Saturday, May 30, 2015

Maayarka Caasimadda oo Abaal-marinno Guddoonsiiyey Arday ku guulaysatay Tartan Qur’aanka Kariimka ah oo D/Hoose Maalgelisay

Hargeysa, 30 May, 2015 (Himilo)- Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa abaal-marinno kala duwan guddoonsiiyey arday kaalmaha hore ka gashay tartan xifdiga Qur’aanka Kariimka ah oo Dawlada Hoose ee Hargeysa maalgeliysay, waxaana ka qayb-galay in ka badan Afar boqol oo arday oo ka kala socday Madarasado ku yaala magaalada Hargeysa.

Tartanka oo muddo laba todobaad ah ka socday Masaajidka Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha Hargeysa, waxa guddoonsiinta Abaal-marinaha loogu talo-galay Ardayda goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Maayarka Hargeysa, Xoghayaha Fulinta ee Dowladda Hoose, Culimo-awdiin iyo dadweyne tiro-badan.

Guddoomiyaha Jamciyadda Qur’aanka Kariimka ah Sheekh Cabdiqafuur Aadan Cumar, ayaa ka warbixiyey geeddi-socodkii uu tartanku soo maraym, tirada Ardayda ka qayb-gashay tartanka, waxaanu yidhi, “Waxa ka qayb galay arday tiradoodu tahay 410 arday oo iskugu jira hablo iyo wiilal, waxaana ay ardaydoodu ka qayb gashay 80 madarasood oo ku yaala magaalada Hargeysa, wareegii koobaad waxa soo baxay 87 arday, ugu danbayntiina waxa abaal marinaha ku guulaystay 12 arday, iyada oo dedaalka ardayda oo aad u balaadhnaa lagu kala baxay wax aad u yar. Waxaan Illaahay ka rajaynaynaa inuu noqdo tartan bilaw ah oo ay Dawlada hoose-na noo sii wado, dhiirri-gelinta Qur’aankuna waxay ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan ee u calaamadsan Jamciyada Qur’aanka Kariimka, waxaanan aad ugu mahad naqayaa maayarka caasimada iyo masuuliyiinta dawlada hoose oo iska xil saaray sidii uu tartankani u noqon lahaa mid hir gala.”

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo halkaas ka hadlay, ayaa ballan-qaaday inay Dowlad Hoose ahaan sii wadi doonaan maal-gelinta Tartannada Qur’aanka Kariimka ah, waxaanu yidhi “Maanta farxad weyn ayey ii tahay inuu tartankani halkan ka qabsoomo, qofku marka uu dhameeyo Qur’aanka Kariimka ah waxay dhiiri gelinaysaa ardayda danbe, Dawlada hoose way sii wadaysaa tartanka inta Illaahay na gaadhsiiyo, sannad walba waanan qabanaynaa. Wixii aanu maanta ku bixinay laban laabkeedna waanu bixinaynaa, waxaanay noqon doontaa mid sannad kasta lagu daro kharashaadka Dawlada hoose.”

Maayarka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan ardayda farayaa in sida ay u qurux badan yihiin ee guryaha ay ka soo tooseena u qurux badan yihiin inay waalidiinta u sheegaan in waajib inaga saaran yahay inay waddooyinkuna sidaas u qurux badnaadaan oo dhulka bannaaan sidaas u qurux bato, Qashinka guryaha laga soo saarayna aan waddooyinka la dhigin oo aan la raacin biyaha Roobka,” ayuu yidhi maayarka Soltelco.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Hoose ee Hargeysa maalgelinta tartanka Qur’aanka Kariimka ah. “Waxaan Illaahay uga baryayaa maayarka, xoghayaha iyo Golaha deegaanka caasimadaba inuu Illaahay barakeeyo dariiqan ay bilaabeena ay ku dayan doonaan maayarada kale oo uu gaadhsiin doono, waana in dawlad hoose oo kastaaba ay tartano noocan ah u qabato ardayda cashuurta ay dadka ka qaadayaana aanay kaga fikirin oo kaliya in daaro iyo waddooyin loo dhisee ay ku daraan in qalbiyada la dhiso, iyada oo ay dawlada hoose ee caasimaduna dhisto madarasado badan, masaajido badana gacanta ku hayaan,”ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Ugu danbayntii, maayarka caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa abaal- marinno kala duwan oo loogu talo-galay guddoonsiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartankan Qur’aanka Kariimka ah oo noqonaya kii ugu horreeyey ee Dawlada hoose ee Hargeysa maalgelisay.

No comments:

Post a Comment