaad ku shaqaynaysaa waxaa saa la yidhi iyo waxaasaa la yidhi, laakiin halkan waxaan ku aragnay in wasiirku (Maxamuud Xaashi) dhisay madaarkii, hawl badana qabtay, waanan ka raaligelinayaa dhaliishaydii hore, haddii uu warka saxda ah i siin lahaana taasi may dhacdeen,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Himilomedia

Hargeysa

Thursday, May 28, 2015

Mashruucii Jidka Rajadu Xaggee Ayuu ku Dambeeyey (The Berbera Corridor)

Gooni Isu taaggii Eritrea Itoobiya waxa uu ka dhigay dal aan Bad ama Dekedo lahayn, Waxase ay isticmaali jirtay Dekedaha Casab iyo musawac, intii aanay labbada dal Coloobin, sidaa awgeed Dekeda Djabuuti waxay Noqotay meesha ugu dhaw ama ugu haboon ee Itoobiya ay ka dhoofiso, waxna kala soo degto”
Dekedaha Gobolku ama waa qaar aad uga Fog sidda Port Sudan oo kale ama kuwo adeegyadoodu iyo Kaabayaashuba liitan sidda Dekeda Berbera oo kale, hase ahaate Dekeda Jabuuti kuma wada Filna baahida Itoobiya ee sii kordheysa isla markaana Istaraatiji ahaan ma haboona in ay ku tiirsanaato dal Iyo deked qudha, Sidaasi daraadeed dawlada Itoobiya in muddo ahba waxay daneyneysay Isticmaalka dekeda Berbera marka loo hello Maalgashi lagu casriyeynayo iyo sidaas oo kale marka loo helo kharash lagu wanaajinayo kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka ama dhabaha tareenada ee isku xidhaya dekeda iyo dalwaynaha Itoobiya.
Haddaba haddii Itoobiya aad ugu baahan tahay dekedaha Somaliland, Somalilandna ay u baahan tahay dhaqaalaha badan ee ka soo gali kara adeegyada ay qabanayso maxaa ka hortaagan in mashruucu The Berbera Corridor Hirgalo?
1. Somaliland iyo Itoobiya ma heli karaan dhaqaale wax lagaga qabto dekeda iyo kaabayaasha kale ee soo raaca.
2. Dalalka EU-da oo ku balanqaaday in ay kharashka wax ka bixiyaan oo dhaqaalahoodii hoos u dhacay.
3. Dawlada Somaliland oo aan ku dadaalin in maal-gashiga dekeda ka raadiso meelo kale oo ku mashquul ah sidii ay kursiga u xejisan lahayd.
4. Xukumada oo aan wax badan dib ugu celin kharashka ka soo baxa dekeda si waxooga kor loogu qaaddo Heerka adeegyada iyo qalabka.
5. Garabyo ka tirsan xukumada Madaxweyne Siilaanyo oo aan dhiiri galin mashruuc kasta oo sii xoojinaya xidhiidhka labbada dal.

Muwaadin bal xasuuso tirada iyo miisanka wufuuda Itoobiya ee sannadihii u dambeyey dalkeena yimid si ay madaxda Somaliland ugala Xaajoodan Mashaariic u dan ah horumarka iyo amniga labada dal oo inta badan ka socon waayey dhinaca Somaliland.

Akhriste ma iswaydiisay halka ay ku dambeyeen guddiyadii heer wasiir iyo guddiyadii farsamo ee Agaasimayaasha Guud ee labbada dal.

Arrimaha kor ku xusan waxa ka sii darran Somaliland oo aan awood iyo kartitoona u lahayn fulinta ama dhaqan galinta heshiisyada ay la gasho Shirkadaha ama dawladaha.
Bal aan soo qaadano dhawr tusaale: Waxa dalka iskaga baxay Shirkadihii shidaalka Sahaminayey markii dawladu ku fashilantay in la sugo Amaankooda.

Waxa buray heshiiskii lala galay amiir reer Qadar ah oo doonayey in uu warshad ka dhiso Degmada Sheekh markii dad shicib ahi iska Hortaageen Goobtii dawladu u qoondeysay.

Shirkad Shiine ah oo Macdan ka baadhaysay buuraha Simoodi ee gobolka Awdal waxay la macaamiisha dadka deeganka markii ay ogaadeen in aanay dawladu lahayn awood ay ku illaaliso amaanka shaqaalaha iyo hantida shirkada.

Xukuumadu waxay ku dhici wayday in Warshadii Sibidhka oo hanti Qaran ah ku soo celiso gacanta Dawlada.
Waxay Xukumadu dib uga joogsatay in la xidho Seerihii Xoolaha ee Aroori iyo Qool-cadey markii Dhawr Qof ka hanjabeen Warbaahinta iyaga oo ka faa’ideysanaya tamardarada hay’adaha sharci fulinta.

Raysal wasaarihii hore ee Indonesia Djuanda isaga oo tilmaamaya sida illaahay ugu roon yahay dadkiisa iyo sida ay uga qatan yihiin nimcada uu siiyey wuxu yidhi: “God is for us, but we are against ourselves”.

Si kastaba ha ahaatee 27/3/2015 Raysal Wasaaraha Itoobiya Md. Hailemariam Deselgn isaga oo u waramaya wakaalada wararka ee REUTERS wuxu shaaca ka qaaday in Itoobiya ay bilaabayso dhoofinta Gaasta Dabiiciga ah Sanadka 2017.
Haddaba Gaastan oo laga helay goobo aan sidaa uga fogeyn Somaliland waa wax la garan karo in ay Berbera tahay dekeda ugu haboon ee laga dhoofin karo ama ugu qiimo jaban marka laga eego masaafada iyo dabeecada dhulka oo isku siman ee Beebku soo marayo sidaasi daraadeed dhawaaqa Raysalwasaaraha ka hor 12/11/2014 waxa Somaliland yimid wafti culus oo uu hogaaminayo wasiirka maaliyada Itoobiya, waxaynu qiyaasi karnaa markan in ay u socdeen in warbixin kama dambeys ah ka keenan surtagalnimada in gaasta laga dhoofin karo dekeda Berbera.
Waxaan u maleynayaa Itoobiya in ay ka walaacday amaanka deeganada dhulka la soo marinayo dhuumaha gaasta waayo ma mooga wixii qabsaday shirkadihii shidaalka iyo murankii dhexmaray beelaha deeganka.
Way ka war hayaan in Xukuumada loo diiday dhul yar oo la dhigi lahaa taangiga biyaha loogu kaydiyo magaalada Tog-wajaale sidaasi awgeed Raysalwaasaha Itoobiya waxa uu heshiis la gallay dawlada Jabuuti iyada oo dhuumaha Gaasta qaada la soo dhigi doono masaafad aad u dheer iyo dhul adag oo buuraley ah.

Dekeda jabuuti waxay tartan kula jirtaa dekedaha waaweyn ee Gobolka sida dadka qaar ku sheekeyaan uma baahna in ay la Tartanto Somaliland,

Somaliland iyadaa tartan iskula Jirta oo waxba qabsan kari wayday”

Cabdiraxman Cadami
Email: Abdirahmanadami@Yahoo.com

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Ingiriiska Oo Bogaadisay Waxqabadka Wasiirka Duulista Iyo Wadajirka Ummada Somaliland Gacmaha Isu-Qabsatay Horumarka Dalkooda

Hargeysa (Himilo) – Mr. Neil Wigan, Safiirkii hore dalka Ingiriiska u qaabilsanaa Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in taageeradooda horumarka Somaliland waari doonto inta ay arkayaan ummada Somaliland oo wadajir uga dedaalaya.
unnamed (2)Mr. Wigan oo shalay ka qeybgalay munaasibad Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi ku casuumay Madaxweynaha Somaliland iyo martisharaf kala duwan furitaanka mashaariic kala duwan oo lagu kordhiyey madaarka Cigaal ayaa sheegay inuu ku amaanayo wasiirka Duulista iyo hawl-wadeenadiisa horumarka ay gaadhsiiyeen Somaliland. Waxaanu yidhi,
“Waxaan doonayaa inaan ku hambalyeeyo Jamhuuriyada Somaliland, iyo gaar ahaan wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi iyo hawl-wadeenadiisa hawsha qiimaha leh ee maanta aynu goob-jooga ka nahay, waxaan qabaa in casriyeynta iyo dhismaha madaarka caalamiga ah u tahay hanti weyn Somaliland. Waxay ka bixinaysaa sawir wanaagsan Somaliland, maadaam oo ay tahay goobta ugu horreysa ee dadka soo booqda dalkani arkayaan.
Safiirkii hore Ingiriiska u qaabilsanaa Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Wigan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ummada reer Somaliland uga shaqeynayaan horumarka dalkooda iyagoo gacmaha is-haysta, dalkiisuna garab istaagi doono, waxaanu yidhi,
“Waxaan sidoo kale jeclahay inaan sheego maadaama Ingiriisku yahay saaxiibka Somaliland inaan ku faraxsan nahay aragtida dhamaan daneeyaashii Somaliland, madaxdooda, hogaamiyeyaasha xisbiyada, bulshada rayidka ah, culimada iyo dhamaan qeybha bulshada oo wadajir u garab taagan horumarka Somaliland. Waxaan ballanqaadaynaa inta ay noo muuqato intaad u dhan tihiin dhismaha horumarka dalkiina, xukuumada Ingiriisku waxay ahaan doontaa saaxiib taageera horumarka Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgaliyay Madaarka Hargaysa

Hargeysa (Himilomedia) May-28-2015-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray afar mashruuc oo laga hirgaliyay Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa

 

Madaxweynuhu waxa uu ugu horayn xadhiga ka jaray Xarunta kaydka Dab-damiska ee Garoonka diyaaradaha, sidoo kale waxa uu kormeer iyo xadhig ka jaris ku sameeyey xayn-daab dheer oo lagu wareejiyey garoonka iyo runway-giisa, kaasi oo ka kooban Taar ama shebeg, iyo kaabado shub ah, waxaanu madaxweynuhu ku soo noqday dhabada garoonka diyaaraha oo dhererkiisu dhan yahay waa inta lagu daraye 1250M marka la isku darana noqon doonta 3700m.

 

Displaying DSC_0151 .jpg

 

Sidoo kale waxa uu soo kormeeray xarunta shirkada Somaliland Hono Group oo ahayd shirkaddii dhamaystirtay dhismaha runway-ga, waxaanu madaxweynuhu kormeerkaasi ka dib ku soo laabtay xarun aad u qurux badan oo loogu talogalay in ay ka qabsoonto xaflada furitaanka mashaariicdaasi qiimaha badan.

 

Xafladaasi oo laga jeediyey khudbado qiimo badan kana hadleen masuuliyiin tiro badan ayaa ugu danbayn waxa ka hadlay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo hambalyo u diray cid kasta oo ka gacan geysatay dhismaha mashaariicdaasi oo uu ugu horeeyo boqorka Kuwayd oo isagu maalgeliyey garoonka.

 

Dhimaca kale waxa uu madaxweynuhu hambalyo u diray dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia iyo shacbigiisa oo 24 sanno ay ka soo wareegtay nidaamka dimuquraadiyada dalkaasi ka jira.

Himilomedia

Hargeysa

Gudoomiyaha Guurtida Oo Ku Gacan Saydhay Heshiiska Saddexda Xisbi iyo Xukumaddu ku soo af jareen khilaafkii mudo kordhinta ka dhashay

Hargeysa (Himilomedia) May-28-2015-Gudoomiyaha aqalka odayaasha Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ganafka ku dhuftay heshiiska saddexda xisbi qaran iyo xukumaddu iskula qaateen in laga noqdo go’aankii guurtidu Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo wakiilada ugu kordhisay muddo xileedka 22-ka bilood ah, islamarkaana laga dhigay in doorashada la qabto badhtamaha bisha December 2016-ka.

Waxa uu sheegay in go’aanka muddo kordhineed ee golaha guurtidu yahay mid sharci ah islamarkaana aan ka noqosho lahayn “Waxaanu maqlaynay in saddexda gudoomiye ee Axsaabta qaranku ay isku raaceen inay doorasho qabanayaan bisha December ee sanadka 2016-ka. Ma ogin sharciyad asxaabta siinaya muddo kordhin. Muddo kordhinta hay’adda qudha ee dastuuriga ah ee qarankan wax kordhin kartaa waa golaha guurtida. Golaha guurtiduna doorashada waxay ka dhigeen bisha March ee 2017-ka. Madaxweynaha iyo Komishanka qaranku bisha March ee loo cayimay meesha ay ka dhigayaan maalinta doorashada waa u fasax laakiin cid kale oo dastuurku xaq u siiyay muddo kordhini ma jirto” ayuu yidhi Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland

 

Gudoomiye Saleebaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xukumadda maanta joogta ee Madaxweynaha uu ka yahay Siilaanyo, tii hore waxay kaga eeg tahay 27-ka July 2015, haddii ay doorasho qaban kari waayeen, wixii sharciga iyo dastuurku bixiyeen waxa weeye in loo hogaansamo go’aanka golaha guurtida, sharciyadda qaranku waa kaas" ayuu yidhi Gudoomiyie Saleebaan

Gudoomiyaha Guurtida ayaa farriin u diray shacabka Somaliland “Umadda reer Somaliland waxaanu u sheegaynaa in sharcigii qaranku kaas yahay, awooddana golaha guurtidu leeyahay, qaranna wuxuu ku dhaqmaa waa sharciyad, Allahayow sharci la’aan hana badin uu ninkii doonaaba samaysanayo awood uu sharciga ku maroorsado, waxa weeye doorashadii 27-ka March 2017-ka” ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan.

Dhinaca kale xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan), ayaa soo dhaweeyay in laga noqdo go’aanka guurtida oo uu sheegay inaanu marka horeba la dhacsanayn. Waxa uu bogaadiyay heshiiska la iskula qaatay in muddo kordhinta wakhtiga dheer ah lagaga noqdo.

Xildhibaan Gacan waxa uu sheegay inaanay hore u dhicin in go’aan guurtidu samaysay laga dabo tago balse hadda go’’aankani ahaa mid lagu degdegay “Horta golaha guurtidu go’aan uu sameeyay waligii lagama daba tagin, xataa madaxweynuhu ma saxeexo ee sidaas ayuu ku dhaqan galaa oo ku socdaa go’aanka guurtidu laakiin doorkan waanu degdegnay, golaha guurtidu wuu degdegay” ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

Xildhibaan Gacan ayaa qaadashada go’aanada noocan ah ku tilmaamay mid aan dhaqan u ahayn guurtida ”dhaqan aanu lahaan jirnay maaha waxa walba anaga ayaa xalin jirnay oo arinkasta meeshiisa ugu tagi jirna,taasna maanta hadii mar dib looga soo noqday oo dibna loo dhigay wax umada iyo Axsaabtu ku raali tahayna ladhigay taana hambalyo ayaanu leenahay,” ayuu yidhi Xildhibaan

Himilomedia

Hargeysa

Xukuumadda oo Qirtay in haya’dda UNFPA ku Khiyaamaysay Ururinta Xogta tira-koobka Shacabka Somaliland oo ay Soomaaliya u gudbisay

Hargeysa, 28 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa qirtay in hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Tirakoobka dadka ee UNFPA u gudbisay dowladda Soomaaliya Xog-ururin laga sameeyey gobollada Somaliland sannadkii 2013-kii, taas oo hawl-galkeeda ka wada-shaqeeyeen Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, isla markaana ay labada dhinac ku heshiiyeen in xogo ka soo baxda natiijadaasi gaar ah u tahay Somaliland.

Dowladda Soomaaliiya iyo hay’adda UNFPA, ayaa munaasibad ay si wada-jir ah ugu qabteen magaalada Muqdisho ku soo bandhigay tiro-koob shacabka ku nool gobollada ay ka koobanaan jirtay dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gobollada Somaliland ku jiraan.

Xukuumadda Somaliland waxa ay qirtay in hay’adda UNPFA kaga baxday isla markaana ay khiyaamo kula kacday Macluumaadka iyo Xogta tiro-koobka shacabka Somaliland oo ujeeddadii loo sameeyey ahayd sidii loogu xisaabtami lahaa Wax-qabadyada iyo adeegyada bulshada ee gobolka kasta u baahan yahay, sidaas awgeedna ay tallaabada ay dowladda Soomaaliya ugu gudbisay xogta tirakoobka shacabka Somaliland ay dhaawacayso wada-shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo hay’adda UNFPA, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaran Dr Sacad Cali Shire.

SACAD CALI SHIREWar-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNFPA, ayaa iska kaashaday sahan loogu kuurgelaayo tirada dadka ku nool Somaliland sannadkii 2013.

Dadkeenna in aynu tiradiisa iyo noloshiisaba xog ka helnaa waa muhiim, waxaynu u baahannahay in aynu ogaano tirada dadka degmo kasta iyo gobol kastaba ku nool si aynu adeegyada bulsho sida Tacliinta iyo Caafimaadka ugu qorshayno.

Sahanku wuxuu ka dhacay gobollada Somaliland oo dhan iyo deegaamadiisa laga soo bilaabo Saylac - Dhahar ilaa Buuhoodle.

Cid Soomaaliya ka socota oo xog-ururinta Somaliland laga sameeyey ka qaybgashay ma jirto. Xogta la ururiyey iyo natiijada kasoo baxday waxa iska leh Somaliland cid kale oo sheegan kartaa ma jirto, ciddii sheegatana sheegashadeeda waxba kama jiraan.

Somaliland iyo hay’adda UNFPA waxay ku heshiiyeen in warbixin gaar ah oo koobaysa tiro-koobka Somaliland ay soo saarto, waanay fulisay.

Waxase nasiib-darro ah oo aannu aad uga xunnahay in hay’adda UNFPA xogtii Somaliland ay siisay Soomaaliya, kalana qaybgashay xaflad ay Soomaaliya ku sheeganayso natiijadii tiro-koobka Somaliland. Arrintaasi waxay saamaynaysaa wadashaqayntii Somaliland iyo hay’adda,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka uu soo saaray Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire.

 Himilomedia

Hargeysa

Dood Baarlamaanka EU-du ka yeeshay Qalalaasaha Dunida oo lagu Faaqiday Kaalinta Somaliland ka geysatay Qaabilaadda Qaxoontiga Yemen

Brussels, 28 May, 2015 (Himilo)- Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa dood uu shalay ka yeeshay kaalinta hay’adda Caalamiga ah ee ICRC ka geysato xaaladaha bani’aadmino ee waddamada dagaaladu ka dhacaan, ayaa lagu soo qaaday taageerada ay Somaliland ka geysatay qaabilaadda dadka qaxoontiga ah ee ka soo cararaya qul-qulooyinka ka socda waddanka Yemen.

carver-26-05-2015-afet-maurer-275Guddoomiyaha hay’adda Laanqeyraha Cas ee adduunka (ICRC) Mr. Peter Maurer oo kulanka Baarlamaanka Midowga Yurub goob-joog ka ahaa isla markaana wax laga weydiiyey kaalinta xukuumada Somaliland ka qaadatay taageeridda qaxootiga u dhashay Somaaliya iyo dalalka kale ee soo gaadhay xuduudaheeda iyo inay mudan tahay in lagu amaano.

Mr. James Carver oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub, isla markaana u ololeeya qadiyadda la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland oo kulankaa su’aal weydiiyey Mr. Maurer ayaa sheegay, annigoo ka tirsan xildhibaanada taageera la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, “ma jirtaa waxaad ka sheegi kartid dedaalada xukuumada Somaliland kula tacaalayso taageerida qaxootiga ka soo cararaya dagaalada ka socda dalka Yemen ee magangelyada soo biday Berbera.

Mr. Carver ayaa raaciyey, “Miyaanay talaabadaasi u qalmin mid lagu amaano Somaliland maadama ay buuxisay waajibaadkii ka saarnaa hawlahii bani’aadnimo ee bogcada aduunka ka tirsan ee Afrika.”

Xildhibaan Carver oo si weyn ugu ololeeya qadiyadda la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland horena marar kala duwan ka sheegay fadhiyada baarlamaanka Midowga Yurub, una qabanqaabiyey shirara caalami ah oo lagaga hadlay qadiyadda Somaliland ayaa sheegay in usbuuca soo socda uu qabanqaabinayo shir ku saabsan qadiyadda Somaliland oo magaalada Brussels ka dhici doona , inkastoo aanu faahfaahin dheeraad ah ka bixin.

Talaabada baarlamaanka Midowga Yurub lagaga soo qaaday kaalinta xukuumada Somaliland ka qaadatay taakulaynta qaxootiga ka soo cararaya dagaalada dalka Yemen ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib markii Somaliland ku dhawaaqday inaanay qaabili doonin qaxooti dambe oo soo gaadhay xuduudaheeda, ka dib markii hay’adaha Qaramadda Midoobay iyo kuwa caalamigu ka baaqsadeen inay wax la qabtaan culayska haysta qaxootiga u dhashay Soomaalida ee dalka ku sugan.

Himilomedia

Hargeysa

Xisbiyada & Xukuumadda oo Heshiis Go’aankii Guurtida Burinaya ku Xaliyey Khilaafkii Jiray, iyo Mowqifkii uu Gud. Saleebaan Iska taagay

 

Hargeysa, 28 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranka, ayaa heshiis afar qodob ka kooban ku soo af-jaray Khilaafkii ka dhashay Go’aankii muddo-kordhinta ee Golaha Guurtida oo gebi ahaanba meesha ka baxaya, waxaanay isla qaateen in xilliga doorashada laga dhigo dhammaadka sannadka 2016-ka.

Kulamo kala duwan ee cawaysinkii hore ee xalay Xisbiyada siyaasadda iyo Xukuumadda ku yeesheen Hotel Maansoor ee Hargeysa, ayaa lagu go’aamiyey in xilliga doorashada laga dhigo bisha Decemnber ee sannadka 2016-ka, iyadoo laga tanaasulay go’aankii Golaha Guurtida oo dhigayey in doorashada la qabto bisha Afraad ee sannadka 2017-ka iyadoo wakhtigaas dib looga soo guuray muddo lix bilood ah. Sidoo kale, heshiiskan ayaa meesha ka saaray mowqif xisbiyada mucaaradku ku dheganaayeen oo ka duulayey go’aan Komishanku xilliga doorashada ugu muddeeyey bisha June ee sannadka soo socda.

Heshiiska Afarta qodob ka kooban oo xisbiyada iyo Xukuumaddu xalay ku saxeexeen Aqalka Madaxtooyada oo niskii dambe ee xalay ay si wada-jir ah ugaga dhawaaqeen Xisbiyada UCID, Kulmiye iyo Waddani iyo Xukuumadda oo madaxweyne ku-xigeenku u metalayey, ayaa qodobka ugu horreeya lagu sheegay inay ixtiraamayaan Go’aankii muddo-kordhinta ee Golaha Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, balse xilliga doorashadu noqoto bisha 12 ee sannadka dambe isla markaana haddii ay yihiin Xisbiyada Qaranka ay soo jeedinayaan in Guddiga doorashooyinku cayimaan xilliga doorashada.

Heshiiska oo ay ku saxeexan yihiin Saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada UCID, Kulmiye, WADDANI iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Sidaad la socotaan gogoshii wada-tashiga Axsaabta Qaranka ee uu madaxweynuhu fidiyey isla markaasna uu madaxweyne ku-xigeenku hoggaaminayey ee bilaabmay 20/05/2015, waxaanu yeelannay saddex kulan oo aanu ku gorfaynay kuna falanqaynaynay sidii mawqif midaysan looga yeelan lahaa aragtiyihii kala duwanaa ee ka dhashay go’aankii muddo-kordhinta Doorashooyinka ee Golaha Guurtida, dood dheer iyo falaqayn kaddib, waxa ay axsaabta Qaranku ku heshiiyeen isla waafaqeenba in doorashooyinku ay qabsoomaan dabayaaqada sannadka 2016-ka Haddii Illaahay Idmo. Intaas kaddib waxa la soo jeediyey go’aankaas laysla qaatay in ay fuliyaan hay’adaha Dastuuriga ah ee ay khusayso arrinta si ay u noqoto go’aan Qaran ahaan loo wada-dhan yahay.

Sidaa darteed, waxa ay saddexda Xisbi ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ay wada-qaateen go’aamadan:

1) Waxaanu ixtiraamaynaa go’aankii Golaha Guurtida ee Kordhinta muddo-xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada maadama Goluhu uu yahay Gole Dastuuriya.

2) In Doorashooyinkua Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ay qabsoomaan Bisha December 2016.

3) Waxa ay saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ku talinayaan in Doorashooyinku ku qabsoomaan badhtamaha bisha laba iyo Tobnaad 2016, iyadoo Komishanka Doorashooyinku ay soo jeedin doonaan Maalinta ay qabsoomayaan doorashooyinku.

4) Maadaama saddexda Xisbi Qaran ka heshiiyeen Wakhtiga Doorashooyinka, waa in Komishanka Doorashooyinka Qarankuna soo jeediyaan Maalinta Qabsoomidda Doorashada isla markaasna waxaanu u soo jeedinaynaa in madaxweynuhu digreeto ku ansixiyo maalinta Doorashada.” Sidaas ayuu qornaa heshiiska dhexmaray Xisbiyada iyo Xukuumadda.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi-Qaran oo saxeexa heshiiska kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay soo-dhawaynayaan heshiiska oo ay xuseen inuu soo gunaanaday khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kordhinta, waxaanay beesha caalamka ugu baaqeen inay kula shaqeeyaan isla markaana u hoggaansamaan go’aanka wada-jirka ah ee xisbiyada iyo xukuumaddu isla qaateen.

In kasta oo heshiiska iyo go’aamadani ku kooban yihiin Xisbiyada iyo Xukuumadda, sida qodobbada ku xusanna ay ku Guurtida ku ixtiraamayaan go’aankoodii Muddo-kordhinta, haddana waxa ay sheegeen inay u tagi doonaan isla markaana u soo bandhigi doonaan heshiiska la gaadhay.

Haseyeeshee, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay warfidiyeennada la hadlay, ayaa sheegay in muddo-kordhinta ay sameeyeen tahay go’aan sharci ah oo ka soo baxay hay’ad dastuuri ah, waxaanu yidhi, “Anigu idin odhan maayo cidbaa wax ka noqonaysa iyo wax laga noqday ayaa jira, laakiin Go’aankaasi waa go’aan Guurti, waa go’aan baarlamaan, waa sharci qaran.”

Balse, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay saxaafaddu wax ka weydiisay hadalka Guddoomiyaha Guurtida, ayaa isna ku jawaabay, “Guurtida waxeedu Qur’aan maaha, annagaa xaq u leh wakhtiga doorashadu dhacayso, Guurtida iyo Gurigooda ayaa khal-khal geli doona, waayo shacabku ma oggola. Somaliland wixii ay ku heshiiso ayaa sharci, isaguna (Guddoomiyaha Guurtida) sharciga kama sarreeyo. Awoodda ugu sarreysa ee dalku waa Shacbiga, wixii uu shacbigu gooyo ayuunbaa sharci ah, markaa Saleebaanna sharciga kama sarreeyo.” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Himilomedia

Hargeysa