Wednesday, May 27, 2015

War Degdeg Ah: Xisbiyada Siyaasada Somaliland Oo Heshiis Ka Gaadhay Khilaafkii Siyaaseed Ee Ka Dhashay Muddo Kordhintii Golaha Guurtida

Hargeysa (Himilo)-Xisbiyada Siyaasada Somaliland Mucaarid Iyo Muxaafid ayaa goor dhaweyd soo gunaanaday wada hadaladii maalmahan u socday, ka dib markii caawa kullankii afraad ee ay isugu yimaadeen heshiis ku gaadheen qodobo xal u noqonaya khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta golaha guurtidu u samaysay xukuumada iyo golaha wakiilada.
Qodobada heshiiska xisbiyadu wada gaadheen ayaa waxay kala yihiin sidan:-
1. Waxaanu ixtiraameynaa go’aankii Golaha Guurtida ee kordhinta muddo xileedka Madaxweynaha, Ku Xigeenkiisa Iyo Golaha Wakiilada Somaliland.
2.In Doorashada Madaxweynaha Iyo Golaha Wakiiladu ay qabsoomaaan bisha 12aad ee sanadka 2016.
3.Saddexda Xisbi Qaran Ucid, Waddani Iyo Kulmiye waxay ku talinayaan in doorashooyinku qabsooman Bisha 12aad ee Sanadka 2016 Iyada Oo Kominshanka Doorashoyinku uu soo jeedin doonaan maalinta ay qabsoomeyso doorashooyinku.
4.Maadaama oo saddexda Xisbi Qaran ku heshiiyeen wakhtiga doorashooyinka waa in kominshanka doorashooyinku soo jeediyaan maalinta ay qabsoomeyso doorashooyinku isla markaana waxaa aanu soo jeedineynaa in madaxweynuhu digreeto ku ansixiyo maalinta doorashooyinka.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment