Hargeysa, 26 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland iyo Ganacsatada dalka oo maalmihii u dambeeyey u fadhiyey kulamo xal loogu raadinayo sicir-bararka maceeshadda iyo Sarrifka lacagta Dollar, ayaa isku af-gartay Qorshe lagu dhiirrigelinayo kor-qaadista Qiimaha Lacagta Shilinka Somaliland iyo sidii ganacsatada isticmaalkeeda ugu beddeli lahayd lacagta Dollarka oo ganacsigu si weyn ugu tiirsan yahay.
Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Maalgeshiga, Qorshaynta Qaranka, Wasiirul-dowlaha Waxbarashada, Guddoomiyeyaasha Baanka Dhexe iyo Rugta ganacsiga Somaliland, Gudoomiyaha Bangiga dhexe, Maareeyaha Dekedda Berbra iyo Xubno ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, ayaa kulan ay ku yeesheen shalay Wasaarada Maaliyadda Somaliland, ayaa lagu shaaciyey go’aan layskula qaata sidii Sidii Ganacsatada Somaliland wax ugu iibin lahayd Lacagta Shilling-ka Somaliland kaddib markii hoos u dhac ku yimi Shillingka Somaliland.
Kulanka oo ku qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda, waxaa ka qayb galay Madaxda Shirkadda Dahabshiil, Telesom, Oomaar, Baxsane iyo kuwo kale waxaana la isla qaatay in digreeto lagu soo saaro sidii qiimaha badeecadaha iyo Xawaaladaha loogu isticmaali lahaa Lacagta Shilinka Somaliland, Sida ay sheegtay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.
“Waxaan maanta (shalay) halkan isugu nimi shir laba bilood iyo dheeraad soo socday oo habeenkii ka dhacaya Wasaaradda Maaliyadda oo loogu kuur-galayey xaaladda sidii wax looga qaban lahaa Qiimayaasha Ascaarta iyo dollarka oo wali aan la soo gunaanadin. Waxa ka soo baxay qodobbo fara badan oo laga samaynayo daraasado sababaha joogtayn kara in lacagteennu noqoto mid shaqaysa. Waxa lagagama maarmaan noqotay inaanu kulankan maanta (shalay) isugu nimaadno ganacsatada oo waxa Gogoshan fidisay wasaaradda Ganacsiga. Waxa fadhiya ganacsato badan, waxa joogta rugta ganacsiga oo wakiil ka ah ganacsatada inteeda badan,” ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Wasiir Samsam oo ka hadlaysaynatiijada ka soo baxday kulamada dhexmaray ganacsatada dalka, waxa ay tidhi, “Waxaanu isla garanay haddii ay tahay wax iib iyo shaqo la qabanayaba in Shilinka Somaliland la isticmaalo. In maanta laga bilaabo la dhiiri galinayo lana farayo ganacsatada Somaliland inay isticmaasho shilinka Somaliland. Waa in hadday tahay ganacsato, xawaalado iyo dawladdaba in gacmaha la isqabsado oo sicir-bararka laga hor tago oo dadka dan yarta ah ee Somaliland ee shaqaalaha u badan ee boqolkii dolar ee ay qaadanayeen lixdan dolar ku noqday.”
Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim oo isaguna ka hadlay kulanka, ayaa sheegay,“Waxaa isku kaayo keenay Sicir-barbarka iyo kor u kaca Doollarka iyo hoos u dhaca shilinka, taas oo runtii noloshii dadka aad u saamaysay, waxaana kulankan soo dedejiyay oo aanu uga hor dhacnay cilmi baadhistii socotay heerka uu marayo qiimaha dolarka oo fursad aan na siin, markaa waxaanu isla go’aansanay in sida shuruucdeena oo dhan ku qoran lacagteena rasmiga ahi noqoto Shilinka Somaliland oo ganacsatadu qaadato oo iskuuladu qaataan oo Cisbitaaladu qaataan oo adeegyada dadka loo qabanayaa shilinka Somaliland qaataan,” ayuu yidhi Md Muuse Qaasim.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cilmi ayaa isna bulshada iyo ganacsatada ku booriyay isticmaalka shilinka Somaliland, waxaana uu sheegay in adeegyada lacaga telefonka ee Zaad iyo E-dahab laga dhigayo Shilin Somaliland.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed-Shukri oo isaguna ka hadlay kulanka, ayaa tilmaamay muhiimadda isticmaalka lacagta Shilinka Somaliland u leedahay nolosha bulshada iyo dhismaha qaranimada.
Dhinaca kale, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa todobaadkan u gudbiyey golahaas Mooshin la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa lacagta shilinka Somaliland, loogana isla markaana lahaa dhammaan goobaha ganacsi iyo Xarumaha waxbarasho ee dalka isla markaana meesha looga saari lahaa Ganacsiga iyo Badeecadaha ku jaan-go’an Dollar-ka oo saamayn weyn ku yeeshay nolosha bulshada danyarta ah ee dalka.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment