Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo Ayaa Tacsi U Diray Guud Ahaan Madaxdhaqameedka, Ehelada Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum Chief Caaqil Saahid Xaaji Aadan Qabile Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.
War-saxaafadeedkaasi oo dhameystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Chief Caaqil Saahid Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile oo ku geeriyooday Hargeysa 20/05/2015.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, Halgankii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa waxaanu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment