Wednesday, May 20, 2015

DAAWO: Natiijada kulankii u Horreeyey Ee Xukuumada Iyo Xisbiyadu ka Yeesheen Khilaafka Muddo-kordhinta ka Dhashay

Hargeysa (Himilo)-Xukuumada iyo Axsaabta siyaasada Somaliland ayaa kulankii ugu horreeyey ee ay kaga wada hadlaan khilaafka ka abuurmay muddo kordhinta golaha guurtidu u sameeyey Xukuumada iyo Golaha wakiilada ee ah sanad iyo toban bilood.

Kulankan oo ah gogol dhawaan xukuumadu ugu baaqday xisbiyada mucaaridka ayaa lagu qabtay Ambassador hotel waxaana shir guddoominayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxaana ka soo qayb galay guud ahaanba hogaanka sare ee saddexda xisbi qaran.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa saacado ka dib markii uu dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay waxyaalihii lagaga wadahadlay iyo sidii uu u dhacayba Saddexda Guddoomiye xisbi.

HALKAN KA DAAWO

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment