Dadka Soomaalida ah siiba dhalinyartu waxay ka siman yihiin jibadda iyo kalgacaylka ay u qabaan inay gaadhaan qaarada Yurub oo wax badan lagu tuhmayo inay yaalaan, dhamaan dhalintu rag iyo dumar waxay ka siman yihiin dareenka Yurub jacaylka ah, qofka Yurub jooga ama ka yimid bulshada inteeda kale wuu ka duwan yahay kuwa iska qolqol jooga ah ee aan waddanka dibadiisa wali u bixin, qofka Yurub ka yimid waxa laga qadariyaa in ka badan dadyawga kale ee meelaha kale ka yimid, sheeko laga sheekeeyo iyo Deegaan, magaalo iyo waddan laga sheekeeyo oo lasoo hadal qaado waxa loogu jecelahay mid Yurub ah, qof la sheegto oo ehelada iyo asxaabta ka mida waxa ugu qaalisan ka Yurub jooga, wax la arko oo la maqlo waxa ugu qaalisan aragtida bulshada ahaan wax si uun yurub xidhiidh ulala leh oo waddamada qaarada Yurub ku saabsan, xiisaha iyo jacaylka Yurub Soomaalida uun kuma koobna ee waxay kala siman yihiin inta ugu badan bulshooyinka kale ee dunida ku nool oo iyaguna si lamida Soomaalida u jecel inay Yurub dagaan mar uun inta nafi ku jirto oo hamiga ugu wayn ay ugu jirto, Soomaalidu-se siiba dhalintu waxa la odhan karaa waa kuwa ugu xiisaha badan inay aadaan Yurub, hami uga wayn Soomaalida inay Yurub mar uun gaadhan ma jiro, haddii ay jiri lahayd Aalad ama halbeeg lagu cabiro dadka oo lagu tiro koobi lahaa Laguna ogaan karo inta ay leeg yihiin dadka yurub u jibaysani qiyaas ahaan waxay noqon lahaayeen tiro buuran oo buuro ah oo boqolkiiba boqol ah inta jacaylka yurub hayo, jacaylka Yurub ee wadarta ah ee hadhka beelay waxa uu gaadhay in maahmaahyo loo sameeyo marka uu soo dhaco warka yurub ku saabsan, marka qofku maqlo qof kale oo asxaabta ama ehelada ah oo Yurub u baxaya inuu yidhaa" yurub waa la wada tagayaa ee waa lagu kala horraynayaa uun sida Aakhiraba loo wada tagayo ee loogu kala horraynayo " in Yurub la tago niyada uun laguma hayo oo laabtuun lagama jecla ee waxa loo huraa maal badan sidii loo gaadhi lahaa, waxaana loo biimeeyaa nafta qaaliga ee inagu jirta iyadoo dhib iyo rafaad kasta oo yurub lagu gaadhayo nafta loo babac dhigo, immisa asxaabta ah ama ehelada ah ayaa iyagoo ku jira baadi-goobka jidka lagu gaadhayo yurub oo tahriibaya ku dhintay, immisaa u baqoolka Yurub ku laxaad waayay, immisaa dad qaali inagu ah oo aan qudh iyo maan u garanayno lagu waayay iyagoo ay inoogu war danbaysay iyagoo Yurub usii socdaan, immisaa badwaynta ku leeday oo bahaladu calfadeen, immisaa xubnaha jidhkooda ugu qaalisan inta furfur ahaan loo isticmaalay maydkooda xayawaanka bahalo cuneenka ah loo dhigay, badanaa oo immisa iyo immisa wax laga naxo uun ah oo laga maqlay dad aan la iloobi karin oo Yurub u socday iyagoo rajo wanaagsan halkaa ka qabay? Intaaba waxa dheer inta Naf la carar iyo cago jiid dhib usoo dhamaaday aakhirkii galay Yurub oo ku jira xeryaha qaxoontiga ee waddamo Yurub ah oo dhibkii ay Yurub usoo mareen aan wali ka nasan, waxa tiro beelay dhalinta, haween iyo ragba leh ee rafaad ku gaadhay Yurub ee ilaa hadda aan soo taaban ee aan la kulmin himiladii fiicnayd ee yiddidiilada lahayd ee ay usoo boqooleen, immisaa yaab haystaa oo u qaadan waana ay ku noqotay waxay kala kulmeen ee ay ugu yimaadeen halkii ay halaaga usoo mareen, fikirka iyo rajada dhalinta rafaadka iyo silica ku galay Yurub ay qabeen waxay ahayd in mid kastaaba markuu Yurub gaadho uu helayo shaqo fiican, sharci Yurub ah, nolol sare oo raaxo iyo tamashlana uu gali doono haddii uu Yurub gaadho, marnaba naftii Yurub usoo socdaashay niyada ma gashan Yurub ayaa xero qaxoonti lagugu xarayn oo kaniisadaha lagaaga soo dawari wax yar oo kooban oo noloshaada lagu samata bixiyo, waxa aan marnaba is qabanayn oon isku dhigmayn dhibka ay dhalinta Soomaalida ahi u maraan in ay Yurub gaadhaan iyo xaaladda dhabta ah ee ay meesha ugu tageen ee ay la kulmeen,waxa aan ilaa hadda la hayn wiil ama gabadh u baqooshay oo tahriib dhib badan Yurub ku gashay oo guul lagu hirto laguna daydo kasoo hooyay dhibkii ay mareen marka laga yimaado sawiro ay kusoo galaan dhismayaal dhaadheer oo qurux badan hoostooda iyo meelo cagaaran oo qurux badan oo ay soo istaagaan, Ugu danbayn su'aashu waxay tahay ma intaasbaa nafta loo halaagay in sawiro qurux badan lasoo galo? meeyay humaagii quruxda badnaa ee Yurub kasoo widh-widhayay? Yurub maxay soo sidday ee ay soo kordhisay? Maxaase laga keenay!!??
W/Q Cabdiraxmaan Maxamed Sh Yoonis
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment